Shiikh Cabdulcasiis Abuu Muscab afhayeenka dhinaca hawl galada ee Xarakada Shabaab ayaa ka hadlay dagaalo ay ka gaysteen sida uu sheegay Gobolada banaadir, Bay bakool, Gedo iyo Jubbooyinka 24kii Saac ee la soo dhaafay,
Af hayeenka oo la hadlay Idaacad taageerta Xarakada Shabaab ayaa sheegay in Dagaal Ciidamadoodu habeen hore ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada dawladdu ay ku lahaayeen halka loo yaqaano Siinka Dheer ee Duleedka Muqdisha ay Khasaare ugu gaysteen Ciidankii dawladda ee halkaa ku sugnaa isla markaana kaga gubeen hal gaari oo Cabdi Bile ah waa siduu hadalka u dhigaye.
Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in Fariisinkaas ay kala wareegeen ciidamadii ku sugnaa , isagoo intaas kaddibna sheegey waa isla gobolka banaadiree in Degmada Deeyniile ay ku dileen labo Askeri oo Burundiis ah kuna sugnaa fariisin Ciidamada burundiisku ku lahaayeen garoonka Diyaaradaha deyniile ka gadaal markii Qaybta Shiishka ku horreysa ee xarakada Shabaab ay Shiisheen labadaas Askeri .
Af hayeenka Xaradaka Shabaab ayaa sheegey in sidoo kale fariisin ciidamada Dawladda Itoobiya ay ku lahaayeen Degaanka Yurkud oo ka tirsan Gobolka gedo in halkaas ay ku laayeen Ciidamo fara badan oo Itoobiyan ah kuna khasbeen Itoobiyaankii in ay halkaa isaga soo cararaan soona faaruqiyaan fariisinkoodii Yurkud banaankeeda u yaalay isagoo dhinaca kalena farta ku fiiqay in sidoo kale ay weerareen Ciidamada dawladda ee ku sugnaa difaacayada hore ee Magaalada Xuddur halkaasna ay kula wareegeen fariisin Ciidamada dawladdu ay ku lahaayeen.
Abuu Muscab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dagaalo ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada kiinyaanku ay ku leeyihiin Gobolka Jubada hoose isagoona sheegay in Dagaaladaas dhamaantooda ay ka gaareen Guulo is daba joog ah.hase yeeshee Saraakiil u hadashay Ciidamada Dawladda Hadalkaas afhayeenka kaddib ayay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.