Home » Faallo »

Gabay: Dastuurkaa la dhoobdhoobayee Mahiiga soo dhiibay

 

W.T Maxamuud Axmed Cabdalle (shine)

Email: mabdalle@gmail.com

July 26, 2012

Hordhac:

Dastuurka la rabo dhowaan in si xooga lagu marsiiyo Ummadda Soomaaliyeed abwaannadu maxay ka yiraahdeen? Akhris wanaagsan.

  1. Dastuurkaa la dhoobdhoobayee Mahiiga soo dhiibay
  2. Waa dhaxal wareeg ubadkayaga lagu dhibaatayne
  3. Dhulkayaga ninkii muran geshoow diidnay dhinacaaga
  4.  
  5. Odayadu dhambaalkay direen waa mid dhumuc weyne
  6. Dhaliishii aqoonyahannadaa weliba sii dheere
  7. Ninkii diintayada dhalan rogoow diidnay dhinacaaga
  8.  
  9. Dhaddig iyo labood wax u dhaxayn nooma dhaadhicine
  10. Dhaqammada la soo waaridiyo dhagarta hoos taalla
  11. Dhafoor taabashada laasimoow diidnay dhinacaaga
  12.  
  13. Dhalashada shan sano uun ku hano dhab u degaan weeye
  14. Wax loo dhaarin Madaxweynanimo talada loo dhiibo
  15. Kii wacad shisheeye u dhigtoow diidnay dhinacaaga
  16.  
  17. Dhudhummada midkii laga qabtee dhacay masaakiinta
  18. Ee dhugux ka siiyee malyaan dhururi gaadhsiinin
  19. Ee weliba xil u dhololayoow diidnay dhinacaaga
  20.  
  21. Cadowgii dhulkaygii kol hore dhinaca loo gooyey
  22. Maantana badday dhiganayaan kii hore u dhaafnay
  23. Dhaabaddaa hadimo kii wadow diidnay dhinacaaga
  24.  
  25. Dhimirkii qabyaaladi gashaa qaran ka dheeraaye
  26. Dhaandhaan dantiisa u dhanqalan waa damiir dhumaye
  27. Midkii kala dhoweystoow shacbiga diidnay dhinacaaga
  28.  
  29. Dhabba nabada, dhaymiyo maslaxo, dhalinta waanwaanta
  30. Dhug midaan u qabin oo nin kale dhaamankuu raraya
  31. Dhiiglaawe magac doonayoow diidnay dhinacaaga
  32.  
  33. Afrikaanka soo dhoobtayee Xamar dhaloonqeeyey
  34. EE dhoorle amarka u hayee dhacanta siinaayo
  35. Dhosoqluhu midkuu dheeg socdoow diidnay dhinacaaga
  36.  
  37. Mid dhiggiisa hoos jooga oon ceeb ka dhiidhiyinin
  38. Irbad dhuub ma geliyaha nin kale qalimmadow dhiibtay
  39. Ee dhagar shisheeyaad watow diidnay dhinacaaga
  40.  
  41. Digtoor dhookirkaan dhaadihayn dabinka loo dhaabay
  42. Aqoongaabka dhiishii caqliga sida dhadhaabeeda
  43. Ee sida dumaal loo dhaxloow diidnay dhinacaaga
  44.  
  45. Afartaasi waa iga dhambaal dhiillin iyo waano
  46. Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
  47. Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan
  48.  
  49. Dhoobada dalkeennaa nin wali dhuro ku taamaaye
  50. Dhan walbaba naflahan duullimaad nagu dhardhaaraaya
  51. Soomaaliyeey dhugo adaa lagu dhibaatayne
  52.  
  53. Dhulka baaxadda leh ee Ilaah fidiyey dheeggiisa
  54. Nin waliba dhankuu ka arrinshaan loogu dhiganayne
  55. Dhuddii nala ku uumay huryadu dhabaqsanaysaane
  56.  
  57. Ummadaha ku dhaqanee aralada soohdimaha dhaabtay
  58. Dhisme dawladeed baw agban iyo dhidib aan liicayne
  59. Innana waa is dhinac rooraynaa sida dhurwaagiiye
  60.  
  61. Waxan hore u dhicin oo adduun dhabannadii haysto
  62. Dal dadkiisii dhoobada cuneen ubadkii dhuun yeedhshey
  63. Nin walbaana dhuub boqornimiyo dhawri madaxweyne
  64.  
  65. Afartaasi waa iga dhaliil dhiillin iyo waano
  66. Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
  67. Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan
  68.  
  69. Dhambuukaha isgarab roorayiyo geyshka wada dhaatay
  70. Dharandhoorridiyo Garabcaddaa dhiigga wada quuta
  71. Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soo maaha?
  72.  
  73. Dhisme maammul goboleedku waa kala dhantaal uune
  74. Wada dhigaha loolkii ka jabay dhaxanna kaa awdin
  75. Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soow maaha?
  76.  
  77. Dad dhulkoodii laga gawdhiyoo dhagi gawaan jiifa
  78. Oo dhalasho kii ugu xigey dabaqyo dhoobaayo
  79. Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii sow maaha?
  80.  
  81. Dhabta halaq la saartiyo Amxaar gogosha loo dheeho
  82. Keenyaan hablaha loo dhisiyo dhaanto lagu sooro
  83. Nabsi dheelmatiinoow adduun dhagartii soow maaha?
  84.  
  85. Afartaasi waa iga dhaliil dhiillin iyo waano
  86. Xaqa dharabka lagu awadayaa waa midaan dhicine
  87. Qofkii ay dhibaysoow ka dirir ama dhug haw yeelan 
  88.  
  89. Allahayoow adaan dheelliyayn laguna dhaafayne
  90. Adaan taladu kaa dhuumanayn xaqa ka dheeraane
  91. Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye
  92.  
  93. Dhoylaawayaashiyo Allow dhaafi magalluudka
  94. Dhoomaha xammaalkiyo Allow dhaafi gega roorka
  95. Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye
  96.  
  97. Alloow dhool san noo di’i dhulkii waakan baylahaye
  98. Alloow dhabatanimmadiyo ka saar gaaja dhalandhoolka
  99. Soomaalida dhabbada toosan mari dhuudhi baa galaye   

W.T Maxamuud Axmed Cabdalle (shine)

Email: mabdalle@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.