Home » Warar »

Dawladda Ingiriiska oo Qiratay in Saraakiil ka tirsan Ciidamadeeda ay Joogaan Gudaha Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Dalka ngiriiska ayaa lagu sheegey in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ingiriiska in ay joogaan gudaha dalka Soomaaliya.Warka ayaa intaa ku daray in Saraakiishani Ingiriiska ayan qayb ka ahayn Dagaalada balse ay yihiin Khubaro iyo Macalimiin Tababaro siinaysa Ciidamada Amisom ee dagaalka kula jira Xarakada Shabaab.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Ingiriiska ayaa intaa ku dartay in Saraakiishan ay gaarayaan illaa Toban Sarkaal isla markaana ay bixiyaan casharo ku aadan qaabka ay Dagaalamayaan Ciidamada Amisom iyo Kaartooyinka ay isticmaalayaan Dhawaan ayaa markii u horeeyay Magaalada af gooye lagu arkay saraakiishan ka tirsan Dawladda ingiriiska kuwaasoo halkaa gaaray markii Ciidamadii Shabaabka ee ku sugnaa halkaas lagala wareegay.

Xarakada Shabaab ayaa marar badan ku cel celisey in ay jiraan Askar caddan ah oo dagaalka ku jirta iyagoona soo qaatay Ciidamada dalka maraykanka oo ay sheegeen in ay ku arkeen meelihii dagaaladu ay ka dhaceen sida dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay Degmada deyniile.

Xarakada Shabaab ayaa xiligaas sheegtay in dagaaladaasi au ku dileen Rag caddaan ah oo ka tirsan Ciidamada Maraykanka in kastoo tani ay tahay markii u horeeyay ee Wasaaradda difaaca dalka maraykanka ay sheegto in saraakiil ka socota dalkooda ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.Ingiriiska ayaa sheegey in Saraakiishaas ka tirsan Ciidamadiisa ay yihiin khubaro balse aysan qayb ka ahayn dagaalada u dhaxeeya Ciidamada amisom iyo Xarakada Shabaab.

Sannadkii 2009 ayaa laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Farnsiska laga afduubtey Magaalada Muqdisho kuwaas oo u yimid sidii ay tababaro u siin lahaayeen Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada Federaalka waxaana mar dambe la sii daayey mid ka mid ah saraakiishaas iyadoo midkii kale uu weli gacanta ugu jiro Xarakada Alshabaab hadanaba la arkii dfoonee Saraakiishaan waxa ay ku soo kordhiyaan Xaalada Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.