Home » Warar »

Burburkii Xawaaladii Qaran oo Go’aamo Laga soo saaray

Waxaa shir jaraaid si wada jir ah ugu qabtay Magaaladda Dubai qaar ka mid ahaa Masuuliyiintii Shirkadda Xawaaladda bur burtay ee QARAN iyo Gudi ka koobnaa Culimo kuwaas oo horay loogu xilsaaray in ay hawsha shirkadaas galaan isla markaana go’aamo ka soo saraan.

Go’aamadii Halkan ka akhri (waa PDF).

Dhinaca Culimadii loo xilsaaray waxaa goob joog ka ahaa Sh. Maxamed Cabdi Umul & Sh. Cabdirsaaq Aadan waxayna kulankaas ku soo bandhigeen Go’aamo & Talooyin iyagoo xusay inay hawshan soo wadeen mudo ka badan 5 bilood hawshuna ay la soo martay heerar kala duwan markii u horaysayna waxay shirkada u xilsaareen Xisabiye Madax banana kaas oo bishii May, 2012 xisaab xir ku so sameeyey Shirkadda.

Culumadu waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo baadi goobo dhamaan hantidii Shirkada iyagoo u xilsaaray gudi ka koobnaa 8 xubnood waxayna ugu baaqeen cid walba oo hanti ay shirkadu leedahay haysa inay si deg deg ah u so ceshaan si dadkii Shirkada ku lahaa saamiyada dib loogu celiyo waxay jireen in ay jirto Wakiilo lacago ku maqan yihiin kuwaaas oo ay u jeediyeen dar daaran adag.

Gebogebadii waxay soo bandhigeen Go’aamo waxayna ka gaabsadeen inay sheegaan sababta rasmiga ah ee shirkadii bur burisay iyagoo ku soo koobay maanta in aan arintaas oolayn.

Go’aamadii Halkan ka akhri (waa PDF).

 

Shiine Culay
Dubai
La xiriir: shiine.culay [AT ] gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.