Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Xarigga ka jaray Xeradii Draawiishta ee Caga Dhiig

Madaxweynaha Dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo Ciidamada ayaa maanta (Khamiis) booqday Xeradii Daraawiishta ee caga Dhiig ee haatan dib u dayac tirka lagu sameeyay. Madaxweynaha KMG ayaa ugu horeynba waxaa uu halkaa war bixin kaga dhagaystay Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Gen. Shiikhunaa Sh. Maye oo ka warbixiyay Taariikhda Xeradaasi ay leedahay iyo Ciidamadii ay degaanka u ahayd.

Gen. Maye ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxweynaha uu maanta xarigga ka jaro Xeradaas oo uu sheegey in door wanaagsan ay ku leedahay hawlaha Ciidamada Boliiska. Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Dr Cabdi Cali oo ka war bixiyay dadaalkii loo galay sidii Xerada Caga Dhiig dayac tir loogu samayn lahaa.


Wasiiru Dawlaha ayaa amaanay Ganacsato uu sheegay in ay gacan ka gaysteen sidii Xeradii Caga Dhiig dib loogu dayac tiri lahaa.Ugu dambayntiina waxaa halkaa ka hadlay Madax weynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo sheegay inuu si weyn ugu farxsan yahay in maanta Xarigga laga Jaro Xeradaas.

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegey in Boliisku uu yahay midka ugu xarumaha badan oo dhamaantoodna ay haatan shaqaynayaan. Madaxweyne Shariif ayaa xarumahaas ka soo qaatay xarunta Oto Oto, Xaruntii Gaadiika Boliiska, Iskoolo Bulusio iyo Xeradan Caga Dhiig kuwaasoo uu sheegey in dhamaantooda ay wax ku ool u yihiin hawlaha loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed.

Shariif Shiikh Axmed ayaa hanbalyo u diray haweeney uu magaceeda ku soo koobay Shukri taasoo uu sheegey in ay gacan ka gaysatay dhinaca raashiinka Ciidanka Daraawiishta ku sugan Xerda Caga Dhiig. Madaxweynaha ayaa ku amaanay hawwneydaas oo uu sheegey in lacagihii ay bixisey qaarkood weli aan la siinin welina ay la diyaar tahay raashiin Siinta Ciidanka isagoona ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee kalana in ay ku deydaan gabadhaas Shugri la yiraahdo.

Banaanbax lagu Taageerayo Shirka Ansixinta Dastuurka oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Boqolaal Dad weyne oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka banaadir ayaa Khamiistii  banaan bax Taageera ah ka dhigay gudaha magaalada muqdisho. Banaanbaxayaasha  ayaa waxaa ay isugu jireen Ganacsato, haween, Bar baarta Gaashaaman iyo Dhallinyaro si weyn u taageereysey Shirka ansixinta Dastuurka qabya qoraalka.

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaasha oo halkaa hadalo ka soo jeediyay ayaa sheegey inay si weyn ugu faraxsan yihiin in maanta Soomaaliya ay ka gudbayso Waqtigii ku meel gaarka sidaa darteedna ay u gudbayso dawladnimo buuxda. Kooxaahan banaa baxa dhigaya yaa ku guubaabinayay Ergada in sida ugu haboon ay u ansixiyaan dastuurka isla markaana ay meel mariyaan xubnihii meteli lahaa barlamanka bedelaya barlamankan iminka jira.

Qaar ka mid ah Haweenkii Banaanbaxaas ka soo qayb galay oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan Fadhiga ansixiyaasha Dastuurka Qabya Qoraalka isla markaana ay Ergada ka rajaynayaan ansixinta Dastuurka oo ay sheegeen in haweenka Door fiican laga siiyay.

Haweenkan hadlay ayaa intaa ku daray in haweenku weligiiba uu lahaa kaalinta koowaad sidaad darteedna banaanbaxan ay maanta isugu soo baxeen ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan sidii looga bixi lahaa marxaladda ku meel gaarnimada.Bar baarta gaashaman oo ka mid ahayd dhallinyaradii maanta ka qayb gashay banaabaxa ayaa halkaa ku soo ban dhigay Ciyaaro Hiddaha iyo Dhaqanka ah oo ay kaga tarjumayaan Dastuurka iyo faa’iidada uu u leeyahay bulsho weynta Soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo banaan baxa ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobay si nabad ah iyadoona shirka loo rajeeyay inuu ku dhamaado si Guul guul ah.Waxaa Maalintii labaad ka socda dugsiga Sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho Shirkii Ergada Ansixinta Dastuurka qabya Qoraalka.

Warbixn dheer oo ku saabsan Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Arbacadii si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.