Home » Faallo »

AQALKII LIITEY | Qore: Dr. Saadiq Enow

Aqal waa meel uusan nooluhu uga maarmin noloshiisa. Waa meel lagu nasto oo lagu nagaado. Waa lagu hoydaa oo lagu har-galaa. Aadamiga, goor hore ayuu ogaadey baahida uu u qabo in uu helo aqal uu ka helo hoyasho iyo har-gal. Baahidaas hoy-doonka ah, aadamiga waxaa la wadaaga noolaley badan oo xataa aboorku kamid yahay. Laakiin aadamigu wuxuu kaga duwan yahay isaga oo intaas dadaal ugu jira sidii uu u hagaajin lahaa hoygiisa, una naabadeyn lahaa har-galkiisa. Siduu u heli lahaa hoy baahi-tira jirka iyo ruuxda, wuxuu la kaashadaa awoodda garashada ee uu dheer yahay noolaleyda kale.

Xayawaanku awood uma lahan in ay wax ka beddelaan qaab-nololeedkooda, gaar ahaan meelaha hoyga u ah. Tusaale-dhig, Libaaxa waa bahal mudnaan ka leh habar-dugaagga uu la nool yahay. Xataa aadamiga agtiisa ayuu qaddarin iyo xushmad ku leeyahay. Mudnaantaas oo uu ku heley xoogga iyo boobka uu duur-joogta ku hayo, uma suuragelin in uu wax kaga beddelo hoygii uu ku noolaa malaayiin sano ee uu soo noolaa. Tan iyo waagii la uumey, Libaaxu kuma uusan guuleysan in uu hoy dhisto. Bal dhirta hooskeeda ayuu ku ururaa iyaga oo qoys ah. Lana fili-maayo mustaqbalka inuu awood u helo uu noloshiisa wax kaga beddelo. Waxaa halkaas ka muuqda nuqsaanta wehelisa bahalnimadiisa oo uusan marna ku haweysan karin in uu isku dhereriyo aadamiga. Taasina waa darajada aadamiga lagaga maneystey xagga Eebe.

Aqalku waa meel lagaga nabad-galo aafooyinka cimilada. Waa meel ayan naftu ka maarmin oo ay ku nasato. Isla goobaha aqallada gudahooda ah ayaa jaad walba oo noole ah wuxuu ku ababiyaa dhallaankiisa. Wuxuu ka soo saaraa faco danbe ee ka badbaadiya in jaadkiisu ku yimaado dabargo’ ay la tir-tirmaan. Aqallada ay noolaleydu ku hoydaan waa ay kala duwan yihiin. Dadka habar-dugaagta, bahaahimka iyo cayayaanka, intuba kama maarmaan lahaanshaha aqal ay ku hoydaan. Kuwo godad ayay qotaan, qaar kale qararka dhexdooda ayay galaan. Kuwo dhirta dushooda ayay harsadaan, qaar kale laamaha geedaha ayay cush ka dhistaan. Kuwo dundumo ayay dhistaan, qaar kale keyn ayay ku hoydaan. Inbadan oo noolaha kamid ah, bannaan furan ama geedo hoostood ayay ku hoydaan.

Aadamigu waa midka keliya oo si joogto ah u qurxiya dhismaha aqalkiisa iyo agabta dhex-taal ee uu adeegsanayo. Sidaa darteed aqallada aadamiga, gaar ahaan aadamiga il-baxa ah, waxaa ka muuqata is-beddel joogto ah oo ay ugu raaxeynayaan jirkooda iyo ruuxdooda. Sidaa darteed ayaa aadamiga maanta nool wuxuu qeexey qiimeynta guriga tayada wanaagsan ee ku haboon nolosha qoyska aadamiga ah. Taasina waxay ku qeexeen sidan:

” Guriyeyn, (marka lagu eego) aragtida casriga ah maahan oo keliya agabka fiisikada ah ee lagu dhex adeegsado. Bal wuxuu yahay wax kasta oo ku hareereysan, iyo adeegyada bulshada uu aqalku xiriirka la leeyahay. Waxaa weheliya fursadaha uu aqalku heli karo. Taasina waxay noqoneysaa in aqal lagu qeexo meel kasta oo ay dad ku nool yihiin, halkaas oo ay ku fushadaan yididiilada noloshooda. Bulshada ku nool dhismaha ceynkaas ah, tirada waa ay ku kala duwan yihiin. Waxay noqon karaan hal qoys. Waxayna noqon karaan malaayiin qoys “. (75) (Preventive and Social Medicine. Dr. Jhon Everett Park. 2002. p. 526 – 527. Jabalpur – India).

Waxaa halkaas ku cad in uu jiro aqal ay malaayiin dad ah ku nool yihiin, kaas oo  ka weyn midkan ay qoyska quri ku nool yihiin. Aqalkaasi ayaa wuxuu yahay waddanka ka dhexeeya qoysaska qaranka isku ah. Fahamka ceynkaas ah bulshooyinku waa ay ku kala duwan yihiin, oo bulshooyinka hanaqaadka ayuu ku xooggan yahay. Aqalka qoyska yari ay ku dhaqan yihiin waa aqalka ay ku nool yihiin aabe, hooyo iyo caruur. Waxaa jira qiimeyn xadeysan oo fahamka aadamiga casriga ah uu qirey in aqalku yeesho, si uu u noqdo mid ku haboon nolosha aadamiga. Si uu aqalku u noqdo wax-tar waa in si buuxda looga helaa danaha uu aadamigu uga baahan yahay. Waxaa lagu qeexaa sidaan:

Aqalku waa in uu yahay mid caafimaadka qofka aanan wax u dhimeyn, isla-markaa ay yaaliin agabkii asaasiga ahaa ee uu qofku u baahnaa.

Aqalku waa in uu u hagaagsan yahay adeegyada raashin karinta, raashin cunidda, meyridda (korka, dharka iyo agabka), iyo hannaanka wasakh fogeynta.

Dhismihiisu waa in uu habeysan yahay, isla-markaas uusan ahayn meel u xuddun noqota cudurrada faafa.

Aqalku waa in uu ahaadaa mid ka ilaasha khatarta oo aanan u fureyn dhawaaqyada waddooyinka iyo cimilada wasakheysan.

Aqalku waa in uu ahaadaa mid laga nabad galo dhismihiisa iyo hagaajintiisaba, isla-markaa waa in uusan lahayn wax dhib geysta.

Aqalku waa in uu qofka iyo qoyska ku dhiiri geliyaa in ay gacan ka geystaan xiriirka bulshada, iyaga oo xil iska saaraya ra’yi-bixin la xiriirta xeerarka cimilada. Sidaasna waxay horseedayaan hor u-marka bulshada.

Aqallada waa-wayn ee ka dhexeeya qoysaska bulshada dhamaantood, waxaa kamid ah degmooyinka, gobollada iyo dalka jamhuuriyadda. Sida ay bulshooyinku u kala garaad sareeyaan, ayaa aqalladooda waa-weyni ay u kala hagaagsan yihiin.

Aqallada waa-weyni, maahan kuwo ay hagaajin karaan qeyb bulshada kamid ah. Bal hagaajintooda waxay u baahan tahay in ay ka qeyb-qaataan dhamaan dabaqadaha ay leeyihiin bulshada ay ka dhexeeyso aqalka. Taasina waxaa loo maraa xeerar heer cari-edeg ah oo ay noloshu leedahay. Kitaabka dahiran ee quraanka ah waa kitaab mucjisadiisu ayan dhamaad lahayn. Waa kitaab u jooga in uu ummadaha u hagaajiyo aqallada qoysaska iyo kuwa qaranka. Goor kasta, meel kasta iyo dabaqad kasta oo bulsho ah, ayuu u tilmaamayaa xeerarka ay aqallada ku hagaagsan lahaayeen. Kuwaas oo haddii laga weecdo, ayan suuragal ahayn in aqalku hagaago. Xeerarkaasi waa kuwa bulshada ku hagaajinaya waddada toosan si ay ugu guuleystaan qoys toosan iyo qaran toosan. Waxaan filayaa qof Soomaali ah in uusan u baahnayn in looga sheekeeyo muuqaalka ay yeelanayaan bulsho uu ka kharaabey aqalkii waynaa.

Kitaabka dahiran ee quraanka ah, wuxuu goor hore inoo sheegey xeerar uu ina-faray in lagu hagaagsado aqalka wayn. Xeerarkaas ayaa waxaa saldhig looga dhigey guntashada caqiidada diinta Islaamka. Haddii taas laga madax-adeygo, quraanku wuxuu muujiyay tusaale wanaagsan oo uu inoogu bidhaaminayo in markaas aqalku noqonayo mid liita oo aanan nafac u lahayn bulshada. Islamarkaa wuxuu ku mataalay aqalka in uu yeelanayo tilmaamaha uu leeyahay aqalka caaro-caarada. Qyska iyo bulshada xasharaadkaas caara-caarada ah ayuu quraanku ku sheegey in ay yihiin  noolaha kuwooda ugu aqal liita ee nolosha ku  sugan. Boqorka Carshiga, Eebaha sareeya ee keliga ah, aayad quraan ah oo aanu isaga ku caabudno ayuu inoogu sheegey aqalkaas liita. Ujeeddadu waxay tahay bulshada Islaamka ah in lagu adkeeyo fahamka arinkaas. Suuradda Al-Cankabuut, aayaddeeda 41-aad, waxaa lagu xusey ereyadan:

‪)مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ‪(

سورة العنكبوت. 41

” Kuwii yeeshey Eebe sokadiis gar-gaarayaal, waxay lamid yihiin Caaro-caaro yeelatey aqal, waxaa aqal ugu liita, Caaro-caaro aqalkeed, haddey yihiin kuwo wax garanaya “. (76) (Suuradda Al-cankabuut. Aayadda 41-aad).

Qarniyadii dhexe, Eebe-inkirayaasha la dagaalamay diinta Islaamka, waxay quraanka ku dhaleeceyn jireen in uu yahay kitaab aanan qiima lahayn. Waxay ku cambaareyn jireen magacyada xasharaadka iyo cayayaanka ee lagu magacaabey qaar kamid ah suuradihiisa. Tusaale-dhig waxay u soo qaadan jireen suuradda Al-Namal (Quraanyada), suuradda Al-Naxal (Shinnada), suuradda Al-Cankabuut (Caaro-caarada). Waxay oran jireen, ma wax kale oo kitaabka lagu sheego ayaa la waayay. Iyagu waxay markaas liidayeen kitaabkan dahiran ee quraanka ah iyo dadka raacsan ee muslimka ah. Laakiin aadamigu markii ay u korodhey il-baxnimo iyo aqoon, wuxuu fahmey qiimaha nolosha ugu jira in raad-raac lagu sameeyo oo la fahmo qaab-nololeedka cayayaanka. Wax badan oo xikmad ah ayaa arintaas laga dhaxley. Faham badan oo dhanka nolosha ahna waa laga heley. Islamarkaa, raad-raacii cayaayaanka iyo xasharaadka waxaa laga ogaadey wax badan oo ama nafac u leh aadamiga ama shiddo ku haya nolosha. Markaas ayaa lagu dadaaley in wixii nafac ahaana laga qaato, wixii shiddo keenayayna lala dagaalamo. quraanku, cayayaan keliya maahee, xaglaha nolosha oo idil ayuu inoo tilmaamayaa. Wax kasta oo kamid ah nolosha muuqatada iyo ma-muuqatada ah ayuu inoo tilmaamey si aadamigu uga kororsado garasho la xiriirta xeerarka nolosha. Wuxuu ina-farayaa in aanu ku sameyno raad-raac iyo daba-gal oo aanu ku fahamno abuurihii walxaha unkey iyo in aanan loo uumin macna-darri. Fahamka ceynkaas ah ayaa wuxuu yahay mid aadamiga wax badan ka taraya noloshiisa geysashada iyo midda goosashada.

Caara-caaro (The Spider) waxay kamid tahay cayayaankaas goor hore quraanku inoo tilmaamey. Xagasha ay aayaddu inooga tilmaantey bahalkaas gibinka ah, waa aqalkeeda oo ah midka ugu liita oo ay leeyihiin bulsho noolaley ah. Caara-caaradu waa cayayaan liita oo summad u ah tabar-darrida. Wax kasta oo liita waxay ku haboon yihiin in ay isku bad-baadiyaan aqal adag oo leh gabbaad wanaagsan. Kaas oo ka difaaca aafooyinka kaga imaan kara nolosha. Laakiin caara-caaradu ma ayan lahan aqal gabbaad leh. Inkasta oo ay u adeegsato hoy ahaan, misana wuxuu leeyahay dhismo liita oo aanan lahayn tiirar iyo saqaf adag. Aqalkaas liita waxaa u weheliya iyadii oo taag-daran. Soomaalidu goor hore ayay garteen in caara-caaradu tahay bahal taag-daran, aqalkeeduna yahay mid liita. Ooraah soomaaliyeed ayaa jirta oo arinkaas tilmaameysa, waxay tahay: ” Taag daranaa ma xuub Caaraa ! “.

Markaanu eegno reerka ay tahay caaro-caaradu waxay kamid tahay bah-weynta cayayaanka tabarta daran ee dhulka ku kor tukuba, kuwooda ishu qabato. Waxay la ab-tirsi iyo ab-saxan tahay reeraha cayayaanka ah (Insects) oo leysku yiraahdo Caga-badanayaal (Arthropoda) kuwooda hawo ku-noolka ah. Waxaa reerahaas kamid ah Quraanyada, Wiriiriga, Jilica, Dhiqlaha, Kutaanta, Injirta iyo Fara-badanaha. Waa reero laan-dheere ah oo aad u tira badan. Aqoonyahannada u kuur-gala barashada aqoonta xasharaadka (Entomologists), sanadkii 2008-dii waxaa u qornaa 40.000 oo qabiilo, kuwaas oo dhamaantood ku ab-saxan ah qowmiyadda Caaro-caarada. Dhererka caaro-caarada wuxuu u dhexeeyaa mid ka yar 1 mm. iyo kuwo waa-wayn oo jurmiga jirkoodu uu gaarayo illaa 90 mm. Waxaa kale oo bahda caaro-caaradu ay ku kala duwan tahay midabka iyo qaabka. Badankeedu waxay ku nooshahay nolol keli ah, marka laga reebo xaalado gaar ah oo la soo dersa. Sida xilliga guurka iyo xilliga ay dhallaanku dibadda uga soo baxayaan ugxanta. (77) (Rainer F. Foelix. Biology of Spiders. Oxford University Press. p. 3. New York – USA).

Caara-caaradu waa noolaha toddobaad ee ugu laan-dheereysan, waxayna ku nooshahay shanta qaaradood. Markii anatomy ahaan loo eego, waxay leedahay jir ka kooban laba qeybood, kaas oo ah horaad iyo dambeed. Qeybta horaadka ah ee jirka waxaa ah madaxa iyo feeraha. Qeybta danbeedka waxaa ah caloosha iyo dabada. Qeyb waliba waxaa ku xiriira afar lugood oo middiiba ay tahay saddex lafood oo xaglo leh. Madaxa waxaa horey kaga yaal laba anteeno oo ay u adeegsato dareenka walxaha horteeda yaal.

Caaro-caaradu waxay leedahay siddeed indhood oo yar-yar. Iyadu waa xayawaan ku nool ugaarsasho. Waxay cuntaa cayayaanka ka yar-yar. Waxay leedahay harag adag oo 7 – 8 jeer xuub-siibta illaa ay ka qaan-gaarto. Waxaa jira saddex fuur oo ay ku leedahay dhanka caloosha, kuwaas oo dhaqdhaqaaq sameeya. Fuur waliba, afka hore waxaa kaga yaal duleelo aad u yar-yar. Waxaa halkaas ka soo qubta dhacaanka ay caaradu ka sameysato dunta xariirta ah oo ay aqalka ku dhisato. Waa dhacaan ka soo qubanaya qanjirro ku jira jirka caarada gudihiisa. Dhacaankaas oo sidii candhuufta ay u soo tuurto ayaa ayaa markuu dibadda u soo baxo oo ay hawadu ku dhacdo wuxuu isu beddelaa mid qalleyl ah. Dabadeed waxaa halkaas ka sameysma dun noocyo badan, kuwaas oo ku kala duwan dhererka iyo xoogga ay leeyihiin.

Jaadka xariirta ah ee dunta caara-caarada, waa mid ku xiran hadba qanjirka uu dhacaanku ka imanayo. Mararka qaar, gudaha shabakadda aqalka, ayay caaradu ku dhaqantaa, nolosheeda oo idil. Mararna shabakadda aqalka ayay ku ugaarataa, oo xasharaadka ku dhaca ayay cuntaa. Aqalka caara-caaradu wuxuu ka dhisan yahay dhacaanada ka soo qubta fuurarka oo qalleyl noqdey. Dunta ka sameysanta ayay isku falkisaa oo ay aqalka uga dhigtaa gidaarro iyo saqaf.

Ereyada ay aayaddu sheegtey ee ah (مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء), waxay tilmaamayaan bulsho yeelatey hannaan nololeed ee guracan. Hannaan ka liita ma jiro Eebe (kor ahaaye) sokadiis in bulshadu sameysato ilaahyo. Ereyada xiga ee aayaddu waa tusaale-dhig leys bar-bar dhigayo aqalka ay yeelaneyso bulshada ceynkaas ah iyo aqlaka caarao-caarada (كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّأَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ). Arinka ugu horeeya ee aayaddan laga milicsanayo wuxuu yahay, Caaro-caarada middeeda aqalka dhista in ay tahay midda dheddigga ah. Sidaas darteed ayaa ereyga ah (اتَّخَذَتْ) waxaa laga fahmayaa in midka wax dhisayaa uusan ahayn kan labka ah. Arintaas oo ogaalkeeda uu quraanku ku hor-marey ayaa waxay tahay aqoonta la heley xilligan casriga ah. Ereyada xiga waxay yihiin (وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ). Waxaa la hubaa in aqalka caaro-caaradu uu yahay midka ugu liita aqallada. Dhanka dhismaha, wuxuu ka kooban yahay shabakad laga dhisey dun xariir ah oo aad u khafiif ah. Tabar-darrida duntaas waxaa u weheliya, iyada oo aanan si adag isu heysan. Bal waxaa u dhexeeya masaafooyin ah daaqado furan. Sidaa darteed, aqalku maahan mid celiya qorax iyo qabow. Mugdi lagu seexdo malahan. Gabbaad kama ahan biyaha roobka iyo xanfarka dabeylaha. Maahan meel lagaga dhuuman karo cadow weerar ah. Malahan asaas adag oo uu ku taagan yahay. Sidaa darteed ayuusan aqalkii u ahayn mid lagu intifaacsan karo oo wixii loo dhisey laga heli karo.

Iyada oo ay taasi jidho ayaa waxaa mucjiso ah, dunta uu aqalkaas liita ka sameysan yahay, waa xariir aad u khafiif ah. Gumuca xabbaddii kamid ah duntaas, waxay dhan tahay 1 / 4000 marka lagu qiyaaso xabadda tinta ah ee madaxa dadka saaran. Iyada oo duntaasi ay sidaas u taag-daran tahay, ayaa misana ay shan jeer ka xoog weyn tahay birta, markii loo khafiifsho sideedaas oo kale. Xariirtaas ay caaro-caaradu waa midda ugu xoogga weyn xariirta dunida taal. Haddii xariirtan laga sameeyo ul uu kala-bar gumuceedu (radius) dhan-yahay 30 cm. waxay awood u leedahay in ay kor o qaaddo culeys ah 150 gaari (personalautomobile).

Xariirta caara-caarada waxaa lagu magacaabaa (Nephila) ama (Golden Silk). Saddex jeer ayay ka xoog badan tahay xariirta batroolka laga sameeyo oo la yiraahdo (Kevlar). Xariirtan danbe ayaa waxaa loo adeegsadaa in lagu dhafo maaddooyinka laga sameeyo biraha lagu lebisto oo rasaasta celiya (Bulletbroof). Waxay celineysaa xabbad rasaas ah oo xawaareheedu yahay 15 m il-biriqsigii. Majiro maaddo awooddaas leh ee aadamigu og-yahay. Xoogga ay leedahay waxaa lagu qiyaasaa, in uu celin karo 42.000 Kg. / cm. walba oo afar-geesood ah. Iyada oo xariirta caara-caaradu ay tahay mid xooggaas leh, ayaa misana aqalkii laga dhisey uusan lahayn wax nafac ah. Bal waa aqalkii ugu liitey aqallada.

Intaas waxaa u weheliya, aqalka caaro-caarada, waa aqal lagu hoogey oo lagu ba’ay. Waa aqal laga fogeeyay raxmaddii qoyska iyo hilowgii reerka ee isu soo jiidayay xubnaha is-qaba iyo kuwa is-dhalay ee ku dhaqan aqalka. Waxaa aqalka la wada-joogaa inta leysu baahan yahay oo keliya. Caruurta, inta ay tabar yar-yihiin, waa ay jecel yihiin waalidkood. Caara-caarada dheddigga ah, waa ay ka weyn tahay, kana xoog weyn-tahay midka labka ah. Marka ay galmo uga baahan tahay, waa ay soo dhoweysaa oo waa ay u cayaartaa. Xiriiradaas ka dhexeeya qoyska caara-caarada, waxaa la oran karaa waa xiriir ku dhisan maslaxad iyo anaaniyad. Waa xiriir ku dhisan in mid waliba uu kan kale ku daneysto. Markii ay isku dan gaaraan, waxaa durbadiiba muuqaneysa colaad gaarsiisan in leys laayo, oo xataa kii la dilo hilibkiisa la cuno.

Aqalka caara-caarad gudihiisa, waxaa ka dhaca colaad sabab u noqota gumaad iyo is-baabi’in, taas oo dhex-marta xubnaha qoyska ee ku dhaqan aqalka gudihiisa. Waa xubnihii isu dhaxay iyo kuwii is dhalay. Majiro aqal ay leeyihiin qoys aanan caara-caaro ahayn, oo uu ka dhaco gumaad kaas lamid ah. Caara-caarada dheddigga ah, qaar baa raggooda laaya markii ay ilmo ku abuurmaan calooshooda. Maadaama ay ka xoog weyn tahay, kana dagaal-yahansan tahay, midka labka ah waa ay weerartaa, markaas ayay dishaa. Mararka qaar, caarada hooyada ah, iyada oo ka maran naxariistii hooyonimo ayay arxan-darri u leysaa dhallaankeeda, dabadeedna waa ay cuntaa. Qaar kale oo caara-caara ah, inteeyan ugxantu dillaacin ayay jejebiyaan oo cunaan. Marar, ilmaha walaalaha ah, ayaa aqalka ciriiri ku noqdaa. Markaas ayay is-laayaan oo midba midka uu ka xoog weyn yahay ayuu dilaa. Qaar badan oo caara-caaro ah ayaa goobtaas ku dhinta oo sababta geeridooda ay noqdaan gacamaha walaalahood. Marar kale, colaad ka dhex aloosanta walaalaha, ayaa waxaa sabab u ah raashinka oo yaraada. Xasuuq ayay is-badaan walaalihii waalidka qura uu dhalay. Waxaa halkaas ka muuqda, aqalka caaras-caarada in uu yahay aqal godob weyn taal, halkaas oo uu ku daato dhiig badan. Godobtaasi maahan mid shisheeye, ee waa godob qoyseed. Anshaxa ceynkaas ah ayay caaraa-caaradu ku muteysatey in Eebe (kor ahaaye) inoo xuso si aadamigu ugu waantoobo oo guryaha u ilaashado.

Ereyga ay aayaddu ku soo gaba-gabeysey hadalka, waxaa weeye (haddey yihiin kuwo wax garanaya). Aadamigu ma uusan ogeyn cimilada aqalka caara-caarada iyo dhismihiisa. Ma uusan ogeyn in liidashada aqalkaasi uu gaarsiisan yahay heer dhaqan-xumi iyo anaaniyad lagu hoogey. Xaqiiqadaas ayay aayaddu xambaarsan tahay. Waxay ina hor dhigeysaa sawir yaab badan oo ka run sheegaya xaqiiqada ku qarsoon uunka. Moogganaanta xaqiiqadan, dadka intooda badan, waxay ku keentaa in ay lumiyaan beegga quman ee nolosha. Waxay la habaabaan awoodda saldanadeed, midda hantiyeed, midda caafimaad oo ay markaa heystaan. Iyagu waxay maleeyaan in ay yihiin, awoodda dunida ka jirta ee wax qaharta. Markaas bay aqalkii halleeyaan, iyaga oo la habaaba awooddaas dhalanteedka ah. Dabadeed addoomada Eebe (kor ahaaye) ayay iyaga oo adeegsanaya shakhsiyaad, kooxo beeleed, jabhado budh-cad ah, ama hannaan dowladnimo. Waxay la meereystaan awoodahaas aadamigu leeyahay farsamadeeda iyo daaxuurta ku hana-qaadey dulmiga. Markaasaa sida Baalkaa-biyoodka, uu ugu meereysto hareeraha dabka, ayay ugu meereystaan halkii ay aqalka ka bur-burin lahaayeen.

 

Aragtiyaalka ceynkaas ah waa kuwa khariba aqallada qoysaska iyo aqalka weyn (dalka) ee bulshada ka dhexeeya. Aqalku markii uu kharaabo wuxuu yeeshaa sawir lamid ah aqalkii liitey oo ay caara-caaradu lahayd. Markaasuu wuxuu noqdaa mid aanan looga gabban karin aafooyinkii nolosha iyo lurkeeda. Bulshadu markii ay garashadu ka lunto, degaankeedi wuxuu noqdaa mid la muuqaal ah aqalkaas liita ee qoyska caara-caaradu ku dhaqan tahay. Waa bulsho illaawdey awoodda ilaahiyada ee dhabta ah, markaas ayaa waxay ku qahranaataa awoodo aadami ee yar-yar. Waxay noqdaan kuwo la dhig ah caara-caarada quraanku ina tusaaleeyey. Bahalkaas yar ee tabarta-daran ee xaqiran, kaas oo aanan laheyn awood difaacda. Gurigiisa gibinka ah waa mid liita oo uusan ku badbaadi karin.

Haddaba haddii quraanyadu ay tahay qowmiyada aadamiga kana curad-san, kana laan-dheereysan, isla-markaana ka maamul wanaagsan. Caara-caaradu waa qowmiyada naga curad-san, naga laan-dheereysan laakiin leynooga digey inaan yeelanno hannaan lamid ah maamulkeeda. Xaqiiqadaas ayuu quraanku inoo bidhaaminayaa. Xaqiiqadaas ayuu ku tallaalayaa quluubta kuwa Eebe rumeysan. Aayaddu waxay inoo sheegeysaa, aqal midka ugu nabadda badan in uu yahay bulshada Eebe (kor ahaaye) rumeysan oo waddada toosan heysata. Kuwaas ayaa xataa haddii ay u muuqdaan in aqalkoodu liito, waxay ka nadad iyo nafac badan yihiin bulshada Eebe-inkirayaasha ah. Waayo iyaga waxaa dhowraya Eebaha la magan-galo. Kuwa aanan Eebe rumeyn, aqalladooda kama duwana aqalka caara-caarada, xataa haddii uu aqalku u muuqdo mid hagaagsan. Waayo ma haystaan gabbaad ay kaga gabadaan awoodda Eebe.

http://www.youtube.com/watch?v=-z98-bogltI

Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey

Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo

Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe

Annagoo diin xaniifaloo xabiibku noo keeney

Xufaaddiina ay joogto oo xabadku noo buuxo

Maxaa xeerka gaaladu dhigteen nagu xambaaraaya    (Abshir-Bacadle)

Qore: Dr. Saadiq Enow

Saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " AQALKII LIITEY | Qore: Dr. Saadiq Enow "

  1. feysal says:

    waa maqal cajiib ah maasha allaah.
    Ajar frabdan ilaahey hakaasiiyo dr enow