FSNAU waxa ay goor dhowayd sii daysay war bixinta Nafaqada ee May-June2012 xogta lagu qoray warbixintani waxaa ay ku salaysnaayeen sahano nafaqo oo goor dhow la qabtey (May-June 2012), xogta heerka labaad ah ee caafimaadka iyo qiimeyta horu-dhaca ah ee sugnaanshaha cuntada ee laga dhamaan dhalka fuliyey June2012. Daabacaadani wax ay iftiimineysaa natiijooyinka sahan ee xoolo dhaqatada Bakool, xoolo dhaqatada Gedo iyo dadka ku dhaqan jiinka wabiga; Barakacayaasha Dolow, Barakacayaasha Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari- iyo Barakacayaasha Gobollada dhexe. War bixintan koobani waxa kaloo bixineysaa Saadaasha Nafaqada ee Soomaaliya oo dhan ee June-July 2012.
SI Kooban:-
Saadaasha Nafaqada ee June-July 2012
Xaalada nafaqada ee inta badan ee Soomaliya ayaa waxa ay u badan tahay in aanay waxba iska bedelin sidii ay ahayd ilaa January 2012. Gobollada Waqooyi iyo kuwa bartamaha ayaa ku sii jiri doona xaalad heer Xun-Ba’an (Serious-Critical phases) halka gobollada koonfureed ay u badan tahay in ay ku sii jiraan heer xaalad Aad u Ba’an (Very Critical) marka laga reebo Shabeellada Hoose oo ku jirta heer Nafaqo oo (Ba’an Critical) ayadoo lagu salaynayo miro goosasho heer celcelis ah oo la saadaalinayo in ay helayaan. Iyo dadka deegaanka Muqdishu ku ah oo ku jirey heer nafaqo oo Xun (serious) marka loo eego sahankii April 2012
Barakacayaasha (IDPs) waxa ay u badan tahay in ay ku sii jaraan xaalad Nafaqo oo Aad u Ba’an (Very Critical) marka laga reebo Barakacayaasha Hargeisa oo ku sii jira heer (Xun- Ba’an) oo sii socosho ah (Sustained) iyo Barakacayaasha Muqdishu ayaa iyaguna ku kira xaalad Ba’an (critical) marka la eego natiijada Sahankii la qabtey April-June 2012. Ayadoo lagu salaynayo sahankii nafaqada kal dhow la qabtey heerka dhimashada waxa ay ahayd mid heer la (Aqbali karo- Feejignaan) ah ( Acceptable- Alert) dhamaanba dadka la sahmiyey ayaa muujinya ka soo kabasho laga soo bilaabo 2012.
Natiijooyinka Sahannadii la Qabtey
· Xoolo dhaqatada Bakool: xaalada waxa ay muujineysaa xaalad sii socota (Sustained) oo Aad u Ba’an (Very Critical) oo heerkaada yahay (GAM rate, 26.2%, SAM rate 5.7%.
· Waqooyiga Gobolka Gedo ( Beletxawa, Doolow, iyo Luuq,) Natiijooyinka sahanka waxa ay muujinayaan xaalad Aad U Ba’an ( Very Critical)
Hab Nololeedka Xoolo dhaqatada: Heerka GAM waa 28.4% ,heerka SAM waa, 6.2%
Hab Nololeedka Jiinka Wabiga : Heerka GAM waa 22.0%, heerka SAM waa, 6.1%
Heerka barakacyaasha Dolow GAM 25.9%, heerka SAM waa, 7.5%.
· Barakacayaasha Gobollada Waqooyi Bari iyo Bartamaha Soomaliya
Barakacayaasha Bossaso: xaaladu waa mid Ba’an (Critical) Heerka (GAM waa, 18.7%, heerka SAM waa, 3.9%)
Barakacayaasha Qardho: xaaladu waa mid Aad Ba’an (Very Critical) Heerka (GAM waa, 21.7%, heerka SAM waa, 5.6%)
Barakacayaasha Garowe: xaaladu waa mid Ba’an (Critical) Heerka (GAM waa, 19.2%, heerka SAM waa, 4.7%)
Barakacayaasha Galkacyo: xaaladu waa mid Ba’an (Critical) Heerka (GAM waa, 19.2%, heerka SAM waa, 4.1%)
Barakacayaasha Dhuusamareeb: xaaladu waa mid Aad Ba’an (Very Critical) Heerka (GAM waa, 22.0%, heerka SAM waa, 5.0%)
· Barakacayaasha: Gobollada Waqooyi Galbeed:
Barakacayaasha Hargeisa: xaalad sii socota (Sustained) oo ah xaalad nafaqa oo Xun (Serious) oo heerarkooda kala yahay (GAM waa, 12.0%, SAM waa, 2.9%)
Barakacayaasha Burco:Xaalada nafaqada waa mid Ba’an (Critical) oo heerka (GAM waa, 18.4%, SAM Waa, 4.3%).
Jinsiga
Dhamaanba dadyowga la sahmiyey wiilaasha nafaqa daran ayaa ka fara badnaa gabdhaha la sahmiyey, balse ma aheyn farqigu mid xisaab ahaan mid balaaran, waxaana lala xariirinayaa isticmaalka habka cusub ee Heerka koriinka ee kala duwanaanshaha jinsiga ee WHO 2006. Taaso si sooca ah ugu aqoonsanaya in wiilal badani ay qabaan nafaqo darida muddada dhow haleeyey. Taasina waa arin qabiiro heer caalami ah ay ka wada hadlayaan sidii looga gudbi lahaa,
Xaalada Caafimaadka:
Marka loo eego Warbixinta Caafimaadka Xaaladaha Degdeg ah ee Somaliya ee (June9-15.2012 ) Tuhun Daacuun ayaa ahaa talasiinta ugu badneyd ee ay arkaan xaruumaha caafimaadka ee gobollada dhexe iyo Puntland, dhanka Somaliland Tuhun xanuunka Xundhuta iyo Daacuunka. Halka Duumo la xaqiijiyey ay hogaanka u hayso xanuunada ka jira Koonfurta. Faahfaahin dheeri ah la xariir: deslooverep@nbo.emro.who.int.
Xaalada sugnaanshaha cuntada : Ayadoo lagu salayayo natiijooyinka degdega ah ee sahanadii xilliga Gu’ga ee dalka laga soo fuliyey June 2012 iyo la socodka xaalada sugnaanshaha ee Bill kasta la sameeyo iyo xaalada nafaqada, FSNAU waxa aya saadaalinaysaa in wadarta dadka ku jira xaaladda sugnaansha cuntadda ee Khalkhal-ka leh (shideysan) aysan waxba iska bedeleyn ilaa iyo barka labaad ee sanadkan. Saadaashani waxay ay ku sii hayneysaa dadkan in loo sii wado gargaarkii Bani-aadanimo ee (cuntada iyo Cashka) dadkaas oo gaarayay 3.4 million qofood xilligii January-April ee sanadkan. Waxtar gargaarkan ayaa laga dareemey sida uu u hagaajiyey galaalgalka cuntada, habka isku xirnaanta badbaadada bulshada iyo daqliga qoyska iyo ayagoo dib u sameysta xoolo ay dhaqdaan. Iyo sadoo kale xaalada nafaqada oo guud ahaan soo hagaagtay wadanka in tiisa badan si kastaba ha ahaatee in ay ka soo daro ayaa la saadaalinayaa Beero-xoolo dhaqatada koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya iyo qaybo ka tirsan xoolo dhaqatada Waqooyi.
Faahfaahin dheeraad ah ka daalaco: http://www.fsnau.org/downloads/Nutrition-Update-May-June-2012-Somali-Version.pdf
Qoraallada FSNAU ee la xariira Nafaqda waxaa laga dejisan karaa xariirkan soo socda:
http://www.fsnau.org/downloads/Nutrition-Update-May-June-2012.pdf
hadii aad qantaan wax su’aalo ah , fadlan nagala soo xariira info@fsnau.org
Mahadsanidiin.
Kooxda Nafaqada
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.