Home » Warar »

Warar Goos Goos ah: July 12…

Dr Xasan Shiikh Maxamuud “Dhibaatadii Dhacdey Dalka Cidna loogama Turin waxaan balan qaadayaa haddii an ku guuleysto Xilka in aan wax ka qaaban doono Dhibaatooyinka loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed

kulamada Xisbiga oo uu waayadaan u qabanyey Bulshada Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan , waxaana kulanka maanta uu ahaa mid ay ka qayb galeen Qaybaha Warabaahinta ee kala duwan waxaana Diirada lagu saarayey sidii saxaafiyiinta Soomaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen Hurumarka iyo nabada Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Xubno ka socdey Qaybaha Warbaahinta oo iyagu ku dheeraadey Dhibaatooyinka haysta Saxafiiyiinta Soomaaliyeed madaama ay ka mid yihiin dadka dhibaatada ugu balaran ay ka soo gaartey Xadgudubyadii iyo Dilalkii ka dhacay dalka , waxayna ka codsadeen Madaxdii ka soocotey Xisbiga Nabadda iyo Horumarka In ay garab ka siiyaan sidii loo joojin lahaa Tacadiyadaas iyo iyo Dilalka joogtada ee loo geysto Saxafiyiinta.

Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo halkaa ka Hadley ayaa augu horreeyn wuxuu tacsi u direy Ummada Soomaliyeed gaar ahaan Eheladii iyo Asxaabtii Suxufiyiintii faraha badnaa ee loo geystey Tacadiyada iyo Dilalka 22 kii sanno ee la soo dhaafey oo ay wadaanka uu ka jireen Dagaalo aan dhamaadka lahayn iyo Dowlad La’aan waxaana uu sii raaciyey” Dhibaatada Saxufiiyinta gaar uma ahayn waxaaan idiin sheegayaan in aan Cidna loo turin sidaa darteed waxaan markasta aan ka soo horjeedey in saxafi la waxyeeleeyo iyo qof kasta oo ka mid Ummada Soomaliyeed “

“Xisbiga Nabadda iyao Horumarka waxaa uu balan qaadayaa Haddi uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimada Soomaliyeed in uu wax badan ka qaban doono Tacadiyada iyo Xadgudubyada loo geysto dhamaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan Suxufiyiinta oo ah kuwa u adeega Bulshada waxaa sidoo kale uu uu balan qaadayaa in uu dabagal ku sameyn doono wixii Xadgudub ahaa ee loo geystey Suxufiinta Soomaliyeed si loola Xisaabtamo”

Murashaxa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu dambeyn waxa uu saxafiyiinta kula dardaarmey in ay ka shaqeeyaan nabada, Dib u heshiisiinta iyo Horumarka Ummada Soomaaliyeed sida darteed Warabaahinta waa awood ku shaqeysa rabitaanka shacabka.
Sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara ummadda Soomaaliyeed iyo Nafsadooda isagoo sheegey in wariyaha looga baahan yahay in uu u horseedo shacabka wadada saxda ah ee lagu gaari karo Nabad , Horumar iyo Dowlad rasmi ah oo ay ku soo hirtaan dhamaan shacabka ku nool dunida daafaheeda.

Xarakada Shabaab oo Guulo ka Sheegatay Dagaalo ka Dhacay Gobolada Jubada hoose, Banaadir iyo Bay.

Afhayeenka Dhinaca hawl galada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo Saxaafadda u hadlay ayaa ka war bixiyay Dagaalo ay Ciidamadoodu ka fuliyeen Gobolada Jubada Hoose Bay iyo banaadir.

Abuu Muscab ayaa sheegey in Shalay gelinkii dambe Kolonyo Ciidamada kiinyaanka ah oo sahay sidday ay Jidka Xiriiriye Kulbiyow iyo Badhaadhe in ay ku qarxiyeen mid ka mid ahaa Gaadiidkaa Kolnyada ah Af hayeenka ayaa sheegey in halkaas ay ku baab’iyeen Gaarigaas iyo wixii saarna.

Dagaalka labaad ee uu soo hadal qaaday Abuu Muscab ayuu ku sheegey in uu ka dhacay Magaalada Baydhabo gaar ahaana meesha loo yaqaano Suuqa Xoolaha halkaasoo uu sheegey in ay muddo kula wareegeen ka gadaal markii ay halkaa ka saareen Ciidamadii Dawladda iyo kuwa Itoobiyaanka, halkaasna ay ku arkeen illaa seddax Askeri oo kuwa Ciidamada dawladda ah Meeydadkooda.

Dagaalka sedaxaad ee uu soo qaatay af hayeenka xarakada Shabaab ayuu ku sheegey in ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada Burundigu ay ku leeyihiin Duleedka Muqdisho gaar ahaana Suuqa Xoolaha halkaasna ay khasaare ba’an ku gaarsiyeen Ciidamadii Burundeeska ahaa ee halkaa ku sugnaa Dagaal muddo dheer soconayay kaddib.

Sheikh cabdilcasiis ayaa dhankooda khasaaraha soo gaaray waxa uu ku sheegey in Nin keliya uu halkaa kaga dhaawacmay wax kale oo khasaare ah oo dhankooda soo gaarayna aysan jirin.

Beelaha Shanaad oo soo Saaray Bayaan ku Aadan Dastuurka Qabya Qoraalka.

Annagoo ah oday dhaqameedyada iyo waxgaradka Beesha shanaad waxaan soo jeedinaynnaa Bayaanka hoos ku qoran:

1. Annagoo tixgelinaynna xaaladda Somalia ay maanta marayso iyo baahida loo qabo inay dhalato Dawlad rasmi ah oo ummadda Somaliyeed ka gudbisa marxaladdan adag oo hadda lagu jiro ayaaan go’aansannay:

· Inaan laga hor iman soo jeedinta Dasturka, loona gudbiyo Ergooyinka si ay u ansixiyaan

· Inaan soo gudbinno xubno tayo aqooneed iyo waaya aragnimo leh oo ka mid noqda Baarlamaanka marxaladdan cusub la kowsanaya.

2. Sida qof walba oo Somali ahi agyahay, Umadda loo yaqaan BEESHA SHANAAD kama tira yara Beelaha kale ee Somaliyeed. Hase ahaatee waxay degganyihiin degaamada Somalia oo dhan, mana jiro gobol ay iyagu aqlabiyadda yihiin. Waxaa nalagu magacaabaa inaan nahay Beesha Shanaad, haddana markii wax qaybsi yimaado waxaa naloo raacaa nidaamka 4.5. Taasi waa xaqdarro bareer ah oo loo geysanayo Beel ka mid ah beelaha Somaliyeed. Sidaas darteed waxaa Beeshu soo jeedinaysaa:

· In, si aan loogu xad gudbin xuquuqdayada, Beesha Shanaad loo qoondeeyo qaab ay ku hesho xuquuqdeeda laguna caddeeyo Dastuurka hadda la qorayo. Haddii aan sidaas la yeelinna, Siyaasad Beesha Shanaad ka qayb qaadato waxaa ugu dambaynaysa muddada uu shaqaynayo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Taasina waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqdayada baniaadamnimo.

3. Umadda loo yaqaan Beesha Shanaad waxay soo martay taariikh dheer oo caddaalad darro, duudsi iyo dhibaatooyin kale oo badan leh. Taasina waxay dhaxal siisay inayna helin xuquuqdooda dhinac kasta, gaar ahaan waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda. Sidaas darteed waxaan soo jeedinaynna:

· In Beesha Shanaad loo sameeyo barnaamij cawil celin ah si wax looga saxo caddaalad darradii muddada dheer lagu samaynayey gaar ahaan tan iyo intii aan xorriyadda aan qaadannay il gaar ahna lagu eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda.

Ugu dambayntii, waxaan ummadda Somaliyeed iyo Beesha Caalamka ka codsanaynna in aan lagu gabood falin xuquuqda Beesha Shanaad oo aan laga dhigin ka qaybgalkayaga siyaasadda mid HAL MAR AH oo ku eg markii marxaladda Dastuurka Kumeel gaarku dhamaato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.