Home » Warar »

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo si weyn loogu soo dhaweyay Guri-Ceel

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa dadweyne faro badan kusoo dhaweyeen garoonka magalada Guri-Ceel ee gobolka Galgaduud.

Halkan ka daawo Sawiro…..

Prof, Saciid Ciise oo garoonka Guri-Ceel kazoo galbiyeen dadweyne farobadan ayaa waxa uu booqday hoyga uu magalada ka dagan yahay ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo muddo daqiiqado ah si gaar ah u qaateyn wada hadalo irdaha u xeran yihiin.

Prof, Saciid ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ay dowr wayn ku leehyihiin bulshada dhexdooda isagoona sheegay in sababta ugu weyn ee booqashadiisa goboladda dhexe keentay ay tahay inuu soo booqdo ugaaska.

Dhinaciisane Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ayaa sheegay iney gacmo furan kusoo dhaweynayaan Musharaxa Prof, Saciid Ciise iyo xisbigiisa Dadka.

Gudoomiyaha xisbiga dadka ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galgaduud waxa uu wada hadalo la qaadan doona qeybaha kala gadisan ee bulshada oo dhageysan doono fikradooda ku aadan xaalka gobolka uu marayo tan dalka isagoona talooyin ka qaadan doono.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.