AQOONKAAL.COM: Sidee ku ogaan kartaa in uu Computer-kaaga aafeeyey viruska “DNS Changer”, kaas oo xanibaya khadka Internetka July 9, 2012
Kumanyaal computer ayaa waxaa dhici karta in ay Isniinta (July 9, 2012) ku xiriirsami waayaan khadka Internetka, arrintaas oo la xiriirta virus bedelaya Cinwaanka (DNS) computerka.
Eray bixin u baahan: SPAM, VIRUS, PHISHING – Eraygee ku macnaynaa CULAACUL?
CULAACUL: Waa dulin inta badan ku nool meelaha biyaha ah, sida togagga ama balliyada ama ceelasha. Waa cayayaan halis ah waayo meesha Culaacushu qabsato si tartiib ah ugama fuqdo, waxayna ka jaqdaa dhiigga. Waa cayayaan ka halisan GAFANAHA, waayo: maadaama Culaacusha laga helo biyaha dhexdooda, marka xooluhu (ama xitaa dadku) biyaha ka cabbayaan meelaha biyo fariisadka ama durdurka ayey cunaha iska laad-laadisaa, kamana fuqdo, ayadoo dhiigga ka jaqda. (Gafane luqadda Ingriisiga waa TICK, Culaacushuna waa LEACH.) SII AKHRI…. Eray bixinta
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.