Home » Warar »

FSNAU ayaa haatan shaacisay Warbixinta Saddex-biloodlaha Kooban ee Suganaanta Cunnada iyo Nafaqada: Diirad Saarid Hore-u-Digidda ka dib Xilliga Guga.

Warbixintan kooban ayaa siinaysa xogtii ugu dambaysay ee la xiriira arrimaha Cimilada, Colaadaha Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada, falanqayn baahsan ee dadka ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinka iyo warar kooban oo la xiriira arrimaha ugu muhiimsan haatan iyo hore u digista bilaha July ilaa December 2012:

· FSNAU ayaa saadaalinaysa in tirada dadka ay haysato dhibaatada cunto ay u u egtahay inayan isbaddali doonin inta lagu jiro nuska dambe ee sanadkan.

· Waxa ay u eg tahay in tirada dadka cunno xumida haysato ee qaybo ka mid ay dhulka xoolo-dhaqatada iyo Muqdisho oo hoos dhacdaa ay dheelli tiri doonto kororka la filayo ee dadka dhibaataysan ee beero-xoolo dhaqatada Koonfurta-Bartamaha.

· Roobabka Guga oo caadigoodii ka yar ee ka da’ay inta badan dhul-beereedka ku tiirsan roobabka ayaa muujinaya hoos u dhac wax-soo-saarka beeraha oo aan la baajin karin, gaar ahaan dhulka beero-xoolo dhaqatada

· Qiimaha firida ayaa muujinaysa inay hoos u sii dhacaysay 2012, taasoo tusinaysa deganaanshiyo ama xoogaa koror ah meelaha qaar bishii May

· Hab-nololeedyada xoolo-dhaqatada muhiimka ah ayaa u muuqda inay xaaladohoodu sii horumari doonaan taasoo ay ugu wacan tahay qiimaha xoolaha oo wanaagsan iyo tirada xoolaha iyo soo-saarka caanaha oo la filayo in korodhaan

· In la sii wado hawalaha bani’aadminimo ayaa noqonaysa mid muhiimaddeeda leh, gaar ahaan ayadoo la eegayo xaaladaha Aadka u Ba’an ee nafaqada ee haatan taagan, kuwaasoo la filayo inaysan waxba iska beddelin inta badan gobolkan.

Xogtan ayaa waxala lagala soo bixi karaa boggan

http://www.fsnau.org/downloads/FSNAU-Quarterly-Brief-June-2012-Somali-Version.pdf

Wixii su’aalo ah ee aad haysaan, fadlan nagala soo xiriira info@fsnau.org

Maca salaama,

Roble Abdi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.