Home » Warar »

Dowladda Talyaaniga ma ka dhabaa Dib u Dhiska Ciidamda Badda Soomaaliya iyadoo shirkado laga leeyahay Talyaaniga Heshiish Qodis Shidaal la galeen Dowladda Kenya

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ku taageerayo Soomaaliya ku dhowaad Seddex Malyuun Oo lacagta Yururb ah dib u dhiska iyo diyaarinta Ciidanka ammaanka Soomaliya, taas oo la sheegay in Talyaanigu uga qeeb qaato dibu dhiska Heyadaha Dowladda ,waqtiga kala guurka oo lagu wado in Soomaaliya ay yeelato dowladda Rasmi ah.

Dowladda Talyaaniga ayaa haatan wado qorshe lagu diyaarinayo 200 askar Boolis ah oo loo diyaarinayo la dagaalanka Burcad Badeeda . Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in 11 Milyan oo Yurub uu ku bixinayo Mashaariicda dibu dhiska dalka.

Talyaaniga ayaa qeeyb ka ah Ol-olaha la dagaalanka Burcad Badeeda soomalida Ee Midowga Yurub uu xariga ka jaray sanaddii 2008dii.

Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Rooma ayaa waxaa uu ahaa shirkii ugu dambeyay ee Mudada kala guurka ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ee ay u qabato Somaaliya iyadoo wararkuna intaa ay ku dareen n Kooxdaasi wixii ka dambeeyay shirka Rooma la kala direy.

Xukuumadda Talyaaniga ayaa Raja wanaagsan ka muujisey shirkan iyadoona hoosta ka xarriiqday in kalsooni buuxda ay ku qabto in Soomaaliya ay yeelan doonto Dawlad rasmi ah oo wax la qaybsata Dawladaha Caalamka.

Talyaaniga ayaa lagu eedeeyaa in ay ka mid tahay Dalalka Xaalufiyey Badda Soomaaliya sidoo kale waxaa lagu eedeey in uu ka mid yahay Wadamada Sunta ku Aasa Xeebaha Soomaaliya iyadoo dhawaan Shirkado laga leeyahay Talyaaniga ay heshiisyo la galeen Dowlada Kenya si Shidaal looga baaro Xeebaha soomaaliya ee ku aadan dhinaca Soomaaliya iyo Kenya .

Xeebaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Dhul ka mid ah Xeebaha Soomaaliya waxaa ka socda Boob dhinaca Shidaalka iyadoo Dowladda Federaalka aysan weli ka hadal Baarista shidaal ee ka socda Xeebaha Soomaaliya, iyadoo Dagaalka Kenya ay ku soo qaadeen Bishii Oktoobar 16-keedii uu ahaa Dagaal lagu Difaacayo Shirkadaha Shidaalka ka baaraya Xeebaha Soomnaaliya waxana haatan ku sdoo biirey Dowldda Talyaaniga Shirkado laga leeyahay, marka hadalka Talyaaniga waxaa lagu macneeyey in uu yahay Qowda Maqashii Wana Ha u Qaban.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.