Home » News »

Beel ka mid Beesha Shiikhaal oo Caleemo Saaratey Suldaan Guud

Xaflad si heer Sare ah loo soo Agaasimey laguna Duubayey Suldaanka Beel ka mid beelaha Shiikhaal oo ah beesha Caagane , waxaana ka soo qaybgaley Odeyaal, Culamaudiin,Waxgarad Siyaasiyiin Haween iyo Dhalinyaro

Waxaa ugu horeeyntii halkaa warbixin ka soo jeediyey Nabadoon Shiino oo sheegey in Duubida Suldaankaan ay ku timid markii la shirar badan oo uu sheegey in uu socdey muddo dheer taasoo markii dambe Beesha Caagane isku raacdey in ay Beesha yelato Suldaan oo ah Maxamed Axmed Xasan ( Carab)

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley ayaa si weyn u soo dhaweeyey Sudaanka Cusub ee Beesha Caagane, iyagoo Ilaah uga baryey in uu xilkaas Culus la garab galo sidoo kale waxay balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan Suldaan Maxamed Carab oo ay sheegey in uu yahay Shaqsi Gudan kara Xilkaas Sidoo kale waxay Balan qaadeen in ay garab istaagi doonaan Suldaanka Cusub

Suldaanka Cusub ee Beesha Caagane Suldaan Maxamed Axmed Xasan (Maxamed Carab) oo halkaas ka Hadley ayaa u mahadceliyey intii isku soo duba ridey Munaasabadaan isagoo sheegey in keligiis uusan Gudan Karin Xilkaan Balse uu sheegey in uu u baahan yahay in gacan la siiyo , sidoo kale waxaa uu sheegey in xilkaan uu u gudan doono si Daacad ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono sdii uu u mideyn lahaa beesha Shiikhaal

Suldaan Carab waxaa kale uu sheegey in sidoo kale uu ka shaqeyn doono sidii Xiriir wanaagsan ama Iskhaashi uu ula yeelana lahaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ,wuxuuna ugu dambeyntii uu ilaah uga baryey ummada Soomaaliyeed in uu dhibaatada ka saaro islamarkaana ay ku noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.