Home » Warar »

Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Ka Furmay Roma iyo Ra’iisul Wasaare Gaas oo Khudbad Ka Jeediyey

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay qodoba looga hadlayo shirka ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, sida Dhameystirka xiliga kala guurka, Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka iyo qodobo kale sida ku cad warsaxaafadeedka oo u qornaa sidan:

Mudisho 02, July 2012……. Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( international contact group ICG ) waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamulada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameeca, shirkani waxaa uu furmay 2:pm duhurnimo waxaana uu socon mudo laba cisho ah.

Waxaa shirka furay wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Mudane Giulio Terzi waxaana uu kaga hadlay khudbadiisa horumarka dhan kasta leh oo ka socda Soomaaliya kaas oo ay hormuud ka tahay dowladda KMG ah iyadoo garab ka helaysaa wadadamada ku bahoobay urur Gobleedka IGAD iyo midowga Africa, waxaa kale oo wasiirku soo hadal qaaday xariirka soo jireenka ah oo ka dhaxeeya dowladda Talyaaniga iyo Soomaaliya isagoona goobta ka cadeeyey in Talyaanigu la garab taaganyahay shacabka Soomaalyeed taageero dhinac kasta leh.

Ra’iisul Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo jeediyey shirka khudbad aad u qiimo badan isagoo ka warbixiyey guulaha is daba jooga ah ee ay gaareen ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaana Ra”iisul wasaare Gaas sheegay in bishii lasoo dhaafay ay gacanta dowladda kusoo noqotay degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ah meelo aad muhiim ugu ah isu socodka gobolada dalka. Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladdiisu meel gabagabo ah marinayso qodobadii ku xusnaa Roadmap-ka iyadoo Odayaasha dhaqanka ay ku guda jiraan sidii loo soo gudbin lahaa ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay kasoo qayb galayaasha shirka in ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guulaysteen inay xoog kusoo furtaan saaka waabarigii la haystayaal laga soo afduubtay usbuucii la soo dhaafay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaas oo u shaqaynayey Norwegian Refugee Council , sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas waxaa uu cambaareeey kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab qaraxyadii shalay ay ka gaysteen Kaniisad ku taala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Shirkaan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay soo qaban qaabiso kooxda xariirka caalamiga (International Contact Group) xiliga KMG ah ayaa socon doonaa mudo labo cisho ah waxaana looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin:

1. Dhameystirka xiliga kala guurka

2. Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka

3. In daba gal lagu sameeyo go’aanadii kasoo baxay shirkii Istanbuul iyo London

4. Arrimaha kusaabsan amniga iyo cadaaladda

5. Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa kooxda xiriirka caalamiga ah

6. Sidii loo taageeri lahaa AMISOM & ciidamada nabadgelyadda Soomaaliya.

Diraac Salaas Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.