Home » Faallo »

Shirkado Kenya Heshiis kula galay Badda Soomaaliya in ay shidaal ka baartaan

(MA IHI QASWADE) OO ILAAHEY BAA I ARKAYA IN AANAN HAYN.

Marka ugu horreysa waxaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaanaan usoo gudbinayaa salaan iyo hambalyo ku aadan dabaaldagga 1 Luulyo, salaan kaddib waxaan la socodsiinayaa in ay Keenya heshiis caalami ah kula gashay Shirkado Shiidaal soo saara ayadoo u gudbisay QARIIDAD AAY SI CAD UGU QEEXANTAHAY XADGUDUB loo geysanayo dhul badeedka Soomaaliyeed (SOMALI TERRITORIAL WATER), sida ku cad qariidaddan….. (ee lifaaqa iyo sawirka hoose).

Sida aad ka arki kartaan qariidadda, waxaa muuqda in Shirkadaha heshiiska caalamiga ah aay Kenya la gashay oo kusoo xadgudbay dhulbadeedka Soomaaliya aay kala yihiin:-

  • Anadarko: Block L5,
  • Total: Block L22
  • ENI: Block L21, L23, L24
  • Statoil: Block L26

Intaas waxaa dheer in Hadda ay Shirkadda Total soo qortay in aay Heshiis Caalami ah la gashay Kenya, heshiiskaas oo aad ka arki kartaan in (Block L22) uu gudaha ugu jira dhul badeedka Soomaaliya .

Waxaa kaloo jira in aay sheegeen sida ku cad qoraalkooda in aay howsha qoditaanka galayaan sanadkan 2012 (Drilling of an exploration well is scheduled to begin in 2012).

  • Eeg hoos qoraalka: Total Steps Up Exploration Activities in Kenya with the Award of the Offshore L22 License in the Lamu Basin

Walaalayaal,

waxaannu la wada soconno in:

  • Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu sheegay in qodobka 7aad oo ku saabsanaa in dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay laguma xad gudbaan ”Waxay ku dareen saddex farqadood oo midda saddexaad ay tahay tan ugu dhibka badan, waxayna dhigeysaa ‘dhulka Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya ee khilaafaadka Soohdimaha caalamiga ah ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi, oo wafaqsan qawaaniinta dalka u degsan iyo kuwa caalamiga ah.”
  • Waxana Cabdullaahi Xasan Jaamac hadalkiisa ku adkeeyey in farqaddaas saddexaaad ee lagu daray qaybta dhulka ee dastuurka lagu soo saxiixay Nairobi in uu keeni karo in “muran uu ka dhalan karo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo haddii dawlado kale ay yiraahdaan dhulka Soomaaliya khilaafaad ayaa ka jira, haddii qodobkaas la eego waxaynu ku khasbanaanaynaa in aan wada hadallo nabadeed la furno ayadoo la raacayo sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.” (dhulkaagii ayaad sheegtay in muran geli karo, oo kuna qortay dastuurkaaga).

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la wada socodsiinayaa in haddii sidaas uu hadda yahay Dastuurka lagu saxiixo oo uu dhaqan galo in aaysan jireynin Dowlad shisheeye oo ku dhaheysa dhulka Soomaaliya khilaafaad ayaa ka jira, ee waxaa dhacaya in marka la saxiixo Dastuurkan aay shirkadahaasi si rasmi ah u billaabayaan hirgalinta qandaraasyada aay Kenya la galeen oo aay si toos ah u caddeeyeen in aay billaabayaan sanadkan 2012. Markii aay Soomaalidu kusoo baraarugaan Shiidaalkoodii oo la dhoofinayo waxaa loogu jawaabi doonaa :-
(Annagu Kenya ayaan Heshiis Caalami ah la galnay ee ordoo Keenya kala xaajooda waxii aad dacwo qabtaan). Meeshaasna howshoodii si caadi ah ayeey usii wadanayaan.

Lifaaqa oo midab leh ka eeg halkan (PDF)

SUAAL?
Dastuurkan aan soo sheegnay ma na badbaadindoonaa? Soomaaliyeey, markaas halkee ka dacwooneynaa? Yaan u dacwooneynaa? Yaan ka dacwooneynaa?

Ma Keenya baan ka dacwooneynaa mase Shirkadahaan nagu soo xadgudbay? Intaas oo dhan waxaa ka horreeya ma heleynaa awood aan ku dacwoono? Illeen sida dhaqankayagu yahay waa wada arkeynaaye?

Walaalayaal,

Arrintan ansixinta Dastuurka hadda waxuu hor yaalaa ODAYAAL DHAQMEEDYADA iyo Guddiga ansixinaya oo aay ODAYAASHU soo xulayaan.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed usoo jeedinayaa in aay la hadlaan Odayaal Dhaqmeedyadooda
si looga fiirsado ansixinta Dastuurkan oo khatartaas la wada arkayo aay ku oranyihiin.

Soamalia Soomaali baa leh.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Total Steps Up Exploration Activities in Kenya with the Award of the Offshore L22 License in the Lamu Basin

Paris, June 27, 2012: Total today announced the signature of a production sharing contract with the Kenyan government for Block L22, which it will operate with a 100% interest.

Covering an area of more than 10,000 square kilometers, the exploration license is located offshore the Lamu Archipelago in water depths of between 2,000 and 3,500 meters. The first phase of the exploration program consists of a 3D seismic survey.

Following the signing ceremony, Jacques Marraud des Grottes, Senior Vice President for Exploration & Production in Africa commented: “This most recent award is aligned with Total’s strategy of building a strong presence in the new basins of East Africa offering high-potential plays for exploration by leveraging our internationally recognized deep offshore expertise.”

Total in Kenya

Total has been present in Kenya — one of its longest established host countries — since 1955 through Total Kenya, headquartered in Nairobi. Total Kenya is listed on the Nairobi Stock Exchange and employs 385 people.

Market leader since its acquisition of Chevron’s assets in 2009, Total Kenya conducts the Group’s marketing operations in the country, notably with a network of 167 service stations, and positions in general retail, lubricants, LPG and aviation fuel distribution.

Total has been present in exploration and production in Kenya since 2011 and holds a 40% interest in the L5, L7, L11a, L11b and L12 exploration licenses in the Lamu Basin, which are operated by Anadarko. Drilling of an exploration well is scheduled to begin in 2012.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shirkado Kenya Heshiis kula galay Badda Soomaaliya in ay shidaal ka baartaan "

  1. Jaalle baraa says:

    Alle ayaa mahad u sugnaatay.walalayaal aad baan uga xumahay waxa dhacaya,maadama aan ka mid ahay dhalinta somaliyed ahna hogamiyaashi barito. Taasi waxaa ka leyahay ,waa taa la kala iibsadaan nala ogeysiine,ugu dambeyntii waxaan u ku leyahay dadka madaxda oo arintan faraha kula jira’waa idin dagahayaa kufriga aad u dabacdeene’.

  2. Digtoonow says:

    Adam Abuzuhri, waa sahlan tahay waxa la qaban karo: Dad fara badan oo Somaliyeed, hase yeeshee, wadaniyiin ah ayaa ka shaqeeya, kuna mashquulsan in ay arritan wax ka qabtaan, horena wax uga qabtay, halka kuwo kalena ka shaqeynayaa dhibta iyo dibindaabyadda Somaliyeed, sidaas daraadeed Mudane Adam Abuzuhri waxaad sameysaa arrimaha soo socda:
    1. Gacan sii dadka hawshan ku mashquulsan (moral iyo dhaqaaleba),
    2. Ka soo horjeeso kuwa dhibka iyo dibindaabyadda wadda,
    3. La hadal qofkasta iyo siyaasi kasta (Somali iyo ajnabiba) ee arrintanni khuseyso, kana soo horjeeso waxa ay wadaan.

    Mahadsanid.

  3. Waa arin lawada sugaayey inay dhacayso ee maxay idinla tahay oo aan kaqabankarnaa walaal? Mise isqab-qabsiga shacbiga Soomaaliyeed ayaa naga hortaagan inaan waajahno cadowga dibida ee usoo jeystey khayraatka dihin ee dalka? Ha hilmaamin, inay Kenya gudaha Somalia ku jirta ciidan ahaan oo aan loo haynin hab lagu difaaco ama looga saaro!
    Ka daroo dibi dhal, doonta dhanka Kenya waxaa naaquuda ka ah rag Soomaaliyeed oo wasiiro ka ah wadanka Kenya.
    Nasiib daro, waa markii uhoraysay ee Soomaalida Kenya dagan ay jago noocaas ah kahelaan Kenya oo u arki jirtey shacabka Soomaaliyeed gobolkaas dagan shisheeya aan la aaminikarin. Meeshii ay shacabka Soomaaliyeed ee wadanka Kenya iyo kan gudaha Somalia wax uqaban lahaayeen ayey soo horkaceen cadowga Somalia.
    Adinkoo iga raali ah, maxaan qabankarnaa?
    Waad mahadsantihiin