Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Faaffaahin ka bixiyey Shirka Roma uga Furmaya Saxiixayaashii Road Map-ka

Iyadoo dhawaan Xukuumadda Talyaaniga ay shaacisey in Kooxaha Soomaalida ay u qabanayso Shir weeyne Caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa misana waxaa arrintaa si hor dhac ah uga hadlay Ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaaz.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta Waraysi siiyay ayaa qiray in shirkaasi uu jiro isla markaana ay soo qaban qaabinayso Hay’adda ICG kaasoo sanadkan ay ka qayb galayso Xukuumadda Masar. Ra’iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda Contact Groupka uu shirkoodan yahay kii u danbeeyay ee Soomaaliya loo qabto isla markaana uu shirkani wax weyn ku soo kordhinayo arrimaha Road Mapka.

Dhinaca kale ayaa Gaaz farta waxa uu ku fiiqay in shirkani ka duwanaan doono Shirarkii afarta ahaa ee lagu kala qabtay Wadamada Kiinya, Itoobiya, Turkiga iyo Dubai .Shirkii Beesha Caalamku ku qabatay Magaalada Dubai ayuu sheegay inuu ahaa mid si gaar ah Diiradda loogu saarayay arrimaha Bur Cad Badeedda Soomaalida ha yeeshee Shirka talyaaniga ka dhacaya oo wax weyn ku soo biirin doono.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa raja wanaagsan ka muujiyay shirka ka dhacaya Magaalada Roma isagoona sheegay inuu noqonayo mid ku soo af jaraya Soomaaliya oo ka guureysa habka ku meel gaarka una guuraysa habka Dawlad wanaagga.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa la filayaa in isaga iyo wafdigiisa saacadaha soo socda ay u duulaan Dalka Talyaaniga halkaasoo lagu wado inuu ka dhaco Kulanka ay soo abaabushay Hay’adda ICG. Shirkan ayaa waxaa sanadkan ka qayb galaya oo lagu Marti qaaday Xukuumadda masar oo is bedel cusubo ka dhacay kaasoo lagu raja weyn yahay in Masaaridu xalka Soomaaliya kaalin wax ku ool ah ay ka Ciyaari doonto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.