Home » Maqaallo »

Amisom iyo Soomaalidu waa kala maan

Waxaa is weydiin mudan, ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, ma waxay soomaaliya u soo galeen in ay dajiyaan qalalalaasaha ka oogon mudada dheer, ayna dhaliyaan nabad waarta? mise inay la dagaalamaan kooxo ay u arkaan awood kobacooda khalkhal inuu galinayo amnigooda qaran iyo guud ahaan amniga wadamo kale oo iyaga jaal la ah.

Sida runta ah su’aashaas ka jawaabideedu, waxaa ku dheehan faham mug weyn, una baahan in qof walba oo soomaali ah dhiraandhiriyo, laguna eego indho iyo maan midaysan oo ka duulaya, danta dalka iyo dadkaba. Markaa waxaa si cad u soo baxaya jawaab ah, in ciidamada Amisom iyo dawladaha gadaal ka jooga ee saanadda iyo taakulaynta siinaya, aysan ahayn dowlado soomaaliya har qabow u jiidaya, ee taasi bedelkeeda ay yihiin, kuwa raba in soomaaliya ahaato bukaan socod aan qodax iska siibi karin, isla markaana raba fowdada soomaaliya ka jirta inay iska moosaan si aysan ugu fatihin.

Haddaba, soomaalida waxaa la gudboon, in maadaama ay amisom gacanta ku hayso halbowlayaashii qaran, sida Villa soomaaliya, dekedda, garoonka diyaaradaha iyo meelo kale oo muhiim u ah jiritaanka dowladnimo, in la diyaariyo awood ciidan qarameed midaysan, oo tayo iyo taagba u leh inay amisom kala wareegaan goobahaasi muhiimka ah iyo dhammaan gobolada dalka.

Haddaba si loo gaaro danta dhabta ah ee soomaaliya, waa in la helo, bisha Agoosto ee sanadkan iyo ka horba, seddexda awoodood ee dowladnimo oo kala ah, baarlamaan, garsoor iyo fulin, kuwasa oo wadanka sama bixin karo, si dalka iyo dadkuba u badbadaan, meeshana ay uga baxaan amisom, dagaal ooge iyo kaligii danayste.

Marka waa muhiim inaan baraarugno oo aynaan ciidan shisheeye ka sugin inuu booliis ka noqdo gayigeena.

Ahmed-haadi Muhumad

haadi30@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.