Home » Faallo »

Sanad guuraddii 52kii ee xornimada : waa dib u soo nooleyntii qaranimada ummadda soomaaliyeed

 Qore:  Abdulkadir Ali Bolay

Email: bollay@hotmail.com

July 1, 2012

Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ku  began  Sanad Guuraddii 52kii Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur  ahna maalinta israaca ah maalin weyn oo taariikhi ah isla markaasi na  qiimo iyo qadarin ba  ugu fadhido ummadda soomaalyeed,waa maalin aan sina loo ilaabi karin inta ay jiraan damiir soomaaliyeed waana maalin ay mudan yihiin in loo duceeyo halyeeyaddii naftoodda qaali ahayd u hibeeyey ciida iyo calanka soomaaliyeed, sidaasi darted waxaan ilaahay  ugu baryeenaa inuu naxriisto dhamaan inta ruux naftoodda u huray xornimadda aynu  maanta haysano waxaana ilaahay ugu baryeenaa inuu janadiisi fidoosa ahayd geliyo, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo.

Runtii waa maalin weyn oo loo baahan yahay in  ummadda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay xusaan maantintaani qiimaha badan, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay  waa na maalintii gacanta gumeysiga aan ka baxnay hase yeehee muddo dheer ka dib kuwa wax magarato ah ay la damacsan yihiin in ay soomaaliya dib ugu celiyaan gunnimo taasoo aan mar na ba la aqbali Karin.

Waxaa ayaan  daro ah 52 sano oo aan xor ahayn ka dib midnimaddii iyo is aaminaadii ummadda soomaaliyeed ay burburtay, himiladdii soomaali weyna halkaasi ayay ku dhamaantay balse soomaalidii xorta ahayd ayaan manta nasiib daro noqotay kuwa kala googo’a, taasoo lagu marin habaabinaayo ujeeddooyinkii iyo himilooyinkii halgankii xisbigii SYL iyo muwaadaniinta soomaaliyeed ee gumeysi diidka ahaa. hase yeeshee waxaan ilaaahay ka rajayneynaa in uu dib u soo celiyo sharaftii iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed.

Xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau waa qaali ma ah mid ku timid si fudud, balse waxaa lagu bixiyey naf iyo maal isla markaasi na loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah. Runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn.

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed sharuud la’aan, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay ka shaqeyn jirtay raadinta midnimada soomaali weyn hadda na waxaan leenahay shacabka reer soomaaliland in aysan garab marin halgankii iyo himiladii xisibgii xornimadoonka ahaa ee SNL oo mar walba ka shaqyn jiray inuu soomaali weyn raadiyo , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad cuqaashii reer waqooyinka oo ay ka mid yihiin:-

  • 1. Suldaan Maxamuud Cali Shire
  • 2. Suldaan Cali Muuse
  • 3. Suldaan Maxamed Faarax
  • 4. Suldaan Xirsi Cabdullahi
  • 5. President General SNS: Saciid Caabi
  • 6. Xoghayaha Guud SNS : Maxamud Jaamac Uurdoox
  • 7. Yuusuf Imaan Burcaawi
  • 8. Adan Cabdi
  • 9. Maxamuud Cabdi Caraale 10. Akhil Yuusuf Xirsi

kuwa kale fara badan oo aan halkani aan ku soo koobi karin, kuwaasoo dhowr jeed codsi kale duwan ay u jeediyeen colonial Office ingriiska, in sharuud la’aan soomaaliya oo mideysan in la gaarsiyo xornimo buuxa, iyagoo ku adkeynaayey dawladda Ingariiska in soomaali mideysan la helo ka dibna ingriiska hogaanka u qabto, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qayba soomaaliya marka laga reebo Jabuuti oo ay gacanta ugu jirtay dawladda France, taasoo ay ka codsadeen inuu gorgortan la galo dawlada France, si ay ugu soo wareegto gacanta dawlada Ingriiska.

Waa arrin laga naxo in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan soomaaliyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba , kuwaasoo aan oggoleyn qaranimadii iyo sharaftii dalka uu lahaa in ay dib u soo noqoto, laakiinse maalin ay dib u soo noqon doonto haddii alla idmo awoodii iyo midnimaddi shacabka soomaaliyeed ,runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo galay oo naf iyo maal ba loo huray. Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed.

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin  qoraalkaani  laakiinse waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.

Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey   {United Nation}   shirweynii ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga  iyadoo  4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka  muddo 10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo .

Bishii Oktoober 1949kii: Muddni Cabdullahi Ciisi Maxamud oo ahaa xoghayihii guud ee SYL markii uu tagay United Nations wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan ummmadda soomaaliyeed meel kast oo joogaan , baaqasi oo ku sabsanaa in shacabka soo maaliyeed oo ay halgan xoog leh u galaan si looga hortago qorshaha talyaaniga SFORZ –BEVIN iyo Dawladda Ingariiska in soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga united nation qorshahaasi way diiday, qorshahaasoo ujeeddooyinkiisa ugu waa weynaa u ahaa in talyaaniga ku andacoodday in gacanta loo geliyo soomaaliya maadaama uu hanti fara badan ay u taalo isla markaasi na si dhulka soomaaliyeed uu u keeno ama u soo dejiyo dad talyaani ah si ay u noqoto soomaaliya ay u noqoto habkii south Africa oo kale oo halkaasi ay ka dhashaan is dhex gal ummadda soomaaliyeed iyo dad talyaaniga {integration}, Allaha u naxriistee Cabdullahi Ciise wuxuu ummadda soomaaliyeed ku baraarujiyey in xoogooda ay isku geeyaan si qorshahaasi talyaaniga ee hagardaamadda badan lagu baajiyo oo looga hortago . Mar alla markii xisbiga ay soo gaareen baaqasi Cabdulllahi ciise uu ka soo jeediyey New York , waxay 5tii Oktoober 1949kii laga abaabulee banana baxa weyn oo ka dhacay Dhaxag tuur , halkaasi oo ay ka dhacday mashaqooyin oo dhimasho iyo dhaawacba isku jiray, kuwaasoo ay geesteen askartii gumeysiga ingriiska.

1dii April 1950kii Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.
12kii Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta Soomaaliyeed.
1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.
29kii April 1956dii waxaa la qabtay doorashooyinkii  siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay  , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan
7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir
1959kii CABDULAHI CIISE uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir
12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo
1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood . Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein

Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Muddan Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.

Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo  21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa hantiwadaaga cilmiga ku dhisan .

26kii Janaayo 1991kii oo ahayd maalintii ay burburtay dawladdii dhexe ee maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed Siyaad Barre,   ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta. Markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta ay ka soo kabsan la’yihiin, haybaddii iyo sharaftii ay adduun weynaha ku lahaan jireyna ay burburtay . Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed.

Midnimadu waa awood , kala tagu na waa burbur sidaasi darted kala qaybsanaato waxay farxad gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed iyo kuwa u adeega gumeysiga. Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga oo ahaa qaybi oo xukun iyadoo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey , waxaa nasiib  daro ah in gacamaha dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan .

waxaan  ilaahay  ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed dhibaadhatadda ku habsatay inuu ka dul qaado, dawladda rasmiga oo la filaayo in goor dhow la dhiso, waxaa shacabka soomaaliyeed uu ka filayaa in ay ka samta bixiyaan dhibaatadda iyo nabad galyo darada ee dalka ka jirta. Shacabka soomaaliyeed na waxaa looga baahan yahay in ay xil iska saaraan sidii dalka iyo dadka soomaaliyeed loo babaadin lahaa isla markaasi na ay la hor tagaan damac fog ee gumeysiga la damacsan yahay shacabka soomaaliyeed qof waliba inuu ogaadaa in uu xil ka saran yahay difaaca iyo badbaadinta dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Qore:  Abdulkadir Ali Bolay

Email: bollay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.