Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Shaaciyay in Cafis loo Fidinayo Cid Kasta oo Burcad Badeednimada ka Tanaasusha

– Yaa Daran Burcada Soomaalida iyo Burcadnimada Reer Galbeedka

– Shiikh Shariif iyo Siilaanyo oo Dubai ku qaatey Kulan qaatey Laba saacadood

– Xarakada Shabaab oo Guulo Milatery ka Sheegatay Dagaalo ka Dhacay inta u Dhaxaysa Goof Gaduud iyo Baydhabo.


Madaxweynaha DFKMG Shariif oo iminka ku sugan Magaalada Dubaay ee Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirka Caalamiga ee Burcad Badeedda Soomaalida looga hadlayo ayaa cafis u fidiyay kooxahaas.

Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in Dawladda Soomaaliyeed ay Cafis u fidinayso cid kasta oo Hore uga tirsaneyd Burcad Badeedda Soomaalida isagoona arrintaa shuruud uga dhigay in qofku balan qaado inuu ka Tanasulayo Falalkii uu hore ugu jiray.

Madaxweynaha DFKMG ayaa ballan qaad rasmi ah u fidiyay Dhallinyaradaas isagoona hoosta ka xarriiqay in dawladdu ay damaanad qaadayso Mashruuc u abuuridda Dhallinyarada mudada ku shaqaysanaysey Hawlaha Burcad Badeedda.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida uu sheegay Fursadan ku soo beegay munaasibadaha Todobaadka Xornimada Soomaaliya. Hadalkan Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay shir ay ka soo qayb galeen Wadamada Beesha Caalamka loogana hadlayay Burcad Badeedda Soomaalidu uu ka furmay Magaalada Dubai.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay wadamada inta badan daneeya arrimaha Burcad badeedda Soomaalida kuwaasoo ay ka mid yihiin Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Biyaha gacanka.

Mdaxweynaha DFKMG sooma hadal qaadin Burcadeednimada weyn ee ka jirta Badda Soomaaliya oo ay ku sameeyaan Wadamada Mareykanka , Reer Yurub iyo Wadamo kale kuwaa oo Xaalufiya Khayraadkii Ummada Soomaaliyeed islamarkaana Badda ku soo fogeeya Qashinka iyo Sunta Haraadigga.

Shiikh Shariif iyo Siilaanyo oo Dubai ku qaatey Kulan qaatey Laba saacadood

Dhinaca kalena Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa intii uu halkaa ku sugnaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha maamulka somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.Labada dhinac ayaa waxa ay ka hadleen heshiiskii dhawaanta lagu gaaray Carriga Ingiriiska iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay sii wada anba qaadaan Go’aanadii Heshiiskaas waxaana Kullnakaan oo qaatey Muddo Laba Saacadood ayaa waxaa lagu waramey in sidoo kale lagu heshiiyey in labada dhinaca ay is dhaafsadaan Wafuud kala gaarta Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Xarakada Shabaab oo Guulo Milatery ka Sheegatay Dagaalo ka Dhacay inta u Dhaxaysa Goof Gaduud iyo Baydhabo.

Afhayeenka Dhinaca Hawl galada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay maanta dagaal Shalay gelinkii danbe ka dhacay Duleedka Magaalada baydhabo ee Gobolka bay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamadooda aaggaas ku sugna Weerar dhuumaaleysi ah oo jid galya ay ku qaadeen Kolonyo Gaadiidka Ciidamada Itoobiyaanka ah oo isaga gooshayay Goof Gaduud iyo Baydhabo.

Abuu Muscab ayaa sheegey in Ciidamadoodu halkaas ay ku dileen Illaa Soddon Askeri oo ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka isla markaana Gaadiid ay kaga gubeen
Af hayeenka ayaa intaa ku daray in Ciidamadaas oo qaarkood lugaynayay halka qaar kalena ay gaadiid saarnaayeen in qorshihii ay u dhigeen ay ku guuleysteen kolonyadaas gaadiid oo uu sheegey in ay sahay ka doonayeen Magaalada Bayadhabo.

Abuu Muscab ayaa sheegey dhankooda in dagaalkaasi ay kaga dhinteen illaa Seddax Dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Shabaab.Hadalkan afhayeenka ayaa imaanaya xilli saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladd oo goor sii horeysey warbaahinta la hadlay ay sheegeen inuu dagaal ka dhacay inta u dhaxeeysa Baydhabo iyo Goof Gaduud.

Saraakiisha u hadashay Ciidamada dawladda ayaa dhankooda dagaalkaas Guulo ka sheegtay iyagoona sheegey in ay ku dileen illaa Afar dagaalyahan oo Xarakada Shabaab ka tirsan isla markaana ay qoryahoodii kala wareegeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.