Home » Warar »

Odayaasha Dhaqanka oo iska soo xulay Gudigga Xalinta Khilaafaadka Odoyaasha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda kumeel gaarka ah ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ay iska suleen guddi ka kooban 26 xubnood oo xallin doona Khilaafaadka Odoyaasha. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa maanta Arbaca u ambabaxay dalka Uganda.

Hoos ka akhri:

Warsaxaafadeed:

Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa isla soo xuley gudigga Xalinta Khilaafaadka Odayaasha.

Gudigga ayaa ka kooban 26 xubnood kuwaa oo xalin doono Khilaafaadka Odoyaasha.

  • · Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyow
  • · Malaaq Maxamed Yacquub Sh. Deewow
  • · Malaaq Isaaq Ibraahim Xassan
  • · Malaaq Cabdirashiid Shiikh Xassan
  • · Suldaan Cabulqaadir Cabdullaahi Xassan
  • · Ugaas Maxamed Cali Ugaas
  • · Ugaas Cabdulahi Ugaas Xaashi
  • · Nabadoon Cali Maxamed Maxamuud
  • · Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax
  • · Waber Geedi Waber Xassan
  • · Suldaan Axmed Jaamac Xirsi
  • · Ugaas Aways Sh. Xuseen (Huneero)
  • · Malaaq Suufi Murde Cali
  • · Suldaan Cabdi Xaliim Cabdi Maalik
  • · Ugaas Saalax Maxamed Cabdule
  • · Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
  • · Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi
  • · Ugaas Xuseen Cismaan Nuur
  • · Ugaas Maxamed Ugaas Axmed
  • · Suldaan Maxamed Axmed Burtinle
  • · Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdulllaahi
  • · Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Xaaji
  • · Ugaas maxamed Ugaas Buule Jiirow
  • · Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar
  • · Suldaan Maxamed Xassan Bul-bul
  • · Suldaan Maxamed Aadan Ashkir

Warasaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay dalka Uganda.

Muqdisho, June, 27, 2012, —— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku wajahan yahay dalka Uganda, Isagoona kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalka Uganda Mudane,Yoweri Museveni.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dowladda Uganda ay ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Sida aad la socotaan dowladda Uganda waxaa inaga dhaxeeya xiriir Diplomacyadeed, marka waxaan ka wada hadleynaa sidii arrimahaasi kor loogu sii qaadi lahaa”.

– DHAMAAD –

Warasaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay Sanadguuradii 35-aad ee Dowladda Jabuuti.

Muqdisho, June, 27, 2012———- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayay 35 sano guuradii ka soo wareegtay xiligii ay xurnimada qaadatay dowladda Jabuuti.

Munaasabadda lagu maamuusayay Sanadguuradii 35-aad ee xurnimada Jabuuti oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Dr. Cabdiweli,Qaar ka tirsan Golaha Wasiiradda,Xildhibaano,Saraakiil, Fanaaniin iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Safiirada, Turkiga, Yemen,Ethiopia, iyo kuwa kale.

Ugu horeyn Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowladda Jabuuti,Dayib Dubad Rooble, ayaa ka hadlay qiimaha maanta ay u leedahay shacbiga reer Jabuuti maadaama ay tahay 35,sano guuradii ka soo wareegatay Xurnimadii Jamhuuriyadda Jabuuti.

“27,June waa maalin ku weyn dadweynaha reer Jabuuti, waa maalintii ay xurnimada qaateen, xornimada maanta ay Jamhuuriyada Jabuuti heysato ragbaa u soo halgamay, balse waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta aynu Munaasabada ku qabsano Magaalada Muqdisho,taasina waxey ka turjumeysaa in ay Muqdisho amaan tahay oo la isku laheyn karo, Sida aad aragtaana munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Safiiro badan oo Muqdisho ku sugan”.

Safiirka ayaa intaa ku daray in Jamhuuriyada Jabuuti ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahaayeen KMG iyo dhibaatooyinka kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ugu hambalyeeyay Sanadguuradii 35-aad ee xurnimada Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shacabkooda, Wuxuuna intaa ku daray in Walaalahayaga ee Jabuuti ugu mahadcelineynaa sida hagar la’aanta ah ay u taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed, Wuxuuna intaa ku sii daray in Munaasabadaani teeda kale lagu dhigi doono Soomaaliya oo dowladda taam ah yeelatay islamarkaana Amaan u soo jeediyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo dagaal ugu jira sidii dalka looga xureyn lahaa Kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli ayaa sheegay in marnaba aysan mushtamaca Soomaaliyeed aysan ilaawi doonin dadaala ay ka heleyn walaalahooda Reer Jabuuti,Wuxuuna xusay in mar dhowna Ciidamada Jabuuti ee Muqdisho ku sugan la geyn doono Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna sheegay iney si farxad leh ula dabaal dagayaan 35 sano guuradii ka soo wareegatay xilligii ay Jahmuuriyada Jabuuti ay heshay madaxbanaanideeda.Waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Walaalaha Jabuuti ugu mahadcelinayaan dadaalada ay ka geysanayaan Arrimaha Soomaaliya, Waxaana sidoo kale u rajeynayaa hormar iyo nabad waarto.
– DHAMAAD –
————-

Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.