Home » Maqaallo »

Meeyey Gu’gii Carbeed?

Tan iyo markii ay kacadoonada barkaysan ka bilowdeen Wadamada Carbeed ee ay ka talinayeen Madaxdii kali taliska ahaa ee xooga ku haysay Shacuubtooda laga soo bilaabo Tuunis Masar Liibiya Yaman iyo Siiriya, kacdoonkaas  oo loogu wanqalay ama loo bixiyey Gu,gii Carbeed ayaa dadka qaar waxaa ay iswaydiinayeen oo ay saadaalinayeen in dabayshaas caafimaad ay mar un Badda soo talowdo oo ay Geeska afrika soo gaarto, qabowga dabayshaas waxay soo gaartay Dalka Jamhuuriyada  D,jabuuti in kastoo kulaylka Jabuuti uusuuragal la,aan ka dhigay in xiligaan dhulkaas kulaylka iyo qalayalka badan uu  ka curto Gu,gu ayaa waxaa kaloo u sii dheer in hogaanka dadlka oo aad u culus ay dhaqaaqin wayday dabayshii xooga badnayda ee xawliga ku socotay.

Dalka Soomaliya oo  ah wadan carbeed ayaa Su,aashu waxay tahay ma xaa hor istaagay ama hortaagan curashada Gu,ga iyo dabaysha caafimaad in ay ku dhufato Somaliya mise jawiga ayaa ka badalan oo marna suura gal ma ahan inuu hooro roobkaas?.

Dadka qaar baa u arka in sababta dhabta ah tahay in aysan jirin cid lagu kaco ama lagu mudaaharaado iyo sidoo kale cid mudaaharaada oo garan karta wax ka maqan waxa ay yihiin iyo meesha ay u doonan lahaayeen, waxa hubaal ah in ay jirto xuquuq badan oo ka maqan ummada Somaliyeed   21sano  iyo ka badanba,

Hadaba ma waxay ku mudaaharaadaan Shabaab ayaga oo ka cabanaya xukun adayg, is qarxin,miino dhigis iyo naxariis la,aan.

Mise waxay ka mudaaharaadaan Shariif iyo kooxdiis Villa Somaliya joogta ayaga oo ka cabanaya Musuqmaasuq, Xatooyo xoolodadwayne, Eex, tayo xumo lagu daray daciifnimo gaamurtay.

Mise waxay ka cabtaan kana mudaaharadaan Amisom iyo Mahiga ayaga oo ka cabanaya tacadiyada joogtada ah ee ay ku hayaan sida barakicinta, kutagrifalka awooda dalka iyo faragalinta joogtada ah ee Siyaasada Somaliya.

Mise waxay ka cabtaan kana mudaaharadan Ciidamada dawladaha dariska ah ee ku soo duuley dalkooda sababkastaba ha sheegtaane.

Mise waxay ku banaan baxaan kana mudaaharadaan Marykan iyo Reer galbeedka badooda xaalufiyey dana aan ka lahayan dhibaatada haysata dadkooda.

Mise waxay ku mudaaharadaan Gancsatada Naxriistu ka guurtay ee lacagta malaayiinta  dhaaftay ka faa,iiday burburka iyo dawladan la,aanta dalka ka jirta ee u taagan xaalufinta dhirta iyo dhuxul dhoofinta.

Mise waxay ka cabtaan kana banaan baxaan Afooyinka  dabiiciga ah ee ay ka mid yihiin Abaarta,xaalufka Cudurada,Nafqo darada iyo Cimilo xumada soo badanysa, yayse u sheegtaan oo wax ka qaban karta.

Mise waxay ka cabtaan Qaxootiga Tahriibka iyo Barkaca aan dhamaadka lahayan ee ay sabatay colaada iyo dagaalka aan ujeedadiis lagan karin  ee iska socda.

Waxyaalkaas oo dhan waa mudan yihiin in laga mudaaharaado lagan cabto hayeeshee su,aashu waxay tahay yaa loo cabtaa yaase cabshada horkacaya oo ummada Somaliyeed u fiyow oo la doonyaa in ay samata bixiyaan dalka iyo dadka, yaa ka fayow cuduradaas dilaaga ah ee ku faafay  dadkii oodhan ,yaa la isku halayan karaa oo aan eed iyo eex ka galin dadka iyo dalka, yaa loo cararaa xagiisa oo maciin la bidaa, yaa kayda ahaa oo maanta lagu fakadaa loona aayaa?.

Ma sahlan in la helaa cid intaan soo sheegnay oodhan ka madaxbanaan kana fayow cuduradaas maxaa yeelay Somalidu intaas ayey ku kala qaybsan yihiin oo ku dhex jiraan marka laga reebo dad aad u yar, waxaanse isleeyahay waa suura gal inaan helno mana ahan mid laga quustay in ay soo baxdo cid na badabaadin karta maxaa yeelay waxaa nahay ummad jirta kana mid ah ummadaha aduunka hadii isbadal dunida ku yimaado qaybtayada ayaan ka qaadanayanaa waana nasaamayanayaa sida uu noo saameeyeba isbadalkii Afrika ka dhacay 60damadkii ee ay noo soo gaartay dabayshii Cinqilaabadka ama afganbigii Askarta ee dunida sadexad badankeeda saameeyey ayan ku larnayda dabayshii  kacanaankii hantiwadaaga walow aanaan mahdin wax dhaamana gadaashiisa aanan helin.

Waxad moodaa inaan aad ugu oomanahay biyah gu,ga baahi badan u qabno isbadal dhaqso ah oo ummada ka saarada dhibaatada ay ku jirto, hadaba is badalka la filayo inuu dalka ka dhaco bisha sideedaad ee sanadkan waxan isleeyahay waxaa uu sababi karaa curashada Gu, barwaaqo waxan uu suuragal ka dhigi karaa inuu hooro roobkii lagu raysan lahaa waase hadii Somalidu ay ka fakiraan mustaqbalka dalka iyo dadka kana fakiraan in ay samata bixiyaan jiilalka danbe, waxan isleeyahay murashaxiinta u taagan xilka ummada ma yihiin kuwo awooda kartina uleh in ay dhibaatada naga saaraan malaha laba Shariif iyo Cabdiwali si fiican baan u baranayey iyo kuwa lamidka ah ee ama Wasiirada u ahaa ayaga ama Baarlamanka ku jira ee Dr.Badiywo iyo Akhwaanka Somaliaya fursada ma siinaa si aan u tijaabino awooda Akhawaanka una ogaano in ay leeyihiin kartida Akhwaanka Masar iyo Tunis oo kale, waxay ila tahay inaan kor ku soo sheegay in ay jiraan dad aad u yar ah oo ka fayow cudurada dilaaga ah ee shacabkeen halkaan gaarsiiyey towlow Badiyow iyo bahdiisu sow kuwaas ma noqon karaan mise kuwo kale ayaa jira.

Sheekh Mahamed Yusuf
shariifka99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.