Home » Warar »

Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland oo lagu soo gabagabeeyey shirkii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Soomaalida

Shirka waxaa lagu qabtay Markaska Islaamiga ee Weyn ee Magaalada Lausanne, Dadweynihii ugu badnaa reer Switzerland ayaa sanadkan kasoo qayb galay shirka.. Warbixinta faahfaahsan hoos ka akhri:

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisi Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Waxaa Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey maalintii axadda 24/6/2012 shirkii sanadlaha ahaa ee ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaalida ee Lausanne, oo laysaga kala yimi gobolada kala duwan ee dalka switzerland iyo dalalka ku dhow sida jarmalka, faransiiska iyo Talyaaniga.

Shirka waxaa lagu qabtay Markaska Islaamiga ee Weyn ee Magaalada Lausanne, maalmihii jimcaha, sabtida iyo Axadda 22,23 iyo 24/6/2012, halku dheggiisuna wuxuu ahaa ( TAWBAD DHABA) waxaana Muxaadarooyin Kala duwan ka Jeediyey culimada iyo Ducaadda kala ah :

Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil
Sh. Maxamed Idris Axmed
Sh. Dr. Cali Maxamed Saleh

Dadweynihii ugu badnaa reer Switzerland ayaa sanadkan kasoo qayb galay shirka iyagoo si wanaagsan u Dhegeysanayey muxaadaraadka, Waxaana ka mid ahaa muxaadaraadkii ka baxay shirka oo dhamaantood maqal iyo muuqaal loo duubay, Isla markaana dad badani ay kala socdeen aaladda internetka:

1) Xaqiiqda Tawbadda
2) Ummaddu waa akhlaaqda
3) Hogaanka Islaamka
4) Nadwo : Turunturooyinka Ummadda Islaamka ( Muuqaaladeeda, Asbaabteeda, Sida looga gudbi karo)
5) Qoomamooyinka Qiyaamaha
6) Sidee wax loo wadaagaa

Iyo muxaadarooyin kale oo badan, isla mar ahaantaas wexey culimadu ka jawaabeen su’aalihii dadweynaha oo aad u badnaa.

Soomaalida Switzerland

Dalkan Switzerland waa dalalka yar yar ee yurub, isla mar ahaantaasna ku caan baxay nabadgelyada iyo inuusan lahayn siyaasad dibadeed kana fogyahay is qab qabsiga siyaasadda adduunka iyo loolankeeda.. Ilaa waqti dhowna ma lahayn ciidan kumana jirin Jamciyadda Quruumaha iyo isutagga yururbta, isla mar ahaantaas waxaa magaalada Geneva ay saldhig u tahay una ahayd muddo dheer xafiisyada UN ta yurub, Davos waxaa sannad walba lagu qabtaa shirarka dhaqaalaha.

Wadankan wuxuu ku caan baxay inuu noqdo saldhigga bangiyada lacagaha adduunka laga soo dhoco, siiba adduunka saddexaad haba u badnaato Africa iyo Bariga Dhexe, taasoo dalkani ka macaasho, wuxuu kaloo ku caan baxay dalxiiska, sinaacooyin kala duwan sida daawada, teknolojiyada, iyo hubka.

Soomaalida dalkan ku dhaqan ma badna, sababta ugu weynna waa dalkan oo nidaamkiisu aad u adagyahay ama u xir xiranyahay, gaar ahaan xagga ganacsiga iyo Xagga Nidaamka wadanka lagu joogo. Sidaas darteed Soomaalidii Soo martay ilaa iyo sagaashameeyadii in yar ayaa ku hakatay intii kalena wexey uga gudubtey adduunka kale ee yurub iyo waqooyiga America. Inta yar ee ku hartay badan koodu ma laha waraaqaha dhalashada ama joogitaanka aan waqtiga ku xirnayn. Balse wexey u badan yihiin, waraaqa qaxooti oo F la yiraahdo, kuwo B la yiraahdo, oo micneheedu yahay sanad walba ama labadii sanaba in la cus boonaysiiyo. Dadka hely baasaboorka switzerland aad ayey u yaryihiin iyadoo ay joogaan kumanyaal Soomaali ah.

20 Sano iqaama La,aan!

Waxaad la yaabeysaa oo badanaaba aan lagu arkin dalalka yurub ama reer galbeedka, qof isaga iyo ciyaalkiisa ay 20 sano ama 15 sano wadankaas deggan yihiin caruurtu ku dhasheen, haddana waalidka iyo caruurtuna ayan waxba waraaqaha aqoonsiga ee dalka aaney lahayn..

Lausanne-Sion

Maalintii isniinta waxaanu booqannay magaala yar oo buuraha ku dhextaal lana yiraahdo Sion, waxaa durba magaalada yar aanu bartameheeda ku aragnay maama Soomaaliyeed oo jidka socota, waxaanu duhur iyo casar ku jamacsanay masjid magaalada ku yaal. Waxaa magaalada yari leedahay laba masjid, midka weyn waxaa maamula oo u badan muslimiinta reer Macedonia ee asalkoodu kasoo jeedo Albaaniya ama turkiga Balqaanka, midkan yar ee aan ku tukaneyna waxaa wadaaga muslimiinta oo dhan, waxaa Sh. Mustafe ka mulaaxadeeyey maktabad yar oo mixraabka agtiisa taalley iney Ku dhanyihiin madaahibta Sunnaha, taasoo tusineysa in meeshan la wadaago, waxaa oolaa kitaabka Rawdatu Daalibiin ee Imaam Nawawi (Shaaficiya), Sharxul Mumtic, Zaadul Mustaqnic ( Xanbali) Al istidkaar Ibnu Cabdilbar (Maaliki) Madaalicu Sunan (Xanafi) wuxuu kaloo mulaaxadeeyey xagga sharxiga xadiiska waxaa yaalley (Sharxu Muslim) Nawawi Al Shaafici , ( almirqaat, sharxu mishkaatil Masaabiix) Mulla qaari Alxanafi, dhanka kale caqiida waasidiya, tafsiirka sheykhul mufasiriin ee laysla ogolyahay Tafsiiru Dabari, wexey ahayd mulaaxaada meeshedi dhacday..

Waxaa qada noo sameeyey qoys Soomaaliya oo magaalada deggan, wuxuu odaga qoysku noo sheegay inuu muddo 18 sano ka badan deggan yahay tuuladaan. Laakiin ilaa hadda isaga iyo caruurta tooni aaney lahayn baasaboorka wadanka, caruurta oo meesha ku dhalatayna aaney lahayn.

Dhibbanaan Xijaabka!

Wuxuu noo sheegay iney aad ugu dhibaan xijaabka gabdhaha, oo gabadha weyn loo diidey iskuulka caafimaadka (pharmacyga) iney xijaabka ku qaadato, oo ay leeyihiin markii dambe gudaha kuma qaadan karto dibedda haku qaadato..Isla magaaladaas ayuu barlamaanka kasoo galaa ninkii keeni jirey Mooshinkii mamnuucidda Minaaradaha Masaajidda, xijaabkana mooshinkiisa isagaa wada.. Wuxuu mar sawirtay ayuu nagu yiri: Inantayda yar oo ciyaareysa oo xijaaban, si uu tolkiis ugu yiraahdo bal eega kuwa yar yar ayey u xijaabayaan mana rabaan iney dhaqankeenna qaawanaanta qaataan.. Waxaanu u dar daarannay iney diintooda ku fara adaygaan, waxna aaney uga tanaasulin, intii tabartooda ahna ay wixii qaanuunku xuquuq u Ogolyahay ku dagaalamaan.
Sion iyo Muslimiintii Andalus

Magaaladan oo ku taal dalka switzerland waa meelihii ay soo gaareen Muslimiintii Andalus xukunkoodu markii ay ka talinayeen ilaa koonfurta Faransiiska. Magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiskana 100 km wax ka yar ay u jirsadeen..

Degaanka Buuraha

Magaalooyinkaan koonfurta Switzerland iyo France waxaa ku xeeran buura dhaadheer, deegaanka dadkuna wuxuu ku taxan yahay buuraha, magaalooyin dhan Ayaa buuraha aan mareyno iyo magaaladaan sion ku yaal. Waxaan kusoo xasuustay dalka yaman waqooyigiisa oo ay si aad ah isu shabbahaan, waxaan is iri malaha yamantii Andalus timi ay qayb weyn degaanka ka ahayd, ayaa buura fuulka iyo degaanka buuraha meelahaan keentay, sidoo kale buundooyinka qadiimka ah, wexey shabbahaan kuwii Andulus ka jirey, Muslimiintuna iyagaa ugu horreeyey buundooyinka webiyada la dul saaro sida buundada caanka ah ee Magaalada Qurduba.

Haddaad eegto dadkan sida ay buurta u deggan yihiin, ama wax ugu beertaan waxaad kusoo xasuusaneysaa buurihii yaman Iyo tuulooyinkoodi buuraha ka lalmadey iyo beerihii buurta korkeeda laga falayey, sawirka ayaad ka eegi kartaa..wexey kaloo cibra u tahay dadka aan dhulka haysan ee buuraha beeranaya, iyo dadka dhulka iyo webiyada haysta ee aan falanayn oo ka gaajaysan.

Lama guur guuri karo. Soomaali maxaa u yaal?

Waxyaabaha dhibaatada ku ah Soomaalida ee dalkaanu leeyahay waxaa ka mid ah meesha la dejiyo qofku kama guuri karo, xitaa haddii uu gobolka kale ka guursado ama shaqa ka helo, si sahlan uguma guuri karo, balse dawladda gobolkaas iney ogolaato mooyaane. Waxaad moodaa nooc xabsiya oo furan iney tahay, maadaama qofkii aanu waraaqihii socdaalka iyo baasaboorka si sahlan ku heli karin, meel kale hadduu soo sahansado u guuri karin, ganacsi samayn karin, wadanka oo dhan waxaan la sheegayaa dhawr dukaan keliya iney ku yaalaan, zurich labo, Lausanne hal, Geneva mindhaa hal, Bern hal, sidaas ayaaba ka dhaba, meesha sidaas ah waad iska garan kartaa inaan Soomaali waxba u oolin oo ay isaga qaxdo..Sidaas ayaana dhacda.

Sh. Mustafe ayaa yiri: Ninkii aanu yurub isla soo galnay 1990 weli halkan ayuu deggan yahay wax baasaboor ama waraaqo ahna ma helin, halka Norwey markaan dalbayey waraaq uun aan buuxiyey, maxaad dooneysaa? Baasaboor aan ku safro, kadibna luqana laguguma xirin, dhaarna laguguma xirin, ee boostada ayaa la iisoo dhigay. Ninkanna ilaa hadda warqada maleh, taasoo aad ka garaneyso xitaa gaaladu iney kala khiyaarsantahay, sidii xadiisku tusinayey ( Khiyaarukum Fil Jaahiliya…..) jaahiliyadu khiyaar iyo Ardaal ayey kala leedahay.

Guud ahaan dalkan dacwadu aad uguma fir fircoona, mana laha isku xirnaan weyn, ama dallad kulmisa maraakista Soomalidu ka hawl gasho, dadku wexey u egyihiin dad aad ugu oomman dacwada.. Nin dhalinyara ah oo si gaara iila kulmay wuxuu ii sheegay iney deggan yihiin magaala fog oo dhanka jarmalka xigta.. Dacwo iyo muxaadaraadna ma helaan. Magaaladii Sion ee aan dhowaan soo sheegayna dhawr iyo Toban qoys ayaa deggan, sidaas ayaa loogu firiqsan yahay adduunka ilaahay Soomaali ha u raxmado oo haysu soo urursho.

Luqadaha kala duwan!

Waxaan aad ugu fiirsanayey caruurta Somalida ee beryahan aan wada joogney wexey kuwada hadlayaan afka faransiiska, kuwaan kasoo kacay shalayna afka ingiriiska kahorna kuwa yar yar ee afka swedishka iyo holandiiska, ilaahay ummaddaan ha u naxariisto, hana isu urursho aamiin.

Maxamed Idris /Lausanne – Switzerland

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.