Home » Warar »

Shiikh Shariif iyo Axmed Siilaanyo oo lagu wado in ay Kulan yeeshaan

Sheikh Shariif oo u dhoofay Itoobiya:

Warar aanu ka helnay dhinaca Madaxtoonyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaamiyo lagu wado in ay u ambabaxaan dalka Imaaraadka Carabka halkaasi oo lagu wado in ay kullan kula yeesheen Madaxweynaha Maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo isna la sheegay in uu isaguna ku sii jeedo imaaraadka.

Sheikh Shariif ayaa Isniin (June 25) ka dhoofay Muqdisho isagoo safarkan ku sii maraya magaalada Addis Ababa, ayadoo ay jiraan warar sheegaya in Axmed Siilaanyo ku sugan yahay Addis Ababa.

Kullanka Shariif iyo Axmed Siilaanyo waxaa la sheegay in uu yahay mid daba joogaa kullankii dhawaan ka dhacay Magaalada London halkaas oo ay ku kulmeen madaxd ka soc otay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, waxaana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo la xiriira sidii labada dhinac iskaashi u sameyn lahaayeen iyo qodobo kale oo muhiim ah, waxaana qodobadan si weyn u soo dhaweeyey shacabka Koonfurta iyo waqooyiga Somaaliya, waxaana meelaha qaar ka dhacay Banaanbaxyo lagu taageerayo go’aamadaasi.

Kullanka lagu wado in ay yeeshaan Sheekh Shariif iyo Siilaanyo ayaa waxaa la sheegay in layskula soo qaadi doono qodobo aad u muhiim ah oo la xiriira qadiyadda Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. Waana markii noqonayaa kii ugu horeyey kafool kafool ah isku arkaan madax ka kala socota Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, waxayna dadka qaar ku tilmaameen mid yidiiilo gelinaya in maamulka Somaliland uu ka tanaasulo gooni u istaagii somaliland ay ku dhawaaqday sanadkii 1991, 18 May.

Beri (June 26) waxaa Waqooyi iyo Koonfur laga xusi doono sanadguuradii 52-aad ee ka soo wareegtay markay xoriyadda ay qaateen Waqooyiga Somaliya iyadoo 1-da luulyo iyana la xusi maalinta Xoriyadda Koonfurta iyo Israacii labada gobal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Emial: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail; amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

– Madaxweynaha Shiikh Shariif oo sheegey in uu soo Dhaweynayo Ciidamada Itoobiya ee Dagaalka kula jira Xarakada Alshabaab

– Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

– Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 – 2006

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shiikh Shariif iyo Axmed Siilaanyo oo lagu wado in ay Kulan yeeshaan "

  1. Dayiba says:

    Salaama caleykum

    Aniga oo reer Jabuuti ah waxan waligey maqli jirey oo waalidkey igu koriyey, aniguna caruurteyda bara soomaali weyn. Kama rajo dhigin in Allah subxaanahu wa tacalaa i tiso shanta soomaaliya oo dantooda meel uga soo wada jeeda. Yurub way isku biireysa oo dad aan isku naqan, luqad iyo mad-habta diineen midna wadaagin laysku kab-kabayaa. Soomaaliya oo isku diin, dad, luqad iyo dhaqan ahna la kala xado, waa calool xanuun.Maah-maahda soomaaliyeed ayaa inoogu filan waano ” geel jire geela waa wada ilaa liyaa, hadana nin walba geelisu gaar u raacdaa”, danta guud ee soomaaliyeedna si ragganimo leh ha loo ilaaliyo. Siyaasiyiinta soomaaliyeedna waxa waano ugu filan ” karis xun iyana ku qatan”. magac xumada iska dhawra ayaan qabrigiina xumo lagu xasuusane oo dhawra “waari meyside war ha kaa hadho ” wanaagsani.

    Wa billahi tawfiiq.

    Dayiba