Home » Faallo »

HAYAANKA RAASHINKA

Adiga oo jooga Soomaaliya marka aad u fariisatid in aad cuntid raashin qado ah oo adigoo gaajeysan lagu soo hor-dhigo saxankii uu raashinku ku jirey, waad ku raaxeysaneysaa cunista raashinka. Qiyaastii muddo 20 daqiiqo ah ayaa waxaad ku dhameysaneysaa saxan bariis ah, cad hilib ah, xabbad moos ah iyo sallad la socda. Haddii aad hesho gabal ah babaay ama canbe, waxaad ka daba-geyn koob biyo ah. Dabadeed waa duhur oo laba mid ayuu falkaagu noqonayaa. In aad tahay qof anshax leh oo sariirta aada si aad u nasato oo salaaddii casar iyo howl-galabeedkii aad isugu diyaariso, iyo inaad tahay qof aanan anshax laheyn oo aad marduuf jaad ah qaadato dabadeed aad saaxiibo khariban la fariisato. Mid ay tahayba, inteeyan daqiiqado ka soo wareegan markaad ka kacdo fadhigii aad ku qadeysey, waad illowdaa ayniyadii raashinka ahaa ee calooshaada ku dhacay. Laakiin jirkaagu ma illaawin oo xoogaagii raashinka ahaa waxaa u bilaabanaya hayaan dheer iyo howl qallafsan. Cimilada kala duwan oo howshaasi ay ka dhaceyso ayaa waxay tahay mid ogaalna aadan u laheyn shuqulna aadan ku laheyn.

Raashinka aanu cuneyno waa halka aanu ka helno tamarta uu jirkayagu u adeegsado howlaha xubnuhu ka qabtaan jirka gudiisa iyo dibaddiisa. Hayaanka uu raashinku ku galo jirka gudihiisa, ugu danbeyntii wuxuu noqdaa shidaal ay unugyada iyo murqaha adeegsadaan si ay u gutaan howlaha loo igmadey. Raashinkaasi wuxuu qaadayaa waddo lagu magacaabo hannaanka dheef-shiidka (Digestive System). Waa wadiiqad murqo ka sameysan oo jirku uu ku gaadiido raashinka.

Xubno isu furan oo ah afka, hunguriga, caloosha iyo mindhicirka ayuu raashinku ku hayaamaa. Waxaa weheliya xubno la deris ah waddada hayaanka, kuwaas oo gacan ka geysta howlaha dheefshiidka. Waxaa kamid ah beerka, beer-yarada, xameytida, qanjrro isugu jira kuwo yar-yar iyo kuwo waaweyn. Dhamaantood waxay xiriir la leeyihiin hannaanka dareen-sidaha (Nerve System) kaas oo dhambaallada iyo jawaabahooda u kala laliya xubnaha howsha wada. Murquhu waa xooggii riixayay raashinka, qanjirraduna dhacaan ayay ku qubayaan. Waxtarka dheecaanka waxay tahay in ay qooyaan, ay nadiifiyaan, ay jejebiyaan ayna hagaajiyaan raashinka si uu jirku uga faa’iideysto. Xikmadda Eebe (kor ahaaye) ayaa ahaatey in xabbadaha bariiska ah ama haruurka ah uusan jirka aadamigu uga faa’iideysan karin iyaga oo ah sidii beerta looga soo gurey. Bal wuxuu u gartey in ay jirka gudihiisa ku maraan hayaankaas dheer iyo howshaas qallafsan.

Sida la ogsoon yahay, hayaanka uu raashinku ku galo gudaha jirka waa labo hayaan oo kala weyn. Mid wuxuu yahay dheef-shiidka miikaanikada ah (Mechanical Digestion), kaas oo bilaabanaya marka uu raashinku afka gaaro, kuna dhamaanaya marka haraaga wasakhda ah ay gadaal ka baxdo. Midka kale waa dheef-shiidka kiimikada ah (Chemical Digestion). Waa howsha ku dhacda walxihii uu jirku ka reebtey qashin-saarka. Walxahaas ayaa jirku wuxuu u kala dhilqiyaa canaaisr kiimiko ah si ay ula fal-galaan cimilada jirka iyo wershadaha kala duwan ee unugyada xubnaha.

Markii luqmad raashin ah ay afka gaarto, waxaa halkaas ka bilaabanaya howsha ugu horeysa ee dheef-shiidka miikaanikada ah. Muddada ay luqmaddaasi ku jirto afka, waxay mareysaa saddex marxaladood. Midda ugu horeysa waxay ku bilaabaneysa dhadhaminta raashinka. Waxaa xusid mudan, raashinka intuusan afka gaarin, urkiisa ayaa sanka gaara. Haddii uu sito ur uu jirku diiddan yahay, markiiba dareenka urka ayaa gudbinaya si uusan afka u gaarin raashinkaas wasakhda ah. Carrabka oo ah xubinta ugu horeysa oo raashinka uu la kulmayo, ayaa howshiisa hore waxay tahay dhadhamin. Wuxuu awood u leeyahay in uu kala sooco dhadhanka macaan, midka dhanaan, midka kharaar iyo midka khalka ah. Midkasta oo dhadhankaas kamid ah wuxuu leeyahay beegyo kala duwan oo carrabku awood u leeyahay uu ku kala sooco. Waxaa intaas dheer in carrabku uu si fudud ugu dhaqdhaqaaqo afka gudihiisa. Waxaa jira murqo uu gudaha ku wato iyo kuwo dibadda kaga xiran. Taasi waxay u saamaxdaa in sida uu hadalka u rog-rogo, si lamid ah in uu raashinkana u rog-rogo.

Muddada ay luqmaddu ku jirto afka waxaa lagu qiyaasaa daqiiqad barkeed. Muddadaas ayaa carrabka iyo ilkuhu ay isu kaashadaan in la diyaariyo sidii iyada oo sahlan uu hungurigu u dhunjin lahaa. Ilkuhu waxay u qeybsan yihiin kuwo wax gooya (foolasha) kuwo wax jejebiya (miciyaha) iyo kuwo wax shiida (gowsaha). Carrabkuna luqmaddii afka soo gaartey ayuu gaarsiiyaa hadba ilkihii ka shaqeyn lahaa. Waxaa kaloo jira qanjirro ku rakiban daamanka iyo dhegaha hoostooda. Howl-galkooda wuxuu bilowdaa markii uu jirka soo gaaro dhadhan raashin, ur raashin ama mararka la baahan yahay sheeko raashin. Qanjirradaasi waxay bilaabayaan in ay afka ku soo qubaan dheecaan (Candhuuf). Waa dheecaan kiimiko ah oo la yiraahdo (Salivary Amylase).

Waxay qoynayaan afka iyo luqmadda soo gaartey si uu calaliska u sahlanaado. Isla-markaas waa dheecaan bur-burinaya oo leynaya cayayaanka noolaha ah (microbs) ee luqmadda la socda. Luqmaddii oo qoyan ayaa ilkuhu qaab miikaaniko ah uga shaqeynayaan. Muddadaas uu calaliska socdo ayaa afku wuxuu diyaariyaa luqmaddii. Wuxuu ka yeelayaa mid shiidan oo qoyan, isla-markaas si wanaagsan loo ururshey oo ah gabal is-heysta oo koobaaban. Waxaa lagu magacaabaa (Bolus). Carrabku markii uu fahmo in gabalkii luqmadda ahayd ay diyaar tahay oo ayan howl ugu harin afka, wuxuu u gaadiidayaa dhanka dhuunta isaga oo gaarsiinaya meel ay murqaha dhunjiska ka sii xamaalaan si ay ugu gudbiyaan gudaha dhuunta.

Waxaa markaas bilaabaneysa marxaladdii labaad ee ah marxaladda dhunjiska. Waxaa xusid mudan in waddada hungurigu ay leedahay albaab loo furayo raashinka gudbaaya. Wuxuu ku ag-yaal albaab kale oo ay neeftu (hawadu) marto. Labada albaab marba midbaa xirmaya si midka kale loogu gaadiido wixii mari lahaa. Cad hilib ah oo la yiraahdo (Epiglottis) ayaa u ah dhex-yaal. Cadkaas ayaa marba dhan u sikanaya si uu u xiro mid kamid ah labada albaab. Markan afku uu diyaariyey luqmadda, albaabka neefta waa uu xirmayaa, si luqmaddii ay u marto albaabka hunguriga. Murqihii dhunjiska ayaa waxay bilaabayaan in ay cadaadiyaan luqmaddii si ay ugu gudbaan hunguriga (Esophagus). Waxaa halkaas ku joogsanaya marxaladdii labaad ee dheef-shiidka afka.

Marxaladda saddexaad waa muddada ay luqmaddu ku hayaameyso dhuunta hunguriga. Waa kanaal dhererkiisu yahay (qofka qaan-gaarka ah) 25 cm. Wuxuu xiriirshaa hunguriga iyo caloosha isaga oo sii dhex-mara meel u dhexeysa labada sambab. Murqaha ay gidaaradeeda ka dhisan yihiin ayaa raashinka hoos u riixaya illaa gabalkii luqmadda ahaa uu ku hubsado caloosha gudaheeda. Waxaa cajiib ah, marka uu qofku taagan yahay waa arin la fahmi karo in raashinka la dhunjiyay uu hoos u dego, waayo xeerka cuf-jiidka ayaanu fahmeynaa oo wax walba dhulka xaggiisa u riixaya. Laakiin marka uu qofku foororo oo madaxiisa hooseeyo, haddii uu wax dhunjiyo, waddadaas hunguriga ah waxay leedahay awood ay raashinkii u riixdo dhanka kore oo markaas ay caloosha ka jirto.

Cirifka kore ee caloosha waxaa ku rakiban albaab xiran oo u dhexeeya waddada hunguriga iyo caloosha kaas oo takhaatiirtu ay ku magacaabaan Cardiac Sphincter. Albaab kale ayaa jira oo isna ku yaal cirifka hoose ee caloosha, kaas oo isna u dhexeeya caloosha iyo mindhicirka. Albaabka kore wuxuu furmaa marka wixii la soo dhunjiyay ay soo maraan waddada hunguriga. Ujeeddadu waa in uu caloosha u gudbiyaa. Dabadeed waa uu xirmayaa. Arin xusid mudan ayaa waxay tahay in albaabkaasi uu marar furmo si wixii caloosha ku dhacay uu hunguriga dib ugu soo celiyo, dabadeedna uu afka ka soo qubo. Taasina waxay dhacdaa marka uu qofku hunqaacayo. Wasakh caloosha gaartey oo ay diidan tahay in ay jirka u gudbiso ama raashin laga badiyay oo ay qaadi la’dahay ayaa keena hunqaacada. Waxaa saddexeeya oo iyana hunqaacada sababa markii la danqiyo xarun kamid ah xarumaha hunqaacada laga hago oo ay kamid tahay in dalqada la taabto.

Caloosha markii uu raashinka ku soo dhaco, albaabkii korena uu is-xiro waxay bilaabeysaa howlo ay ku hagaajineyso raashinkii soo gaarey. Waxaa jira qanjirro (Glands) yar-yar oo ku yaal gidaarada ku geedaaman caloosha dhinacyaheeda. Waxay bilaabayaan in ay soo qubaan dhecaamo la fal-gala ayniyada raashinka ah ee caloosha yimid.

Dhecaamadaas nooca ay yihiin iyo beegga soo qubanaya waxaa qiimeynaya hannaanka la yiraahdo Autonomic Nervous System. Dhecaamadaas ka yimaada gidaarka caloosha waxaa kamid ah Mucus waa dhecaanka ilaaliya in calooshu ayan qalleyl noqon isla-markaas wuxuu gidaarka caloosha ka dhowraa dhaawaca ay u geysanayaan canaasirta kiimikada ah. Pepsin, waa dheecaan ka soo qubta unugyada caloosha oo wuxuu ka qey-bqaataa dheef-shiidka brootiinka. Hydro-chloric acid waa dheecaanka ka yeela cimilada caloosha mid milixle ah oo cayayaanku uusan ku dhex-noolaan karin, waxaa kaloo uu gacan siiyaa dhecaanka Pepsin, si uu u guto howshiisa.

Waxaa weheliya dhecaan lagu magacaabo Bile, kaas oo ka yimaadaa beerka iyo xameytida. Jirka qofka qaangaarka ah wuxuu maalintii soo qubaa 400 – 800 ml oo ah Bile. Dhacaankan wuxuu burburiyaa wax kasta oo dufan ah ee la socda raashinka gaarey caloosha. Dufankaas ayaa mar-labaad ku dhilqanaya mindhicirka yar-yar. Waxaa howshaas ka qeyb-qaadanaya dhacaan kale oo ka soo qubanaya gidaarka mindhicirkaas. Markaas ayaa dufankii wuxuu noqonayaa molecules aad u yar-yar (Fatty Acid), kuwaas oo jirku uu maamuli karo. Dhecaankaas oo la yiraahdo Lipase ayaa wuxuu hor-joogsadaa in dufanku uusan sabab u noqon in jirku cayilo. Dheecaanka la yiraahdo Insulin ayaa isna kamid ah dheecaanada raashinka ku yimaada. Wuxuu ka soo qubtaa beer-yarada (Pancreas). Dheecaankan oo ku soo qubto foodda hore ee mindhicirka, ayaa wuxuu qaabilsan yahay in uu bur-buriyo macaanka soo gaara jirka gudihiisa.

Markii raashinka uu soo gaaro caloosha, murqaha ku weegaaran ayaa bilaabaya in ay is-garaacaan. Dheecaanadii kala dhilqinayay raashinka iyo ruxanka ay calooshu ku sameyso, waxay sababayaan in raashinkii uu sii bur-buro. Gaar ahaan raashinkii brootiinka ahaa waa uu kala dhilqanayaa oo wuxuu noqonayaa Amino Acid. Macaanka iyo dufanka iyagu waxay ku bur-burayaan mindhicirka. Halkaas markey marayaan ayaa dhecaanadii bur-burinayay ay ku soo qubanayaan. Dabadeed macaankii wuxuu isu beddelayaa Glucose, dufankiina Fatty Acid.

Markii ay caloosha bogato howsheeda, waxaa furmaya albaabkii hoose ee caloosha, kaas oo takhaatiirtu ay ku magacabaan Pyloric Sphincter. Dabadeed hayaanka raashinka wuxuu u gudbayaa mindhicirka oo ah kanaal duuduuban oo isku soo laalaaban. Dhererkiisu wuxuu yahay 8.5 m. waxayna u qeybsamaan laba qeybood oo kala ah qeybta hore ee ah Small Inestine iyo qeybta danbe ee ah Large Intestine. Mid walba wuxuu u sii qeybsamaa degaano kala duwan, kuwaas oo leh howl guud oo ka dhexeysa iyo howlo gaar ah oo degaamada qaarkood ay qabtaan.
Qeybta hore ee mindhicirka (Small Intestine), howsha ugu milgaha culus oo ay qabtaan waxay tahay in uu dhameystiro howshii dheef-shiidka isaga oo dheelli-tira milixeyntii ay caloosha u yeeshey raashinka. Waxaa kaloo gidaaradiisu ay qabtaan in ay nuugaan raashinkii shiidmey intiisa nafaca leh. Wixii qashin ahna wuxuu u gudbiyaa qeybta danbe ee mindhicirka (Large Intestine).

Waxaa halkaas ku yaal wax aad mooddo timo waxaa lagu magacaabaa Villi. Aad bey u yar-yar yihiin, tiradooduna malaayiin ayay gaarayaan. Shaqada ay qabtaan waxay tahay, raashinka shiidan ee molecules-ka ah, markuu degaanka soo maro ayay dhunjiyaan. Waxay ka tallaabiyaan gidaarkii mindhicirka. Waxay u tallaabiyaan xididdo yar-yar ee ku hareereysan gidaarka dhiniciisa gudaha ah. Dufankii isaga oo ah Fatty Acid, macaankii isaga oo ah Glycogen, Brotiinkii isaga oo ah Amino Acid ayaa waxaa ay ku daadanayaan hannaan dhiig-wareeg oo ka madax-bannaan dhiig-wareegga guud oo wadnuhu uu waalidka u yahay. Hannaankan oo lagu magacaabo Portal Venous System, wuxuu u dhexeeyaa gidaarada mindhicirka iyo xubinta ah beerka. Waa hannaanka gaadiida raashinkii mindhicirka ka yimid oo wuxuu gaarsiiyaa beerka.

Waxaa xusid mudan in beerku yahay wershad weyn oo kiimikada ka shaqeysa, taas oo aanu ku wadano jirka gudihiisa. Dhiigga ku socda hannaaka Portal Venous System, raashinkii oo canaasir kiimiko ah ayuu wuxuu ku shubaa beerka. Shaqooyin culus ayuu ka qabtaa intuusan u gudbin jirka intiisa kale. Waxaa kamid ah, wuxuu reebtaa moleekullada sunta ku ah jirka. Tusaale-dhig waxaa ah kiimikada la socota dawooyinka iyo khamriga. Wuxuu keydiyaa macaanka iyo dufanka dheeriga ah oo raashinka la socda, si uu u hagaajiyaa heerka uu yahay macaanka jirka iyo dufanka jirka. Sokorta iyo dufanka dheeriga waa uu keydiyaa si uu jirka u siiyo markii ay ku yaraato. Unugyada dhiigga ee dhinta iyo cayayaanka jirka ku soo kordha, unugyada beerka waa ay jejebiyaan, waana baabi’iyaan.

Beerku markii uu ka shaqeeyo canaasirtii raashinka ahaa, iyaga oo nadiif ah, isla-markaasna qiyaas ah ayuu u gudbinayaa xubnihii jirka, isaga oo u sii marinaya xididdada dhiigga ee xiriiriya. Dabadeed raashinkii wuxuu gaarayaa unug walba oo jirka ah. Waxaa markaas dhacaya dheef-shiidkii kiimikada ahaa, kaas oo lagu magacaabo Metabolism. Howshan oo ah shaqada ay qabtaan unugyada jirka ayaa waxay isugu jirtaa laba jaad. Mid aa jejebin oo waxaa lagu burburinayaa moleekullada si looga dhaliyo tamar uu jirku adeegsado. Waxaa lagu magacaabaa Catabolism. Midda kalena waa hannaan lagu dhisayo qalab molekullo ah, kaas oo uu ku abuurayo brootiino iyo cusubooyin (Amino Acids) cusub, kuwaas oo jirku uu u adeegsado abuurka unugyada iyo duntooda, howlaha ay qabtaan unugyada kala duwan iyo hagaajinta cimilada gudaha ee jirka. Suuradda Al-Naxal, aayaddeeda 17-aad ayaa waxay tilmaameysaa howshaas oo idil farsamadeeda iyo ha-abuurkeeda in uu leeyahay Eebaha boqorka ah, wax-walba uumaha ah ee aanan nicmadihiisa lagu koobi karin xisaab. Aayaddu waxay leedahay, iyada oo ina taabsiineysa curyaannimada aadamigu kaga sugan yahay howlahaas:

(أفمن يخلق كمن لا يخلق أفلا تذكرون)

(War mid wax uumey iyo mid aanan waxba uumin ma siman yihiin, meydnaanad waantoobeyn).

Diinta Islaamku waxay inoo tilmaameysaa wershadahaas aanu jirka ku wadano oo misana shaqooyinkooda ayan inooga baahneyn in aanu isku howlno. Isla-markaas Islaamku wuxuu ina siinayaa anshax lagu ilaasho nicmadahaas. Waxaa ugu horeeya inaan xaaraan la cunin. Waxaa la ilaalinayaa caafimaadka iyo hufnaanta xubnaha. Waxaa naloo tilmaamey in raashinka kiisa wanaagsan ee tayada leh aanu cunno. Quraanku wuxuu tusaale ahaan u magacaabey qeybo kamid ah raashinka tayada leh. Waxaa kamid ah hilib, caano, haruur, fawaakih, timir iyo saliid. Dabadeed waxaa la raaciyay in si xalaal ah loo doonto, dadka tabarta yarna wax laga siiyo. Anshaxa islaamka ee raashinka waxaa kamid ah inaan caloosha la buuxin. Suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) bayaan cad ayuu arintaas ka sheegey. Aadamiga maanta nool kuwooda aqoonta leh waxay qirayaan xaqiiqada weedha suubanaha. Weedhaas ayaa waxay tahay sidaan:

(‫ما ملأ آدمي وعاءً شراً من بطنه ، بحَسبِ ابن آدم لُقيماتٍ يُقمنَ صُلبَه ، فإن ‫كان لا محالة فاعلاً ، فَثُلُثٌ لطعامه ، وَ ثُلُثٌ لشرابه ، وَ ثُلُثٌ لِنَفَسِه)

“ Qof aadami ah weel uu buuxiyo midka u shar badan waa calooshiisa. Qod aasami ah waxaa ku filan luqmado uu ku adkeysto jooggiisa. Haddiise uu ka fursan waayo (in uu raashinka badsado) saddex-meelood meel how daayo raashinka, melena biyaha melena hawada “

http://www.youtube.com/watch?v=cR7cdmfgvGs

Afka raashinkiyo loo idmadey ereyga ceynkiisa
Ilkahaa kala sareeyee hilbaha kula itaaleyno
Hungurigan istoorka u diree alam ka siinaaya
Iyo dhowr albaab oo iyana agab kale u qeybsan
Iyo qaar kaloo cidi arkeyn cidina koobeynin
Abburakan habeenkaan hurdada ku istareexeyno
Iftiinkii dharaartee shaqada lagu ogeysiiyay
Ee uunku soo xaadiroo leysku imanaayo
Hawadaan lagaa iibineyn ee aayar guranayso
Abuurkii samaawaadka iyo aayadaha koonka
Baddaa dhacdo-wayn berriga oodan iyo buur leh
Amnigiyo arsaaqdiyo waxaan ku intifaaceyno
Amuuruhu dhamaantood Rabbey u intihoodaane (Abshir-Bacadle)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " HAYAANKA RAASHINKA "

  1. Sheegoow says:

    Mashaa Allaah, walaahi qoraal caajiib ah oo ka hadlaya Khuwada illaah leeyahay iyo sida cibro qaadashada mudan ee ku jirto. waa cilmi iyo aayada ku tusineyso allah awoodiisa, walaahi intii aan aqrinayey waxaa iisoo sawirmeysay quwada Allah (SWC). Anigu ma ahai dadka aad wax u aqriyo waan ku dalaa aqriska badan lakiin midkaan kuma daalin anoo weliba u xiisoon ayuu iga dhamadey, waxaa weeye qormo yar oo micno badan xanbaarsan oo la dhameysanayo akhriskeedu ayadoon laga daalin. Waxaan rabaa inaan u mahad-celiyo bahda Somalitalk oo hadaaba bulshada u fa’ideeyo kana shaqeeyo sideey aqoon yahanadooda iyo bulshada ugu kala faa’ideysan-lahaayen.Anigu waxaan ka mid-ahay aqrista yaasha cusub ee bogaan aad ayaana idiin amaanaya. Waxaan halkaan ugu mahad celinaya Hoolwadeenada Somalitalk iyo Bulshaada soo gasho si eey ugu faa’ideysato iyo aqoon-yahanada waqtigooda u hurey sideey ugu faa’idey lahaayeen, waxaan sugaaba waa qormo kale oo macno weyn iyo cilmi xanbaarsan. Jzkl All of you……

  2. abuucabdala says:

    mansha’alah waa qoraal cajiib ah kheeyr badan alaah haku siiyo shiikhu diktoor saadiq eenoow runtii ruuntii waxaad tahay qoraa qoraaladiisa la mahadiyo iyo muxaadarooyinkisaba waxaan kaa coodsanlahaa in aad marlabaad nagu soo boqato maraykanka si aan cilmigaaga uga faa;iidaysano baarakalah fiik halkaas ka wad

  3. feysal says:

    Allaha kaa abaal mariyo Dr.Saadiq Enow qoraalkaan cajiibka ah oo taabanaya xaqiiqda dhabta ah ee nolosha, Midakale runtii waan jeclahay aqrinta maqaalada aad qortay waayo waxa ay xambaarsanyihiin faa iidooyin farabadan

  4. Zaki Somali says:

    Ilaahey ha kaa abaal mariyo Dr.Saadiq Eenow waxaad inoo soo gudbisaa maqaalo iyo faalooyin wax ku ool ah taabanayana qeeybaha kala duwan ee cilmiga, waxaa aad ii soo jiita Video-ka iyo Maansada ku haboon oo aad soo raaciso qoraaladaada, ialaahey ha kaa abaal mariyo.

  5. xakiim says:

    Allaha ka Abaal mariyo Dr. Saadiq Enow Maqaalkiisa Qiimaha badan oo inoogu soo gudbiyo Qeyb ka mid ah Nolosha Asaasiga ah ee Bani’aadamka.
    Waxaan ugu mahadcelinayaa Dr.ka in uu ku caan baxeen Maqaaladdiisa dhowr arrin, oo ay yartahay in hal qof kulansado, waxaana ka mid ah:
    – ahmiyad: ha ahaado,maqaal Sharci ah, Taariikh, caafimaad, Technology, Siyaasad IWM.
    – Saafi ah: oo Af-soomaali rasmi ah, oo aan luqad kale lagu larin, haddii laga maarmi waayo mooyee.
    – Waaqici: taabanayo arin xilligaasi taagan.
    Waxaan ka rajaynaynaa Dr.ka inuu sii joogteeyo Maqaalda Noocaan ah.
    Mahadsanidiin.