Waxaa dadwaynahay reer Minnesota iyo agagaarkeeda la ogeysiinayaa in Masjid Dacwah ay qaban qaabineyso sanadkii 4aad ee safar Camp Tarbiya ah oo lagu maqnaan doono 5 maalmood oo tarbiya ah oo loogu tala galay caruurta iyo dhalinta u dhexeyso 12 ilaa 25. Campkaasi oo loogu magac daray Birul Waalideyn camp. Campka oo bixin doona tarbiya ruuxi iyo mid sports ah. Waxaa dhalinyarada tarbiyeyn doonoo imaamada iyo macalimiinta hoos ku qoran:
- Sheikh Xasan Jaamici, Masjid Dacwah
- Sheikh Abdirizaaq Haashi, Masjid Abubakar
- Sheikh Abdirahman Sharif, Masjid Darul Hijra
- Sheikh Abdisalam Adan, Masjid Darul Hijra
- Sheikh Abduraxman Turabi, Masjid Darul Hijra
- Sheikh Abdiqani Qardhawi, Masjid Shaafici
- Sheikh Ahmed Taajir, Masjid Umutal Islam
- Sheikh Mohamud Dhayow, Masjid Dacwah
- Sheikh Mohamed Omar, Masjid Dacwah,
- Sheikh Omar Gedi, Masjid Dacwah,
- Brother Kasim Busuri, Masjid Dacwah
- Sister Safiya Abdullahi, Masjid Dacwah
- Sister Naima Abdisalam, Masjid Dacwah
- Sisiter Amina Zahra, Masjid Dacwah
Waqitiga Campka uu dhacayo waa bisah July 4teeda (Arbacada ilaa Axadda oo ah July 8deeda, 2012). Basaska waxay ka tagayaan Masjid Dacwah: 478 University Avenue, St. Paul, MN 55103.
Basaska waxay tagayaan July 4, 2012, Arbacada 1:30pm, duhurnimo.
Wixii faah faahin ee la xiriira qiimah iyo waxaad u qaadan lahayd safarka fadlan la xiriir Masjid Dacwah(651)224-6722 ama Qasim (507)351-4652.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.