Home » Warar »

Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Cod Dheer Mareykanka ugu Sheegey Halka uu ku Sugan yahay Xiligan

 

Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Shabaab isla markaana ka mid ahaa Xubnihii Todobada ahaa ee dhawaanta Maraykanku Madaxooda Lacagta Dul Dhigay ayaa markii u horeeyay arrintaa ka hadlay.

Rooboow oo maalinimadii shalay Salaadda Jimcaha kaddib Masaajid ku yaala Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay kula hadlay taageerayaashiisa ayaa sheegey in Maraykanku uu Jah wareer abuurayo isla markaana uu samaynayo balan qaadyao ah ciddii na sheegta halka ku suganahay inuu siinayo lacago.

Arrintaas ayuu Mukhtaar Rooboow ku sheegey in ay tahay mid Dadka lagu jahwareerinayo balse haddii uu Maraykanku doonayo in shakhsiyan anigu halka aan joogo uu ogaado waxaan Maanta joogaa magaalada Buur Hakabaka waxaana ka sii joogaa Masaajidkan.

Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Jimcihii horena uu joogay kuna sugnaa Magaalada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool sidaa darteed haddii uu Maraykanku doonayo cid u sheegta meelaha aan ku suganahay waa anigaas u sheegay ayuu yiri Skiikh Rooboow .

Hadalkan ka soo yeeray Mas’uulkan ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan isaga iyo Mas’uul kale oo hadlay kana tirsan Xarakada Shabaab uu sheegay in ciddii soo sheegata halka ay ku sugan yihiin Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hilary Clinton iyo Madaxweyne Obama in ay ku bixinayaan Xoolo isugu jira Geel iyo Digaag.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Cod Dheer Mareykanka ugu Sheegey Halka uu ku Sugan yahay Xiligan "

  1. asc wrwb dhamaan walaalahey soomaaliyeedoow illahey baan idinku dhaarshee ma waxaan baan qariaan bal wuxuu ku hadlaaya miyeey idinla qurux badan tahay bal wuxuu nala rabaa sidii afghnistan oo kale intuu qoorta jarey intii ka soo hartey ayuu rabaa in lagu laayo diyaaradaha mareykanka

    abuu fulaan naga tag kuma rabnee balaayadii magaca abuu kuu bixisaa ku wadatee dadkeena intaad qoorta ka gooyseen adiga iyo kuwa juhaladaa ah ba ilaahey ha idinku jaribo gacan gaalo gacan islaam idinma qabatee baahalayahoow dad cunka ah buurhakaba ma waxaad u tagtey inaad intii idinka soo hartey inaad ku leydaan diyaaradaha american rabiyoow abuu mansuur iyo juhaladiisa leydin waa oo wax kale yeynaan naga salfanin reer hakabana badbaadi intii kaleeto bey dooxdeenee leydin waa oo illaahey carada ha idinka daahiriyo sheydaaman yahoow diinta ka been sheegay culumadii wax idin soo bartay ayaad masaajidyada ku disheenee kuna qalateeneemeel daran ka baxa oo waad cirib tirateenee oo Obama iyo islaanta Hilinton leydinku salid madaxiina intaasi lagu raadinaayee sidaad umadii soomaaliyeed aad u qarxiseen leydin qarxi reer hakabooy ninkaan u soo sheega meeshuu joog waa naga la nasin rabaayee