Home » Warar »

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo gaaray dalka Turkiga iyo soo dhoweyn diiran oo loo sameeyey

iyo Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Wefdi ka socda dowladda Faransiiska…

Warbixin Turkiga:

Ankara, June 20,2012——Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa galabta soo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga isaga oo saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno uu hor kacayay Sii-hayihii Safaaradda Soomaaliya Amb. Nuur Sheekh Cali Xaamud, saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, guddoomiyaha Jaaliyadda Istanbul Maxamed Xoosh, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara Maxamed Muqtaar iyo sidoo kale qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dalkan.

Safiirka oo aan kula sheekeystay Hotelka uu ka degay Ankara ayaa ii sheegay in maalmaha nagu soo foolleh uu madaxweynaha dalkan Abdullah Gul ku wareejin doono waraaqihiisa Safiirnimo (Credential Letters), isla markaana uu si rasmi ah uga howlbilaabi doono Xafiiska Safaaradda, si buu yiri uu u dardargeliyo howlaha baaxada leh ee shacabka Soomaaliyeed uga fadhiyaan Safaaradda.

“Insha allah waxaan filayaa in wax badan aan ku soo kordhiyo sharafka, Karaamada iyo waajibaadka safaaradda maadaama ay jirto habacsanaan dhanka waxqabadka Safaaradda ah, waana taas sababta madaxda Qaranku iigu soo idmadeen dalkan Turkiga oo muhiimad gaar ah u leh danaha iyo mustaqbalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Amb. Maxamed Mursal.

Safiirka cusub ee dalka Turkiga u fadhiyi doona dowladda Soomaaliyeed Amb. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa u mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Turkiga isaga oo uga mahadceliyay sida ay ugu gurmadeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna wax laga farxo ku tilmaamay in saaka barqadii uu ka soo dhoofay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isaga oo adeegsanaya Duulimaadka Turkish Airlines oo uu sheegay inay ku diirsadeen dadweynaha Soomaaliyeed.

Amb. Maxamed Mursal ayaa ah nin siyaasi ah oo soo qabtay jagooyin kala duwan oo dowladda ah, isaga oo Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta ka soo ahaa Xukuumadii uu madaxda u ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ee lagu soo dhisay 2009 dalka Jabuuti, sidoo kale wuxuu kusime ka soo noqday Wasaaradii waxbarashada ee isla xukuumadaasi, sidoo kale waxa uu jagooyin kala duwan ka soo qabtay hay’addo, NGO-yo iyo shirkaddo gaar loo leeyahay, waxaana la filayaa in isbedel la taaban karo uu ka sameeyo howlaha safaaradda oo habacsanaan laga sheego.

Garaad Salaad Xirsi
Ankara, Turkey
garaadcadde@gmail.com

Warsaxaafadeed

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Wefdi ka socda dowladda Faransiiska.

Muqdisho, Arbaco, June, 20, 2012———- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mrs, Elisbeth Barbier oo ah Agaasimaha Waaxda Afrika u qaabilsan dowaldda Faransiiska,islamarkaana uu ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen, C/qaadir Cali Diini, Iyagoona ka wada hadlay Amniga hormarinta Siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xafiiska ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.Wuxuuna sheegay in maanta ay Kormeer ku timid Mrs Elisbeth Barbier oo horey sanadkii 2008 Muqdisho u timid.

“Mrs, Elisbeth waxey horey u timid sanadkii 2008, oo markaasi muqdisho aan aheyn sida ay maanta tahay, Waayo maanta Muqdisho waxaa laga gaaray hormar xagga amniga ah, Bilicda magaalada ka muuqato, oo xataa Mrs Elisbeth la yaabtay markey garoonka ka soo tagtay inta ay wada soo socotayna ay aragtay baabuurta oo ciriiri ah dadki oo ganacsanayo, taasina waxay cadeyneysaa in Muqdisho ay amni tahay”.

Wuxuuna intaa ku daray in ay ka wada hadleen hormarinta Siyaasadda, Amniga,derder gelinta Roadmap-ka,Dhaqaalaha iyo waliba sidii looga bixi lahaa KMG.

Sidoo kale, waxaa iyana saxaafadda la hadashay Mrs, Elisbeth Barbier oo sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay imaatanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Waxeyna intaa ku dartay iney Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga,loona hormarin lahaa Siyaasadda Soomaaliya, Dhagaalaha iyo in la taageero gedi socodka Nabadda ee Roadmap-ka, Waxaana isku afgaranay in si wada jir ah arrimahaasi la isaga kaashado.

Ugu dambeyntii Mrs, Elisbeth ayaa u mahadcelisay dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona sheegtay iney fariin soo gaarsiineysay dowladda Soomaaliya oo ku aadaneyd sidii looga taageeri lahaa Amniga,Roadmap-ka, iyo dhaqaalaha balse waxey wada hadalka ay la yeelatay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamtay mid is afgarad ah.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.