Home » Maqaallo »

Midnimo ayaan magac ku leenahay

 

Midnimada waa haybad aan la hormari karin, waa quwad aan la loodin karin, waa magac aan muran la galin karin oo aan marna la qaybin karin, waa jiritaan aan laga jeedin karin jihada uu rabo, waa sharaf aan shaki lakalin karin.

Midnimadu waxay tahay macanaheeda “xoog, xoolo iyo xikmad” waxaan haysano inay mid yihiin si aan umaarayno dhamaan waxii dhib ah oo inasoo wajaha gudaha iyo dibada intaba, loogana hortago damiir- laawe kasta oo dana hoose ku shaqaysta iyo damac shisheeye.

Midnimadu waa “in aan kaalmayno midka tabar aan hayn in aan tabar u yeelno, kan jirran aan daawayno, kan jaahilka ahina waxbarno”, si bulshada isula jaanqaado oo aan lookala harin, xumaanta, xaasidnimada iyo xantana meesha ka bixso.

waxaynu ka midaysanahay wax walba oo ummaddi ku midawdo sida: diinta aan rumaysanahay waa Islaaam na amaraayo inaan ahaano hal-saf hadii aynu salaad tukanayno iyo hadaan jihaad galayno, xibin kastana ay la xanuunsanayso xibinti kale sida hal jir oon lakala jari kareyn sida ku cad diinteena.

Diintaas Ilaahay inagu mannaystay si aan midnimadaas loo dhaawacina waxay xarrimtay in lagu xadgudbo qofka diintiisa, caqligiisa, naftiisa, xoolihiisa iyo sharaftiisa”, markii qof waliba ilaaliyo intaas aan wada rumaysanahay waxaa meesha ka baxaayo xumaan oo dhan sida “xaaraanta oon xalaal ku badalno, dhiiga dadka oon dhib loogaysan, hantida ummadda oo aan loo kala hayaamin, haybaddii qofka qoyska, qabiilka iyo qaranka oo soo laabato.

Qoriga, qaska, qabyaaladda iyo qurunka oo ka xaaqmo xayndaabka aan ka dagno dunida, dadkana aan la mid ahaano oo aanan dugaaga ka hoos marin, ileen isma cunta inta isku jaadka ah jidna isuma istaagto jabadna iskuma cariiriyaan.

Waxaan ku midaysanahay af aynu isku fahamno anaga oon is fitneyn, fatwa iyo fawdana la imaan ayaan fadhi isku fahmi karnaa iyo geed hoostiis, xaajadana si miyir ah aan ku dhamysan karnaa anaga oon madfac isu qaadan qabrina u dirin inta qiimaha leh ee ilaahay nagu mannaystay dulmi iyo dulinima aan bidin inta aan mudnayn ee magac iyo maamul nala wadaagto, mugdina aan galin masiirkii qawmiyadda Soomaaliyeed oo ah hal qawmiyad, hal qaran, hal qaanuun oo hagaayo hanaan aan ku hishiinay oo meesha ka saarayo kala qaybsanaantan qayrkeen naag reebtay ee na qiima tirday.

Maanta haddii aad waydiiso muwadin kasta oo damiir leh waa qirsan yahay qiimaha ay midnimada leedahay hadana wataas maalin walba aad maqlayso magac aa horay umaqal oo mugdi ma ahane aan mira laga dheefayn sida maamulada aan ku fadhin wax macna ah oon ka ahayn in shan Soomaali shan kale laga sii dhigo qaranimadeena iyo qiimihii Soomaaaliyana laga dhigo qabaa’il qaran sheeganaayo oo xad iyo xukun aan jiri doonin meel ku xayndaabtay, xikamdiina ey ka luntay.

Waxaan ku midaysanahay dhaqan ku dhisan xukun iyo xeer oo kala ah shareecadda isalaamka iyo xeerkii aan ku hishiinay, xaajadii timaadana ayada oo aan xabad la isu qaadan geed hoostiis go’aanka ka so bixi jiray halkaasina lagu kala bogsoonjiray iyada oon la isbaabi’inin baas iyo balaayana dhicin, in yar oo naf iyo shaydaan qaaday oo mar mar dhici jiraty marka laga reebo.

Waxaan ku midaysanahay dal aan wada dagno oo dhamaan inoo matalaayo guri aan ku hoyano ,xoolo aan wada dhaqano iyo barri aanu wada manaafacsano kaas oo nooga baahan mar walba in aan ka difaacno cadawga sukeeye iyo kan shisheeya hadii kale waxuu noqon guri habar dugaag, mid dhaw iyo mid dheer ey hawa ka gasho waanad wada aragtaan maanta waxa ka jira Soomaaliya bad iyo barri markaan ilaashan waynay waxay maraysaa booliskii nabada gudaha sugi lahaana in dibadda halaga dalbo, “no man’s land” ayuu noqday wadankii.

Markaan ismaarayn waynayna dadnimo xumo, damiir la’aan iyo dawlad fadhiid ah iyo quwada shisheeya aaya qaranimo ka daba fadhinaa, sidaas ayaan rabnaa in aan ku meel gaarnimo ooga baxno, nabad iyo horamarna ku gaarno, dad ku midoobi waayay gurigii eey daganaayeen in eey ilaashadaan waa magac la’aan, mugdi iyo mamul beeleedyo shaati aynan xiran karin loo xiray, qaranimadiina qabiil ka doortay halkaasna ku lumiyay magacii Soomaali iyo masirkii ummaddaan.

Waxan ku midaysannahay taariikh xanbaarsan dhib iyo dheef, guul iyo guul darro, taariikh noo samaysay magac aan mid ku nahay calan mid ah cadaw mid ah qaran mid ah ,waxan lagu badbaadin karaa cudud ciidan oo mid ah ,qawmiyad rumaysan qaran oo qabyaalad ka fog, qaanuun iyo qiyam loo siman yahay, hogaan iyo hanaan aan hishiis ku nahay.

Waxaana la hubaa in ayan inoo furnayn laba jiha waxaan ka ahayn: midnimo ku dhisan walaalnimo wadajir iyo wadaniyad saldhigeeda uu yahay diintaas islaamka oo si sax ah lo fahmo iyo waxa naga dhaxeeya oo ah diin dal iyo dad hal ah, doona wada saaran oo u baahan in lagu xiro dakaddii eey ku badbaadi lahayd annaga oo xagga iska dhigayna quwada shisheeya magacey rabaan ha wataane in aan ka sugin maaraynta mushkiladda na haysato.

Xoog, xoolo iyo xaajo aan ku dhamaysano dhibka na dhaxyaal annaga oo iska fogaynayno xoog xabad wax ku doonayo, diin dadka lagu dulminaayo iyo dano dawlada kale wataan iyo in aan qabiil walba qaran iska dhigo qawmioyadii Soomaaliya qabri an ku ridno quwadda shisheeyana magacii aan lahayn meesha uu ka baxo labadaas mid aan ahayn ii ma muuqda ee ama dad damiir iyo dawlad rabo aan noqono ama daadka aan cidi ka naxayn hanqaado, halkaasna haku dhamaato wixii Soomaali la dhihi jiray.

Waxaa qoray:-
Axmed Ibrahim Sh. C/laahi
ahmedqalinle@hotmail.com

ahmedqaline@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Midnimo ayaan magac ku leenahay "

  1. YASSIN says:

    midnimo waa halkudheg aad u wanaagsan,somaliya weli kama dhicin dib u heshiisiin dhab ah,weli hanti ayaa la kala haystaa,meesha dulmi badan ayaa ka dhacay,rag badan oo gabood falo gaystay ayaa weli ku nool aduunka. ma xuma in la xisaabtamo haddii aan la xumayn . waa in la helaa cadaalad marka hore si loo dhowro sharafta iyo karaamada ninka muwaadinka ah .

  2. Dayiba says:

    Bismillahi Raxmaani Raxiim
    Mashaa Allah
    Qaranimadu waa mid qiimaheega dareemo qofka qurbaha ku nooli.
    Marka la waydiiyo waddankiisa, cilmigiisa iyo camalkiisa xirfadeed.
    Marka uu ku jawaabo in uu ka yimid waddanada hore u maray waa la rumeysanaya, Wax kasta oo uu ku jawaabo. Sababtuna waxay tahay in uu ka dhashay qaran dhisan inta la waydiiyaba ka haqab tiraya. Qofka soomaaliga ah lama rumeysto ilaa uu hor dhigo cadeyn. Waayo? Waxa lagu bartey qof in aanu qaran dhisan lahay.
    Qaran dawladded wa difaaca kalsoonida shakhsiga ku korisa ” Siqatu nafsi”.
    Qaranku waa hoy bulshada walaaleeya, bara cadaalada iyo sinnaanta, ”Al-cadlo asaasul -mulk”
    Waddanimada waa leysku koriyaa, la isbara oo la isku barbaariya. Waxa qaranku qofka bara waddamada ay waddankisa xulufada yihiin, waxa la baraa waddanka wada shayaynta ganacsigu ka dhaxayso.
    Maxaa labaray qofka soomaaliga ah??
    Haatan iyo dan maxaa inagu waajib ah?
    Wa billahi tawfiiq

    Mahadasanid
    Dayiba

  3. Asalamu caleykum Axed walaal dhowr jeert oo harana waan akhriyay maqaaladaada Somalitalk aad baad u mahadsan tahay ilaahayna ha garan siiyo Ummada Somaliyed qiimaha ay u leedahay midnimada halakana dee waad ku qeexday. Mahadsanid. Cabdiraman Jaamac Barkhad Boosaaso Puntland.