ALLAH ayaa Xummaan oo dhan ka nasahan,waxaana ku Sallinayaa RASUULKA (CSW).Intaa kadib akhriste Maqaalkaan waxan ku eegaya haddu Rabbi idmo Taariikhdii Dal iyo Dad ay soo martay Ummadan aynu ku abtirsanno ee Soomaaliyeed, gaar ahaan heerarkii Ganacsi ee ay soo mareen,waqtigii Dowlad li’ida nahaysay ilaa markaan yeelanayba, anigoo ku sheegi doona waa sidaan aaminsanahaye sababta dhabta ah oo loo bur-burshay Qarankii Somaaliyeed,waloow ay jiraan laguna sheego waxyaalo badan inay sababeen burburkii dalka ,anigoo ka Milicsan doona dhanka Dhaqaalle la dirirkii soo maray ugu dambayntiina sababtay Kuf aan ka kicid laheyn.
Sida aanu wada ognahahyba dalka Somaaliya waa dad ku caan baxay Taarikh ahaan Ganacsiga Badda,sababtoo ah waa dhul Xeebeed aad u balaaran,taasani waxay suuro galisay in ay Taariikhdu ku tilmaamto magacyo badan oo ay kamid yihiin DHULKII UDUGGA( Fooxa),DHULKII AWOOWAYAASHA,oo ay Taarikhyahanadu dhahaan waxa loo yaqanaay waqtigii FARAaCIINTA.Sababaha keenay in magacyadasa loogu yeerona ay ahayd xiriirkii qotada dheeraa, taariikhigana ahaa oo ay ummada Somaliyeed lalahaayeen dunida dacaladeeda dhulalka carbeed haba oogu badnaadaane.
Bartamihii Qarnigii 17-aad ilaa 18-aad, aduunka waxa ka dhacay wax layirahdo kacdoonkii warshadaha (Industrial Revolution) oo ay Horrmuud u ahaayeen Reer Galbeed , isla waayahaas dunida sadexaad(Third world ) waxa so wajahday boob ay kala boobayan gumaysigi Reer Yurub mood iyo nool, ama dad iyo duunyoba.
Dalka Soomaliya nasiib darro waxuu kamid noqday dhulalkii boobkaas galay oo laqaatay waxkasta uulahaa ay qaadan kareen gumaystayashii gaar ahaan kuwoodii oogu tunka weynaa sida Ingiriiska , Talyaaniga iyo Faransiiska oo in muddo ahba ku hayay boob iyo dhac aan loo meel dayin sababayna dhimasho kumanaan inay ku dhintaan halka kumaankalle ku waxyeelooban naf iyo maalba.
Waxay soo jiitantoba biloowgii iyo Bartamihii Qarnigii 20 aad waxa addunka ka bilowday dagaal fikradeed u dhexeeya labo caqiido (Two ideologies) oo kala ahaa Reer Bari(Socialism) waa hanti wadaage iyo reer galbeed (Capitalism) oo ah hanta goosad.Dagal caqiideedkaas oo midba kan kale kula kaltamahayay qabsashada dunida inteeda kale ayaan misana dhexda u galnay.Haddan tusaale u soo qaato Reer Bari(Socialism) ayagoo ka faaiidaysanahaya qabsashadeey dunida qabsadeen reer galbeed ayay waxay kafidiyeen dacaayadoyin badan buugaagna ka qoreen waxay oogu yeereen ( FIKIRKA DABAQIGA AH),ayagoo kusoo halqabsanaayay dhibaatooyinkii iyo waxyeeladii ay ku hayyeen reer galbeed duniday qabsadeen ee ahaa kaligi noolaansho waa marka loo fiirsho fikirkay ka qabeen kan Shuuciyadda.
Halgan iyo dagaal dheer kadib umadihii lahaystay aanu kamid aheyn way iska qaadeen reeryadii gumaysiga,gaar ahaan dowladihii Afrikanka ahaa badankood waxay xornimadooda dib uhelaan ama u qaateen 60-da meeyadii .Somaliya markay heshay xornimadeedii gaar ahaan dhulkii looyaqaanay Soomaliyada faransiis (Jabuuti),Soomaliyada Ingiriis(G.waqooyi) iyo soomaliyada talyaani(G.koonfureed) ayaa waxaa unkmay Jamhuuriyadii Soomaliyeed,halka qaarkii kale illaa iyo hadda aysan gacan ku jirin lakiin gooray noqotoba riyada ummada Soomaaliyeed aysan waligood hilmaamaynin , maskaxdoodana ka go’I doonin helidoodii INSHA ALLAH oo waqtiyadan dambe noloshii ummada Somaliyeed waxay u wareegtay halgen iyo JIHAaD ay lagaleen gumaystihii baneeystay dad iyo duunyo waxay lahayeen,ganacsina daa hadalkiise.
1960kii, wakhtigaan qaadannay xorriyadii dalka waxa dowlad ka noqday dowlad shacab ah tii oogu horeeysayn oo uu madaxweyne ka noqday Aadan Cabdille Cismaan,tii xigtayna uu madax ka noqday Cabdirashiid Cali Sharmaake ALLAHA uwada naxariistee ,dowladahaas shacabka waxaa lasheegaa inuu dalka soo maray mar xalado ad adag oo kamid ahaayeen hogaanka oo ku salaysnaa hab dhaqan,musuq-maasuq adag oo jiray oo aqoonyahanada qaarkood ku tilmameen boobka iyo kala kiish buuxsiga hadda jira oo kale mid lamid ahaa horumar iyo ganacsigii.
.Muddo 9 sano ah kadib waxa dalka ka dhacay afgambi ay hor kacayeen Ciidamadii qalabka siday Madaxweynana ka noqday Jalle Maxamed Siyad Barre ALLAH u naxariistee.Markay lawada wareegeen Jamhuurayadii Somaliyeed ciidankii waxay u fariisteen bad baadada iyo barrin fiican kufurida bulshadooda, sida uu qoraayo buuga (HANTI WADAAGA ) markay isku yimadeen indheer garadkii hogganka lawaregay waxyalahay fiirsheen waxa kamid ahaa cadawga koowaad ee ummada Somaliyeed oo madaxiisu yaal ADIS-ABABA minjihiisana yaalo Maraykanka iyo Yurub inaysan marnaba ogolaan doonin luga ku istaagida ay lugaheeda ku istaagto ummadan, xalka kaliya ay ku bad badi karaana tahay inay salka lagalaan safafkaas waaweyn oo dunida ku loolamahayo ,waa SIDEE XEEGO LO XAGTAA ILKONA KU NABAD GALAANE.Sababtaasaa keentay qaadashadii risaaladii hanti-wadaga. Markaan qaadanay hanti wadaagga (Socialism) waxa dhexmaray Soomaliya iyo Odaygii Midowga Soofiyeeti waa Ruushkee xirrir siyaasi,ganacsi,military,iyo maaliyadeedba,taasoo mabaa dii-dii ay ku dhisneyd ganacsigii ummada Somaliyeed noqday habka looyaqaano Hanti Wadaag (Socialism) oo macnaheedu yahay waxkastaayi waxaa gacanta kuhaynaya dowlada ha ahaado ganacsiga, warshadaha,shirkadaha, ilaha dhaqaalaha dadkana ay yihiin dhamaantood wax dowli ah ,dadkuna yahay shaqaale dowladeed iyo xoogsatooyin aysana jiridoonin tar tan gacasi.
Bal aan milicsanno horumarkii dhaqaale ee uu dalku mar qura la hinqaday gaar ahaan kor ukicii wax soosaarkii gudaha (GDP) qiimihii lacagta (currency)dalkana gaartay heerkii oogu sarreeyay ay abid gaarto, maadama ay Somalida ku tiirsanyihiin xoolaha nool,beeraha,iyo kallumaysiga kobicii dhaqaale ee dalku lahaa ayaa waqti yar dabadii waxuu gaaray heer kii ugu sarreeyay lana dhihi karo heer isku fillaansho. TUSAALLE –ahaan ninka layirahdo Michel Chossudovsky waxuu kuyiri buugiisa (The Globalization of Poverty and the New World Order) “1970 ilaa 1983dii dakhligii kasoo galay dalka dhoofinta xoolaha nool waxuu gaaray 80% (sideetan boqolkiiba),beeraha iyo kallumaysigana daa hadalkoode” halka dhanka ciidankana xoogga dalka Soomaaliyeed uu noqday ciidanka 4 aad ee Afrika ugu awoodda badnaa.Waxana ku caddeynaya isla waayahas dowdaladii jiratay waxay kutalo jirtay qorshe looga gol lahaa in kor looqaado warshadaha dalka,dadka Soomaliyeedna ay ooga maarmaan ku xirnaanshaha xilli roobeedka ay ku xirnayen waa dhanka ganacsiga ,halka dhanka ciidankana gaarnay heer aan xaquuqda Afrika iyo kan carbeedba u doodno,waxan tusaalle noogu filan heesihii kala duwanaa oo lagu kicinayay umadaha afrikanka ah ayna kamid ahayen AFRIKAY HURUDOOY…iyo….WAA BAHAL GUMAYSTUHU…..lakiin intaas oo hor u mar ah waxaa ka dhiidhiyay madaxana ka ruxay mayana ku dhawaqay reer galbeed ujeedo kastaba haka lahaadeene haba oogu weynto mid caqiideede(ideology) waxaayna geed dheer iyo mid gaabanba ufuuleen siday ooga ciideyn lahayeen ummada Somaliyeed awoodaas dhaqaale iyo mid ciidanba oo markaaa ay ku tilabsadeen.
Waa mar kale iyo Hanti Gosaad(Capitalism )oo udbihiisii wata. Aqriste sida aan wada ognahayba aduunkaan waxaa lagu haystaa xarfo ay dad gaar ah soo gaabsadeen kana wada dhawaaqayso ereyada (World,UN,IMF, IWM). World Bank waxaa haysta lalana wadaagin Maraykanka,UN,ha ka tagin halkan IMF (International Monetary Fund) ay u taabsan tahay Yurub.Halgankii Ugu dheeree ee wax looga qabanayay dalka Soomaliya waxa galay ,albaab walbana u garaacay sida caadada u aheeydba cadawgii ummada mid dhow iyo mid dheerba,waxyaabahii oogu horreyay ay nagala dagalameen ayaa ahaa ayagoo ka eegaayay soo if bixii Geeska Afrika ay kasoo ifbaxdo ummad isku dhaqan,luuqad.,diin iyo jinsiyadeedba isku mid ah dhaqaalahooda sidaas u adagyahay melitarina daa hadalkiise marnaba inaysan karaali noqonayna,gaar ahaan ilmahooda ay madaxa u salaaxdaan (Itoobiya) aysan dan oogu jirin hanaqaadkaas kasoo biriirifyiri qorrax kasoobaxa qaarada Afrika.Waxyaalihii ay nagula dagalameena waxaa kamid ahaa ilihii dhaqaale oo halbowlaha u ahaa dalka,sida beeraha,xoolaha,warshadihii,iwm waxaana kamid ahaa :
1-Horraantii 1980-kii ayaa IMF oo cadaadis saartay qiima dhacna ku riday lacagtii dalka saameyn weyna kuyeelatay dhoofitankii badeecada iyo xoolaha noolba,sababtoo ah sicirka lacagta dalka wax dhoofsha haddu aad ooga hooseeyo dalka loo dhoofsho waxa dhacaya in waxsoosarka ladhoofsho bato faa iidada soolaabatanay ay kayaraato dhoofkodii waa meeshay dhahaan qolooyinka qaada dhiga arrimaha ganacsiga markay kahadlayaan trade balance: (if the export less then import=negative trade) oo macnaheedu yahay haddi waxad dhoofisid ay kayaradaan waxad soo dhoofsatid waxa dhacaya inaad ku tiirsanaatid wadamo shisheeye dhaqaalahaagan bananku ubaxayaa oo ogu danbeyntiina wadankaas waxu joojinayaa wax dhoofiska dhulkuuna galayaa.
2-IMF i n ay dayn siiso dowladii wagaas jirtay..garo oo dayn siinta hay adaas magacas lehi markay dal dayn siiso waxa daba socda shuruudo ay ku curyamiso dhaqaalaha dalkaas,ayadoo ay kamid tahay in dayntaas logu soo celiyo waqti dheer,inay lacagtaas ay kasoo xarooto meelaha bulshadaasi ku tiirsantahay ,in la kordhiyo canshuuraadka dadka laga qaado, dhamaan dhagarahaas wadanka kabadbaaday waxa lagu shegaa inuu yahay wadanka Malaysiya oo waagaas Madaxweyne ka ahaa HALGAMAA Mahathir Mohammed markii 1997 dii uu dhacay Dhaqaale bur burkii Aasia (ASIAN FINANCIAL CRISIS) mar ay isla hay adaas usoo bandhigtay inay dayn siiyaan balse uu si cad ganafka ugu dhuftay..
3-Ujeedooyin kastaa hakalahadaane dalka Sucuudiga oo xoolaha nool u dhoofinjirnay gaar ahaan waqtiyada Ciidda Carrafo oo ay ku shukamisay waa IMF-e kana yelay inay joojiso kasoo dhoofsiga xoolaha nool dalkaas Soomaliya ayagoo ku mar mar siyooday “xoolaha Somaliya waa xanuunsanyihiin”ilaa iyo hadda hadad aragto sayladaha xoolaha ama aad wareeysatid xoolo dhaqatada Somaliyeed ay ku leeyihiin xoolahaanaga waxa lagu sheegay cudur (BURISEELLE)oo aanan luqaduu yahay iga dhadhicin ereygaas lakin gobolada dhexe aad looga yaqaano ereygaas.
4-Haddadan lajoogo kama lug bixin ujeedooyinkay kalahayeen dalka Somaliyeed waxana ku cadddeynaya shirkadaha tirada badan oo aanan horay Somaalida umaqli jirin inay ku baxshaan balaayiin siday u boobi lahaayeen hantidaas beylahda ah,una taabsanlahayeen dalkaas dihin,waxana kamid ah shirkadaha boobka ku haya dalka:
(B) SKA oo ayroboorka haysata.
(T) SHELL oon ognahay inay wakiilo kuleedahay gobolada Jubooyinka balayiina ku bixiso.
(J) HALLIDAY FICH-oo hadda la wareegtay badda iyo dhulxeebedkaba.
(X) LUNDIN PETROLEUM- oo Puntland kawada baaritan shidaal.
Dhamaan shirkadahaas majirin wax hab sharci ah soomaray ama baarlaman la horgeeyay markalaga reebo nin ama labo heshiis lagalay danaha ay kaleeyihiina la ogeyn.Shirkadahaasi waxay ukala tar tamayan bililiqeysiga iyo boobka hantida umma Soomaaliyeed ,waddo iyo heshiiskastaba haku yimadaane ujeedkoodu waa meel.Waa siday rabeene intaaso dhan markay iskaa shadeen ayaa waxa dalka ka dilaacay shaqo la,aan,mushaar li I,iyo in ay xirmaan illihii dhaqaale ee dalku lahaa sababtayna in waxii dalka kabixi karay iskaga huleelaan,,waxi ku harayna ay qoryaha qaatan .
GUNAANAD:
Wax yeelooyinkii Ugu darnaana laga xusi karo waqtigii Soomalida gaar ahaan Muqdisho looga yaqaanay 4 biloodkii(caga bararkii) oo dadka gareen heer ay isku dilan qubka mooska,iyo haraga xoolaha mooskii laftigiisa iyo hilibkana daa hadalkoode waa haraggii,iyo qubkii waxa laysku haystee garo,waxa xigay macaluushii ka dhacday maglada Baydhabo,waxa intaas garab socday qaxii iyo qolo qoleyn iyo in qaarad ka qaarad lookala hayaamay, waxaase ladhahaa meyd kee u danbeeyay? Kii lasii waday ,waxa oogu danbeeyay walina raadadkediii noo muuqdaan abaartii hadda sanadki na dhaafay 2011 ku dhufatay gobolada koonfureed oo kumanaan horay usoo maratay halka kumanaan kale wali ku dayacanyihiin banaanada iyo dhaxanta ILAAHAY mooyee aadane kanaxaana wali uusan jirin marka laga reebo waxyaalo nafta yaysan ka dhicin ah is tusna ubatay waayahan danboo camerooyinka aduunka loo sheego hebel oo lacag sadaqeestay!!
Ugu danbayntii dadkaas iyo dalkaas aan kasoo hadlay aaway dadkii u dhashay?aaway dadkii u fakiri lahaa?. Dadkii dhammaayaye dalka inta soo hartayse maxa laga rabaa?badda maxay galabsatay?mise duco qabe danqadaan la,nahay wali ? mise danaha shisheeya wali nala dagay?
,,,,,WABILLAHI TOWFIIQ….
TIXRAAC:BOOK:The Globalization of Poverty and the New World Order)
:Buuga:Hanti Wadaaga
W/Q: Faarax C/Xaashi Cisman
Arday Barta: Maamulka Ganacsiga (Business Administration)
Email: faaraxcismaan@gmil.com,,,
Tell: +923222090246
Karachi -Pakistan.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.