Home » Warar »

Jamaacada Al-ictisaam oo Madaxda dhaqaka u jeedisay baaq ku saabsan xulista xubnaha Baarlamaanka

بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على محمد وعلى آله وأصحابه

Waxgaradka Soomaaliyeed waxaa diinta, dalka iyo dadka ka saaran xilweyn oo Ilaahay hortiisa la weydiin doono. Haddaba Jamaacada Al-ictisaam bil kitaabi wassunnah iyada oo dareensan xilkaas, isla markaasna gudanaysa waajibka naseexada waxay baaqaan u jeedinaysaa madaxda dhaqanka Soomaaliyeed:

1. Wax ku qaybsiga nidaamka beeluhu wuxuu si gaara dusha idiinka saaray xilka soo xulista xubnaha baarlamaanka, taas oo masuuliyaddii idinku sii cuslaynaysa; waayo waxaad xulaysaan ciddii ka arrimin lahayd aayaha ummadda , soona dooran lahayd hoggaamiyaha dalka. Haddaba ummadda u doora dad xilkaas weyn gudan kara.

2. Xil weyn oo Ilaahay horti la idin weydiin doono ayaa idin saaran ee xulashadiinu ha noqoto mid aad Alle ajar kaga heshaan, ummadda iyo beelaha aad matalaysaana idinku mahadiyaan ee yaanay noqon mid idinka dambi idiinka yimaado, waadna wada ogtihiin in aan la ogolayn in xil loo magacaabo nin ay joogaan dad kaga habboon jagadaas iyo inaad wax ku yeelanaysaan dadka aad soo xushaan waxay gaystaan khayr iyo sharba.

3. Beel walba xubinimada baarlamaanka waxaa u taagan tiro aad uga badan xubnaha la siiyey. Taa macneheedu waa inay idin eedayn doonaan ragga wax waayey iyo taageerayaashooduba. Haddaba haddii aydnaan marna eed la’aanayn ha isku darsanina eedda dadkaas iyo mid aad Ilaahay ka gashaan ee Rabbigiin raali galiya, ummadda aad matalaysaana tixgaliya.

4. Waa in la sameeyo halbeeg (tilmaamo iyo shuruud) dadka lagu kala xulo. Ragga shuruudaha soo wada buuxiyeyna waa in loo sameeyo wax lagu kala reebo, sida Saamiga (qorituur) iwm. Haddii kale nin walba waxay la noqon inuu isagu mudanyahay. Haddii wax la siin waayana wuxuu u fasirayaa in si kale wax loogu diiday. Waliba halbeeggaas waa inaad beelaha wada gaarsiisaan inta aydnaan xubnaha soo xulin. Dhinaca kale waa in laga gudbo marxaladdii madaxda lagu soo xulan jirey qabqablanimada ee beel walba ha isku daydo inay tusaale wanaagsan ugu noqoto beelaha kale.

5. Beel kasta waa jifooyin fara badan, mana la hayo xubno jifooyinka u wada qaybsama, jifadii wax la siiyana lafteeda ayaa sii kala baxaysa. Haddaba waxaa habboon xubintii jifooyin soo dhexmarta in la siiyo qoladii ugu musharax fiicnaata; si qolo walba usoo hormariso ninka ugu fiican.

6. Tilmaamaha iyo shuruudaha xubnaha lagu soo xulayo waxaa ka mid noqon kara: inuu yahay nin diin iyo akhlaaq leh, una taagan ku dhaqanka shareecada islaamka; waayo ninka xaqa Alle iyo xaqa naftiisa gabay laga fili maayo inuu ummadda xaqeeda u gudo, beesha uu matalayana wuxuu u soo jiidayaa eed iyo sumcad xumo, waana inuu leeyahay aqoon sare oo ah PHD ama ugu yaraan Master degree, diinta iyo dhaqanka bulshadana uu aqoon wacan u leeyahay, laguna yaqaan ra’yi iyo waaya-aragnimo siyaasadeed iyo maamul.

Waxaa kale oo laga eegayaa kartida, firfircoonida, isku kalsoonida iyo waxqabadka, waxaana lagu ogaan karaa sida uu ugu guulaystay xilalkii uu horay u soo qabtay, waana inuu bulshada sumcad ku dhex leeyahay, laguna yaqaan ka shaqaynta danta beeshiisa iyo tan guud ee ummadda ee aanu noqon nin taariikhdiisu madowdahay tolka dhexdiisa ama ummadda dhexdeeda, uuna ka caafimaad qabo isticmaalka daroogada; si aanu ummadda mustaqbalkeeda marduuf ugu iibsan!!.

7. Ninka galaya baarlamaanka ama qabanaya xilalka guud waa inuu yahay qof u qalma karti ahaan iyo amaano ahaan, ujeeddadiisuna tahay inuu diinta iyo ummadda u adeego. Ninkii aan timaamahaas lahayn uma bannaana inuu isagu galo ama loo dhiibo oo dambi loogu kaalmeeyo; sidaa darteed waa inaan beeluhu ku cadaadin madax dhaqameedkooda wax aan Ilaahay raalli ka ahayn, ummaddana dan u ahayn.

Ilaahay towfiiqda ha ina waafajiyo … Aamiin

Golaha fulinta ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaabi Wassunnah
Sh. Ahmed Abdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Jamaacada Al-ictisaam oo Madaxda dhaqaka u jeedisay baaq ku saabsan xulista xubnaha Baarlamaanka "

  1. Alahayow lakala meermeye melaq ha’iraacin

  2. Sama-Jecel says:

    Adduunyoooooooooy maalinba wax iska sug, kkkk tanna ma dhinnayd. Horta Rabbi baa mahad leh kaasoo wax fahamsiiyay Ictisaam nidaamka dowladnimo iyo baarlamaan iyo in dowlad loo baahanyahay, Ilaahay baa quluubta gedgediya, lakin waxaad ogaataan inaad hooyo u tihiin dhibka Somaliya ka dhacaaya oo dhan, shalay dowladii siyaad barre, kadib araare, puntland, gedo sii wad, boqolaal dagaalo hoosaadyo iyo tacasub iyo inaad kooxaha kale ku jowrfali jirteen sii wad dagaalkii maxaakiimta, yaab oo hada goormaad qoriga dhigteen, ma dantaa idiin run sheegtay mise xaqa ayaad hadeer fahanteen laga soo bilaabo tan iyo waagii sagaashameeyadii.

    Waxan hadalkiina ka dhuuxay inaad ahaydeen jamaaco curdan ah oo kobac uu ku socdo tartiib tartiib baad u korayseen, waxaas oo kharribaad ah aad ummada u gaysateena waxay caddaynaysaa inad ahaydeen jamaaco aan weli bislaan.

    Haatan waxa muuqata inaad waxoogaa bislaateen, aad wax uun ka fahamteen tabta iyo xeeladdaha siyaasada, waaqicana uu wax idin baray, runtana aad indhaha saarteen, qaladkiinana aad waxoogay dib u dhugateen, diyaarna aad u tihiin inaad waaqica la jaanqaadaan, lakin waa inaad umadda cafis weyn ka dalbataan, waayo waxaad ahaydeen aabbaha iyo hooyada xagjirnimada caadifadda ku dhisnayd iyo seef-la-boodnimo aan loo meel dayin, maxaad dhalinyaro badan dhiig ugu hagoogteen idinkoo aan ka fiirsan cawaaqibta ka dhalaysa ficilkaas, maxaad waddo qarda jeexdeen idinkoo aysan idiin hubsanayn tubta aad haysaan iyo toobiyaha aad ku socotaan illaa aakhirkii ay idinka hoos dhasheen qolooyin idinka sii xag-jirsan oo maanta xal loo la’yahay, sow kuwaasi ma aha caruurtii aad soo barbaariseen oo aad casharo aan dheelitirnayn ku akhriseen kadibna idinku caasiyay illaa ay Culumaa;u Suu idinku magacaabeen. Sidoo kale xarakooyinka kale waa inaad cafis ka dalbtaan duridiinii iyo ku dhago hadalkiinii sida inaad ahaydeen qolada keliya ee ugu toosan.

    Waa horumar inaan maanta maqlayno Sh. Bashiir oo leh shabaab ayaa u sabab ah dhib kasta oo soomaliya ka dhacaya, iyo sidoo kale inaan arko Sh. Axmed C/Samad oo maanta ka hadlaya xubinnimada baarlamaankii la diidi jiray iskaba da wax kalee hadii dowlad ama baarlamaan laguugu maqlo al-walaa wal baraa’ lala soo boodi jiray.

    Bal aan dhowrno Xasan Daahir iyo kaabbayaasha kale.

  3. Ma anagaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, jamaacada ictisaam hal bayaan oo ay soo saareen oo lagu dhaqmay ma iisheegi karaan, iyaga ayaa lahaa wax aad ogtahay inuusan soconayn umada looma sheego qodabada ay soo saareen hal xabo malooga dhaqayo waa la ogyahay taas mooryaad badda iyo bariga iibsada ayaa lakeenayaa markaas ayaad bayaankale soo saari doontaan idinku ma bayaan kunool baa tihiin

  4. adoon ale says:

    waxay ila tahay culimadeena ilaahay khar ha siiyee maxay hal garan u noqdeen waxaan mar kasta ka maqalnaa DOWLADA HALOO NASEEXEEYO laakiinse kama maqalno ururada kale haloo naseexeeyo OO MIYEESAN CADALAD AHAYN DADKA DALKA MASIIRKIISA ISKU HAYA IN SI ISKU MID AH LOOGU WADA NASEEXEEYO TAN KALE culimadu maxay sida ay hada SH SHARIIF U GARAB TAGAN YIHIN ugu tageeri waayeen c/laahi yuusuf ileen waa 2 madaxwayne oo dalka so maraye mise waxbaa meesha ku qarsoon KAAS WAY GAALEEYEEN OO WAYLA DIRIREEN KANA WAA LA GARAB IS TAAGAY ILAA DADKA INTIISA KALE AY KU SHEEGEEN QAS WADAYAAL WAA YAAB

  5. Gundiid says:

    Salamaun calaykum

    Marka hore waxad aad u salaamaya awalalaha Somalitalk oo runtii aad ugu jeclaaday difaaca dalka, diinta Allah ha idin barakeeyo.

    Intaa skadib

    Waxan aad ula yaabanahay goormuu sheekh bashiir salad iyo kooxdiisii Al ictisaam loo igmaday inay soo xulaan ama ka hadlaan baarlamaan ama galida baarlaanka. Soo kama fiicnayn in ay dadka ku waaniyaan inay Diinta Allah isku dhaqaan wixii kasoo harana iska daayaan oo gaalnimo iyo diin ka bax tahay!!! Sidoo kale wadankiii waxa haysta cadow shisheeye oo magac AMISON wata maxayse kala yihiin

    UGANDA waa dawlad christian ah
    BURUNDI waa dawlad christian ah
    ETHIOPIA waa dalwad Christan ah
    KENYA waa dawlad christian ah

    Hadaba maxay uga aamuseen gaaladana wadankeena kusoo duulay Allah waxan ka baryi qoladan al ictisaam inuu soo hanuuniyo haduuba hanuun u qoray haduusan hanun u qorine shartooda shacabka masakainta in ALlah ka qabto.

    SC

  6. amow says:

    ilaahay baan idin qabani jamacatul ictisaam maxaa yeelay dhalinyaradii aad ku disheen araare iyo buntaland iyo gedo .maxay u dhinteen in kitaaabka la isku xukumo, hadana dastuurka ha la qaato ayaad la taagantahiin. sidoo kale cafis ka dalbo islaax maxaa yeelay waxaad ku heesateen baad u daba marteen.barlamanka ayey galaan ayaad ku heesateen. salafi jadiida sidoo kale , maxaad dacaayad ku furteen ileen been baad wadeen .’\qiyaamada ayaa war jira. aniga jamaaco aan ku jiro ma jirto . laakin \xaqa ayaaan taageerayaa

  7. Abaa Shukri says:

    Rabi xumaan idilkeed ka nasahnaaye isaga ayaa mahad dhamaanteed iska leh, waana kan maanta na soo gaarsiiyay xili manaasibta dalka lagu talinaayo in ay dad akhyaar ah oo diin iyo amaano leh loo igmado.
    culimada arintaan isu taagtayna waxaan leeyahay ilaahay haydin la garab galo dadaalka xalka ku qotoma.
    duqayda iyo hormuud dhaqameedyadana waxaan leeyahay ilaahay haydin ka yeelo ku wii weeleeya oo ku dhaqma tiltaamaha iyo talooyinka walaaha diinta aqoonta u leh ee ah hormuudka dhaxalkii nabiga (NNKH).
    wabilaahi tawfiiq