Home » Warar »

Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose waxay sheegayaan in in goor dhow Magaaladaas uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin oo uu geystey Qof Nafti hure ah oo watey Gaari waxyaabaha Qarxa la gsaoo buuxiyey

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Goob hore u ahayd Iskuul oo ku dhow halka lagu Magacaabo Baar Ismaaciil waxaanala sheegey in marka uu Qarax uu dhacayey Iskuulkaas ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda oo ay Weheliyaan Saraakiishooda sidoo kale waxaa la sheegey in Goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom

Mar aan la xiriirney dad ku sugan Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose waxay noo sheegeewn in Qaraxaan uu ahaa mid si weyn looga maqley Magaalada oo dhan waxaan Goobta uu qaraxa uu ka dhacay ay sheegeen in laga arkayey Qiiq iyo Uuro aad u fara badan , waxay kaloo ay sheegeen in Goobta ay isla markiiba soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo joojiyey dhaqdhaqaaqii Magaalada Afgooye

Warar ayaa sheegyaan Qaraxaasi uu geystey Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo Dhaawac oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo dadkii ku dhaawacmey loo soo qaadey isbitaalada Magaalada Muqdisho, Qaraxaan ayaa ku soo beegmey xilii uu dhawaan halkaa uu booqdey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii ay Cabasho ka soo yeertey Shacabka ku nool Magaalada Afgooye oo ciidamo ka tirsan Dowladda u geysteen dhaca iyo Boob.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.