Home » Warar »

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Odoyaasha Dhaqanka ku Boorisey in ay iska Diyaariyaan Qaybtii Haweenka ee Boqolkiiba Soddon

iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka iyo Mas’uuliyiinta dowladda oo Aas-qaran u sameeyay gudoomiyiihii hore ee Baarlamaanka

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwo Hodon Saciid Ciise ayaa qado sharaf u sameysay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona ay ka soo qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marwo Hodon Saciid ayaa casuumaad heer saro u fidisay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona haweenka ku boorisay iney Siyaasadda Soomaaliya qeyb muhiim ah ka qaataan.

Waxaa goobta Casuumaada ka hadlay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta casuumaad noocaani oo kale ah isugu nimaano, Inagoo ka tashaneyno Aayaheena iyo Mustaqbalka dalkeena iyo waliba doorka aan ku leenahay dalka”.

Qado Sharaftaas ka dib, Marwo Hodon Saciid Ciise ayaa ku soo dhaqaaqday xarunta ay ku sugan yihiin Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Shirka uga soconayo, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo goobta ku sugnaa ayaa Marwada ku soo dhaweeyay, Isagoona qodbadii ugu horeysay halkaasi ka furay.

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Wasiiru-dowladda Haweenka iyo Hormarinta Arrimah Qoyska, Waxeyna Odoyaasha ka codsatay in Haweenka loo ogolaado xaquuqda ay dalka ku leeyihiin iyo 30% xilalka dalka. Maadaama ay haweenka yihiin kuwii waxyeelada badan ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Waxaa goobta sidoo kale ka hadlay La taliyayada Madaxweynaha ee dhanka Arrimaha Haweenka, Waxayna Odoyaasha ku boorisay iney iska soo diyaariyaan xilalka haweenka ee 30%-ka ah.Mid ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo ku hadlayay afka Odoyaasha ayaa sheegay in 30% loo ogol yahay haweenka Soomaaliyeed islamarkaana aan la duudsiin doonin doorka ay ku leeyihiin Siyaasadda dalka.

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Dr. Hodon Saciid Ciise, ayaa Odoyaasha ku dhiiro gelisay iney 30% u ogolaadaan Haweenkooda Soomaaliyeed. “Waa walaashaa, waa taa u Dhaxday, Gabadhaada marka waxey xaq u leeyihiin intaa in ka badan, Odoyaasheynii baa tihiin marka waxaan idin ka codsaneynaa inaad ogolaataan in 30% haweenka loo ogolaado inkastoo aan jecleyn intaa in ka badan”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka iyo Mas’uuliyiinta dowladda oo Aas-qaran u sameeyay gudoomiyiihii hore ee Baarlamaanka

Mogadisho, 15, June, 2012….. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu ku tagey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta si heer saro ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Islamarkaana ka qeybgalay Aaskii qaran ee Marxuun Mukhtaar Maxamed Xuseen.

Meydka Marxuunka ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Aaska Marxuun Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Qaar ka tirsan labada Gole ee dowladda, Saraakiil, Waxgarad iyo Odoyaasha.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa meydka Marxuunka Salaatul Janaazada ku tujiyay mas’uliyiintii ka soo qeybgashay garoonka diyaaradaha dhexdiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ugu horey Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeayay geerida Marxuunka, Wuxuuna tilmaamay in Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar uu ahaa nin wadani ah Cadaaladbadan kuna weyneyd Soomaalinimada, Waxaana Alle uga baryeynaa in Janadii fardowsa Alle ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa iyana goobta Marxuunka lagu aasayay ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, Iyagoona sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay ugu tacsiyeynayaan, Samir iyo Iimaana Eebe ka siiyo Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in marxuun Sheekh Mukhtaar uu ahaa shaqsi ay ku weyntahay Soomaalinimada islamarkaana door muhiim ah ka soo qaatay Siyaasadda iyo hormarinta dalka.

—–Dhamaad—–

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.