Home » Warar »

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Shiikh Muqtaar oo Maanta oo Aas Qaran loogu sameeyey Magaaladda Muqdisho

Guddoomiyihii Hore ee Barlamankii Soomaaliya Shiikh Muqtaar Maxamed Xuseen ayaa Maanta Barqanimadii Meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Meydka Guddoomiyihii Hore ee Baarlamankii Soomaaliya ayaa Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay Saladda Janaasada kula Tukadeen Garoonka Diyaaradaha markii laga soo dejiyay.

Madaxweynaha dawladda federaalka KMG Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Mas’uuliyiin ka socotay labada gole ee Xukuumadda ayaa ka qayb galay Tukashada Salaadda Jinaasada ee Shiikh Muqtaar Maxamed Xuseen oo dhawaan ku geeriyoodey Nairobi .

Tukashadaas Salaadda Jinaasada kaddib ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyay Madaxweynaha dawladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka kuwaasoo ku amaanay Guddoomiyihii Hore ee Barlamanki 1966dii inuu ahaa Nin Caadil ah isla markaana dhex dhexaad u ahaa Xildhibaanadii markaas ka tirsanaa Baarlamaankii xilligaas jiray.

Madaxweynaha KMG ayaa ku amaanay Shiikh Muqtaar inuu ahaa Nin aan haba yaraatee ku lug yeelan labaatankii sano ee Dalku Qaska Siyaasadeed uu ku jiray isagoona Ilaaheey uga baryay inuu janadii Fardowsa ka Waraabiyo Dadkii uu ka tageyna Samir iyo Iimaan ka Siiyo.

Waxaa Isaguna halkaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeynba u Tacsiyeeyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana qoyskii uu ka baxay isagoona sheegey inuu yahay Shiikh Muqtaar Nin Taariikhda Baal Dahab ah ka galay.

Meydka Shiikh Muqtaar ayaa isla maanta waxaa lagu Aasay Xabaalaha Cabdirashiid Cali Sharma’arke eek u yaala Nawaaxiga Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho iyadoo aaskiisana ay ka soo qayb galeen Boqolaal Dad ah oo soo Xaadiray meesha lagu aasayay Shiikh Muqtaar.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Shiikh Muqtaar oo Maanta oo Aas Qaran loogu sameeyey Magaaladda Muqdisho "

  1. Alle ha ku irzaaqo Janada Fardowsa, aamiin, aamiin, aamiin.