Home » Warar »

Taliska Ciidamada Amisom oo sheegey in Madaxda Dowladda Kenya aysan marna ka hadli Karin Howgalka ay ka wadaan Jubooyinka

Iyadoo Ciidamo fara badan oo ku Howgala Magaca Amisom ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ayaa qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya Dagaalo ka wada Ciidamada Itoobiya iyo Kenya iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa maanta shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Xalane ku xigeen ergeyga Gaarka Ciidamada Midowga afrika Soomaaliya Gen Wafulo Wamnayiyi wuxuuna sheegey in Dowladda Kenya aysan marnaba ka hadli Karin Howlgalada ka socda Gobolada Jubooyinka,waxaana si gaar farta uu ugu fiiqey Madaxda Dowladda Kenya.

Ku xigeenka ayaa sheegey in Dowlada Kenya Ciidamadeeda ay ka mid noqdeen kuwa Amisom sidaa darteed ka hadlida Dagaalada Jubooyinka ay u taal Taliska Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho , iyaga ayaa wixii Warbixin ay siin doono warbaahinta iyo Midowga Afrika

“Dowladda Kenya Ciidamadeeda in ay ka mid noqdaan Howgalka Amisom waxay dhacdey dhawaan wixii waqtigaa ka dambeeyey Ciidamada Kenya waxay si rasmi ah uga mid noqdeen kuwa Amisom marka wixii Howlgal ah waxaa ka hadli kara Saraakiisha Amisom’ayuu yiri Wafuula oo sheegey in Dowladda Kenya ay raacdo Howgalada Ciidamada Amisom.

Hadalkaan ka soo yeerey sarkaalkaan ayaa u muuqda in Dowlada Kenya aysan marnaba la dhacsaneyn in Howlgalkooda laga xukumo Magaalada Muqdisho waxayna dooneysaa in iyadoo ka mid ah Ciidamada Amisom ay u madaxbanaanaato Howgalka ay ka wado Goboladfa Jubooyin oo ay ciidamadeeda ku jiraan Muddo Sagaal bilood taasoo keenetey in Ciidamadeeda dhaafi kari waayeen Deegaano ku dhow Xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Hadaba Suaasha is weydiinta leh waxay tahay Dowladda Kenya ma u hogaasami doontaa in Howlgalada ay ka wadaan Gobolada Jubooyinka in ay ka hadlaan taliska Ciidamada Amisom ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho iyadoo Dowladda Kenya lagu waramey in Howgalka ay ka wado Koonfurta Soomaaliya ay wax badan qarsiey taasoo la xiriirta Dagaalka ay kula Jiraan Xarakada Alshabaab

Dhawan ayey ahayd markii Raiisul Wsaaraha Kenya uu ka codsadey Ciidamada Midowga Yurub eek u suga Xeebaha Soomaaliya in ay ku gacansiiyaan qabshashada Magaalada Kismaayo hase yeeshee Sarkaal u Hadley Ciidamada Midowga Afrika ayaa sheegey in aysan Xiligaan Diyaar u ahayn in ay ka qayb qaataan Dagaalka Ciidamada Kenya kula jiraan kuwa Xarakada Alshashaab.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.