Home » Faallo »

Gudoomiyihii hore ee baarlaamanka Soomaaliya marxum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ku geeriyoodey Nairobi

Shir jaraa’id
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Geeridu waa xaq

Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Gudoomiyihii hore ee baarlaamanka Soomaaliya marxum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa ruug cadaa siyaasi soomaliyeed.

Waxaa manata shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada Ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo uu shir gudoominayay islamarkaana laga soo saaray in gudoomiyhii hore ee baarlamaanka soomaaliyeed Marxuum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen loo sameeyo tacsi iyo Aas qaran Calankana hoos loo dhigo mudo 3 casho ah oo ka bilaamaysa maanta.

Sheekh Mukhtaar waxa lagu yaqaanay nin aad ugu weyntahay Soomaalinimada, cadaalada iyo sinaantana u ololeeya, waxana uu ahaa Sheekh ku takhasusay shareecada Islaamka.

Waxaan u saarnay gudi qaban qaabiya aas qaran oo loo samaynayo maalinka jimcaha.

Gudiga oo ah heer wasiir ayaa ka kooban:

1. Wasiirka Cadalada iyo Arimaha Diinta oo ah Gudoomiye Gudiga
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda
3. Wasiirka gaadiidka Cirka iyo dhulka
4. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha
5. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Baarlamaanka
6. Wasiiru Dowlaha maaliyadda
7. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo isboortiga

Taariikhda Sheekh Muqtaar oo kooban

· Waxaa uu kudhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool
· Waxaa uu tacliintiisa diinta kusoo qaatay magaalada Xudur
· Markii la asaasay ururkii Somali Youth Club 1943 waxa loo magaacabay gudoomiyaha ururka ee gobolada Jubada Sare
· 1956 waxaa loo doortay inuu xubin ka noqdo barlamaankii ugu horeeyey loogu diyaarinayey dowladnimada
· Waxaa uu soo noqday wasiir kuxigeenka cadaalada iyo arimaha diinta ee xukuumada daakhliga ee Cabdulahi Ciise
· 1959- waxaa uu kamid noqday xubnihii golaha baarlamaanka ugu horeeyey ee jamhuuriyadda Soomaaliya
· 1965- waxaa uu noqday Gudoomiye ku xigeen Baarlamaan
· 1967- waxaa uu noqday kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka
· 1969- waxaa uu noqday gudoomiye Baarlamaanka
· 15, Oct, 1969 ilaa 21, Oct, 1969 waxa uu ahaa kusimaha madaxweyanaha

———-
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615 244689
+252-699 070907
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.