Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo ku Hoydey Degmada Afgooye Doonayana in Afgooye ku qaabilo Wafuud Caalami ah

Iyadoo shalay gelinkii dambe wafddi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ay gaareen Degmada Afgooye ayaa booqashaddaasu waxa ay noqotay tii ugu horeeysey oo uu Madaxweynuhu halkaa u Hoydo.

Madaxweyne Shariif oo ay wafdigiisu ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga iyo Taliyayaasha Ciidamada qalabka sida ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu shir kula qaatay Odoyaasha iyo wax garadka degmadaasi Gurigii Shiikh Zaa’id Binu Suldaan Ala Nahyaan oo ku yaala gudaha Degmadaas.

Sheikh Sharif ayaa ka warbixiyay arrimaha Road Mabka, dadaalada ay xukuumadda ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka qaybo ka mid ah Dalka ka jira.Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee degaanadii dhawaan ay la wareegeen Ciidamada dawladda iyo sida uu iminka xaalkoodu yahay.

Shikh Shariif ayaa sheegey in Ujeedka ugu weyn ee ay u yimaadeen Degmadan in ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee degmada afgooye oo maalmihii u danbeeyay ay shacabka ku dhaqan cabashooyin kala duwan ay ka soo yeerayaan.

Shariif Shiikh Axmed ayaa u balan qaaday odoyaashii uu la kulmay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijin doonto ammaanka dadka shacabka ah e e ku dhaqan degmadaas iyo Daafaheeda.

Hadaba warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Joogitaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee Degmada Afgooyey qaar baa sheegaya in uu Madaxweynaha uu halkaa joogi doono Muddo Todobaad ah iyadoo warar aan helney ay sheegayaan in Madaxweynaha uu halkaa ku qaabili doono Wafuud Calaalami oo la sheegey in ay Niyada u dhisi doonaan Ciidamada Amisom oo dhawaan halkaa la wareegey hadaba maalmaha soo socda ayaa la kala Ogaan doonaa Joogitaanka Shiikh Shariif ee Afgooye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.