Home » News »

Maamulka Shirkadda Xawaaladda Jubba oo ka Warbixiyay Qaabkii Dhaca loogu gaystey Xaruntii Shirkadooda ee Suuqa Bakaaraha.

Iyadoo maalinimadii shalay Xarunta Shirkadda xawaaladda Jubba ay ku leedahay Gudaha suuqa weyn ee bakaaraha Niman Dableey ahi ay dhaceen ayaa haddana waxaa arrintaa uga warbixiyay warbaahinta maamulaha Shirkaddaas Cabdulqaadir Cali.

Maamulaha ayaa sheegey in abbaaro Kow iyo Tobankii barqanimo ee maalintii shalay in ay gudaha u soo galeen Shirkadda Rag illaa shan gaaraya kuwaasoo uu sheegey in ay ku hubaysnaayeen Qorayaha Ak 47 iyo Bastoolad.

Nimankaas Hubaysan ayuu sheegay Maamuluhu si Cabsi la’aan ah in ay gudaha u soo galeen Shirkadda dabadeedna ay gacamaha ka xireen Shaqaalihii goobta ku sugnaa oo ay ku jireen Ilaaladii Shirkadda kuwaasoo uu sheegey in ay Fudud u qaateen lacago Doolarka Maraykanka ah oo markaas ay ku shaqaynayeen gaareyseyna illa Sagaal iyo labaatan Kun oo Doolar.

Cabdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ragga dhaca u gaystey shirkadooda qaar ka mid ah oo Qorya sitayna in ay ku sugnaayeen iyaga iyo gaari ay wateen banaanka hore ee shirkadda isagoona intaa raaciyay in ay ku lebisnaayeen Direyska Ciidamada.

Arrintan ayuu maamuluhu ku sifeeyay inaysan dhib badan ama dhaawac badan u gaysan Lacagaha la dhacayna ay yihiin lacago ay ka soo kaban karayaan isagoona xukuumadda ugu baaqay in raggaas la soo qabto.

Cabdulqaadir Cali maamulaha shirkadda ayaa intaa ku daray in markii ay Nimanku ka tageen in ay goobta soo gaareen Ciidamada ammaanka suuqaas iyo kuwa nabad sugidda isla markaana ay ka xog urursadeen shaqaalaha goobta.

Ugu danbayntii ayuu maamulha shirkadda Jubbba ka codsaday Ciidamada ammaanka ee dawladda in ay arrintaa wax ka qabtaan isagoona sheegey dhacdadii shalay inay cashar ku qaateen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.