Home » Warar »

Xizbiyadda Ay Taageerto Hay’adda NDI Iyo Xubno Gudiga Dastuurka oo Shir Uga Furmey Hoteel Kempinski Ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Kulan ay si wada jir ah isaga kaashadeen Mac-hadka Horumarinta iyo Dimuquraadiyadda ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka iyo Hay’adda Oslo, islamarkaana ay isugu yimaadeen 9 xizbi oo ay taageerto hay’adda NDI iyo xubno ka socda gudiga qabyo qoraalka Dastuurka ayaa ka furmey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti 10/06/2012.

kulankan oo ahaa mid all-baabadda u xiran ayaa markii qaybtiisa hore la soo gebageboobey, qaar ka mid ah xizbiyadda si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen isla halkii shirka uu ka socdey, si ay faah faahin uga bixiyaan ujeedadda shirkooda, ugu horeyn waxaan halkaas ka Hadley Xog-hayaha guud ee Xizbiga Qaranka Soomaaliyeed Faarax Salad Dharaar waxaa uuna yiri “waxaan ku faraxsanahay ka qaybgalka shirkan oo ay abuubulkeedu leedahay NDI, fududeysayna Oslo Center, ujeedadda shirku waa in ay Axzaabta ka doodaan dastuurka cusub, haddii la helayo kii ugu dambeeyey, inkastoo aan wali naloo sheegin, laakiin waxaan ka doodeynaa shuruucda dalku uu yeelanayo, wixii lagu biirinkaro iyo wixii laga bixinkaro ee khaldan iyo wixii fikrado oo ay hayaan xizbiyada iyo talooyinka ay soo jeedindoonaan ayaan ka doodidoonaa.

waxaana filayaa wax badan in uu ka soo baxo, sidii dalkan siyaasadiisu uu u noqon lahaa siyaasadaha caalamka ka socda, lagana gudbo nidaamka 4.5-ka ee qabiilka ku saleysan oo loogudbo nidaam xizbiyo ku salaysan oo dadkuna codkooda si siman u dhiibtaan oo ka qaybqaataan cidii meesha ay ka saari lahaayeen iyo cidii ay siin lahaayeen oo qof kasta oo qaan gaar ah ku heli lahaa dariiqii siyaasada uga qayb qaadan lahaa, waana arinta keliya soomaaliya dimoqoraadiya iyo nidaamka ay ku imaankaraan oo dowlad wanaagu ku imaankaro haddii Alle idmo”.

Faarax Dharaar Isagoo hadalka sii wata wuxuu intaa ku darey “Sababtoo ah xizbiyadu waxay keenayaan dadd dhisan, dad soo bartey sida dimoqoraadiyadu tahay, soo bartey nidaamka iyo kala dambeynta iyo maamul wanaaga oo dooroshooyin dhexdoodu soo sameeyey tartanka uga qayb galayaan, sidaasna ay xizbiyadu isu kala qaybiyaan waa wado cusub oo soomaaliya ka bilaabanaysa, waxaana rajeynayaa in ilaahay xaalada soomaaliya wax ka bedela oo soogebagebeeyo dhibaatada soomaaliya, waad mahadsan tihiin”.

Abdullaahi Sheekh Xasan oo isna halkaasi ka Hadley waxaa uu yiri “keliya wuxuu ahaa, inta aan la horgeyn dastuurka cusub gudiga ansixinta, in la horkeeno xizbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira in la horkeeno, kaas ayaan maanta iyo beri gelinka dambe ka doodidoonaa haddii Alle yiraahdo, waxay ku dhammaan doonto ma sheegikarno, wixii qaranka, diinta iyo dadka dhib ku ahayn waxaan xagayaga isku dayeynaa inaan ka fududeyno, dastuurka wuxuu dastuur noqon doonaa marka ay dadku u codeeyaan, inta ka horeysa waa KMG, laakiin in KMG-nimada ka baxno jiritaanka xizbiyada ayaa ku xiran”.

Waxaa kale oo uu intaa ku darey “ xizbiyaduna jaanis ma helayaan haddii 4.5-ka uu sii socdo, maadaama lagu qorey afarsano kadib in 4.5 jireyn, muhiim ayey inoo tahay inaan dastuur yeelano oo KMG-nimada laga baxo, xizbiyadu hal way ku mideysan yihiin, laakiin halna wey ku kala duwan yihiin, sababtoo ah xizbi kasta wuxuu leeyahay siyaasad gaar ah, laakaiin waxay ka mideysan yihiin in dalka uu ka baxo 4.5-ka, qabiilka, qoriga iyo koox inaan awood lagu raadin, taas waaye muhiimada in la gaaro ay tahay mustaqbalka, oo la arko soomaaliya oo ay doorato qofkii ay rabtey”.

Mar aan weydiiy xizbiyada goobta sida wadajirka shir jaraa’id u qabtey, maxaad kaga duwan tihiin hogaamiyeyaashii dalka soomaaliya soomarey ee 22-ka sanno bur buriyey, aadna tihiin shekh-siyaad naga hor muuq muuqda, xilga lagu jirona hub ayaa la isu haystaa digtaas ayaa laysku hayaa ee maxaa la idiinku aqoonsanayaa in shacab idiin taageersan yihiin oo guruubyadiina meesha jooga cadeyna? Ayaa waxaa jawaabta qaatey Xog-hayaaha guud ee xizbiga Qaranka Soomaaliyeed Faarax salad dharaar waxaa uuna yiri:

“aan ku saxo, annagu hogaamiye kooxeedyo inaan isku mid ahayn way muuqataa, sababtoo ah, annagu ma hubeysnin, yacnii dadd waxaanu nahay siyaasad degan wax ku doonaya, waxaanu nahay dadd doonaya in ay qaadaan, hannaan cusub oo siyaasadeed oo ah hub iyo xoog iyo is riix riix iyo annaa kaa xoog badan ku saleysneyn, marka taasi way kuu cadahay, tan kale dadkan is-magacaabey markaa tiri, annagu waxaanu nahay dadd haysta nidaam dhisan, shuruuc baanu leenahay, xafiisyo ayaanu leenahay, waxaanu leenahay member ship, kiriteeriya lagu sooxulo dadka ayaanu leenahay, si dimograadiyadeysan baa dadka loo soodoortaa, doorasho ayaanu ku nimid kuraasta iyo xilalka aynu hayno oo xizbiga dhexdiisa ah, marka taas is-maan magacaabin, waxaanu nahay xizbiyo jira oo raba inay dalka hagaajintiisa iyo dibu-dhiskiisa ka qayb qaataan wax badana saxa”.

Mudo ku dhawaad hal sanno ayaa xizbiyadan waxaa taageeo dhinaca tababarada maamul wanaaga iyo dimoqoraadiyada siinayey Hay’adda NDI, laakiin marka si guud loo eego xiliga iyo qaabka ay u aas aasmeen, waxaa kuu soo baxaya in ay yihiin kuwo ka hor dhacaya xiligooda, islamarkaana is-baaro u dhiganaya kuwa aas aasmidoona mustaqbalka, iyadoo uusan wali dalka soomaaliya go’aansan dhismaha nidaamka xizbiyada badan, waxayna xiligan qayb ka yihiin kuwo wax ka go’aamiya aragti uruurino badan oo dalka soomaaliya laga wado in mudo ah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.