Home » Warar »

Maxkamadda Xarakada Shabaab ee Degmada Buula Burde oo Xukun Dil ah Fulisey nin ay sheegeen in uu Jaajuus ahaa

.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka fagaare ku yaala Degmada Buula Burde in lagu Toogtay Wiil Dhallinyara ah oo shabaabku ay ku Eedeeyeen inuu Jaasuus ahaa.

Qaadiga Xarakada Shabaab ee gobolka hiiraan ayaa ka hor inta aan wiilkaas dhallinayarada ah la toogan Fagaarahaas ka sheegey falalka lagu soo Eedeyay wiilkaas dhallinyarada ah isagoona sheegey in uu markiisii hore ka tirsanaa Xarakada Shabaab dabeetana ka goostay.

Qaadiga ayaa intaa ku daray in wiilkan uu Degaanada ay degan yihiin Xarakada Shabaab ku soo hoggaamiyay Ciidamo PS ah, kaddibna ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Mujaahiddiinta.

Qaadiga ayaa hoosta ka xarriiqay in markii Maxkamadda la soo hor joojiyay loona soo gudbiyay wax laga weeydiiyaya arrinta lagu Eedeynayo ha yeeshee uu Dafiray balse loo soo helay Marqaatiyaal arrintaa ku cadeyay sidaa dartedna uu xukunkiisu yahay Dil.

Fagaarihii wiilkan lagu Tooganayay ayaa waxaa soo Xaadiray Boqolaal Dad weyne ah kuwaasoo daawanayay habka loo tooganayay Wiilkaas Maanta lagu dilay degmada buulo Burde, ma aha markii ugu horeysey oo Xarakada Alshabaab Xukun dil ah ku fulisey dad ay sheegeen in ay ahaayeen dad Jaajuusiin h

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.