Home » Warar »

Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Wariye Maxamed Shariif oo Kooxo Hubeysan si xun ugu dhaawaceen Magaalada Muqdisho

Wariye Maxamed Nuur Maxamed Shariifka oo ahaa Wakiil wareedka Idaacadda Bar Kula nee Magaalada Muqdisho ayaa Kooxo ku hubaysan Bastoolado waxaa ay ku weerareen Degmada xamar Jab Jab ee Magaalada Muqdisho.

Wariye Shariifka ayaa xilliga ay Kooxaha hubaysani ay weerarayeen waxaa uu ka soo Baxay T.V.ga Horn Cable taasoo Rag Bastoolado ku Hubasan ay ku rideen ugu yaraan Illaa Siddeed xabadood

Laba ka mid ah Siddeedaas Xabadood ayaa Wariyaha ka haleelay Dhinaca Dhabarka iyo Sambabada agtooda halkaasoo uu dhaawac ka soo gaarey kaasoo markiiba loola Cararay Isbitaalka madiina ee Magaalada Muqdisho.

Goobta Weriyaha lagu weeraray ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dawladda kuwaasoo Rasaas ku RidayDadkii weerarka gaystay kuwaasoo iyaguna ka baxsaday Goobtii ay wariyaha ku dhaawaceen.

Xaaladda Shariifka ayaa iminka u muuqanaysa mid ka soo ka banaysa ka gadaal markii Qalliino lagu sameeyay Dhiig bax dhinaca caloosha sida ay sheegeen Dhaqaatiirtii ku hawlaneed bad baadinta wariyahaas Sidoo kale waxay sheegeen in ay Wariyahah ka bixiyeen Beer Yarada ka dib markii ay dhaawacantey

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jab Jab oo wa baahinta la hadlay ayaa sheegey in markii uu falku dhacay ay meesha soo gaareen ka gadaal markii loo sheegay oo ay dadka degaanku ku soo wargeliyeen in Ruux la dhaawacay markii uu meesha yimidna loo sheegay in Ruuxa la dhaawacay uu Wariye ahaa sidaana ay ku booqdeen Isbitaalka uu yaalo,.

Maxamed Nuur Shariif ayaa ka mid ah Wariyaasha Mudada dheer ka shaqaynayay gudaha Magaalada Muqdisho isagoo horena uga Tirsanaa Idaacaddii Horn Afric xiliyadan danbana la shaqaynayay Idaacadda Bar Kulan oo fadhigeedu yahay Magaalada Nayroobi.

Wariye Shariifka ayaa dhawaan ka soo kabtay Dhaawicii ka soo gaaray Qarixii Tiyaatarka oo laba Bilood ka hor uu ku dhaawacmay iyadoona xilliga uu weerarkaas qabsanayay uu ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaala Degmada waaberi ee Magaalada Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.