Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in aanay Waxba u Dhimayn Xiriirka Somaliya iyo Turki Dilkii Dhawaan Muqdisho lagu Dilay Ganacsade Turkish ah.

Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Dil Dhawaan ganacsade u Dhashay Dalka Turkiga lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa sheegay in Xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Islaamka ah inuu ahaa mid soo jireen ah isla markaana markii qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka dhaceen abaaraha in Xukuumadda Ankara ay ahayd ,mid si hagar la’aan ah ugu soo gurmatay Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay ka sokow Gurmadka Turkish inay gacan ballaaran ka gaystay Mashaariic wax ku ool ah oo ay ka dhaqan gelisey Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Dilka Dhawaan mid ka mid ah Muwaadiniinta Turkiga ee lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho isagoona sheegey in isagoo aad uga xun arrintaa in ay ka Tacsiyeeyeen isla markaana ay xukuumaddiisu waddo baaritaano lagu Ogonaayo Dadkii ka dambeeyay Dilkaas.

Cabdiweli Gaaz ayaa sheegey in Dilkaasu aanu ahayn mid haba yaraatee wax u dhimaya Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay labada Xukuumadood iyo labada Shacbi.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka codsaday inay caddeyso Lacagaha Malaaiiyinta gaaraya ee Xukuumadda Soomaaliya lagu Eedeeyay inay Musuq maasuqday.

Lacagtaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegey mid uusan waxba kala soconin xukuumaddiisana soo gaarin isla markaana uusan ogeyn in ay soo gaadhay Xukuumadihii tiis ka horreysey.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku baaqay in caalamku Caddeeyo Lacagahaas ay sheegayaan in la musuq maasuqay isla markaana daba gal lagu sameeyo halka ay martay lacagtaas la sheegayo in ay Lunsatay dawladda Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.