Home » Warar »

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Deeq Gaarsiisay Qaar Ka Mid ah Isbitaalada Magaalada Muqidsiho

Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkada isgaarsiinta kuwa ugu waa weyn ee ka howlgala Dalka Soomaaliya ayaa Deeq isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxay gaarsiisay Qaar ka mid ah isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho .

Isbitaalada Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Deeqda Gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Keysaney iyo kan Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.

Ugu Horayn waxaa Deeqda oo isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir waxaana lagu warejiyay Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs. Luul Maxamed Maxamud Deeqdaasi oo Gaaraysay 30 Fuusto oo Shidaal ah iyo 80 Xabo oo Jodariyaal ah oo loogu tala galay Dadka Bunkaanka ah ee Jiifa isbitaalka Banaadir .

Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs Luul Max,ed Max,ud oo ka hadashay Munaasabada Deeqda lagu warejinayay ayaa sheegtay inay ku Faraxsan tahay Deeqda Shirkada Hormuud soo gaarsiisay isbitaalka Banaadir xili uu u Baahnaa isbitaalka oo dad fara badan oo Bukaano ah ay jifaan , waxayna intaa ku Dartay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo Shirkada Hormuud Deeq soo Gaarsiiso isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir .

Sidoo kale isbitaalka Keysaney oo ku yaal Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa isna shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom waxay gaarsiisay Shidaal Gaaraya 20 Fuusto oo Shidal ah si looga sii wado Howlaha isbitaalka Keysane oo u haayo shacabka soomaaliyeed .

Madaxa Maamulka isbitaalka Kaysanay Cali Bile ayaa waxaa uu uga mahad Celiyay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom Deeqda ay Xiligaan soo Gaarsiisay isbitaalka Keysaney oo ay jifaan dad fara badan oo waxyelo ka soo gaartay Dagaalaka ka jira Dalka soomaaliya .

Cali Sheekh Yaasin (Cali Fadhaa) oo ka mid ah Maamulka Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo ka hadalay Wareejinta Deeqdaasi ayaa waxaa uu sheegay in Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ay Garab tagaan tahay mar walba Shacabka Soomaaliyeed .

Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay oo ay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom Deeq Gaarsiiso isbitaalada iyo Goobaha ay ku sugan yihiin dadka ku dhibataysan dalka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.