Home » Warar »

Raiisul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya oo Xaaladiisa Caafimaad ka soo Reyneyso ka dib Marki uu galey Shil Gaari

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ahna Wakiilka Soomaaliya ee Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde isla markaana mar Raiisul Wasaare ka soo noqdey Soomaaliya ayaa Gaari uu Saarna Gaari kale ku dhacay.

Gaariga uu Safiirku saarna ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxaa uu ku dhacay Gaari kale xilli uu ku sii jeeday Shir Wakiilada Midowga Afrika ay kaga qayb galayeen Shirka Midowga Yurub ee ka dhacyay Wadanka Biljam.

Nuur Cadde ayaa la sheegay in shilkaasi uu ka soo gaaray dhaawac Fudud isla markaana uu ka Jabay Kalxanta.Ambashadoor Nuur Cadde ayaa dhaawiciisii la dhigay Isbitaal kuyaala wadanka Biljam iyadoo dhaqaatiirta caafimaadkiisa ku hawlana ay soo sheegayaan in Caafimaadkiisu aanu ahayn mid sidaa u daran

Nuur Cadde ayaa Safiir u ah Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya isagoo adhigiisuna uu yahay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga isagoo markaasna Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurubna ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Nuur Cadde ay Xaaladiisa Caafimaad ka soo reyneyso islamarkana waxay Dhaqaatiirta la tacaaleysa ay sheegeen in Todoibaad ka dib laga soo saari doono Isbitaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.