Home » Warar »

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo Sheegay in ay la Socdaan Lacagaha la Sheegayo in la Lunsaday

 

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka tisan Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Banka Caalamka oo sheegayay in ay jiraan Lacago la Musuq Maasuqay.

Xildhibaankan oo ka tirsan Xildhibaanada Xilkii Guddoomiyanimo ka qaaday Guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa arrintaa si qoddo dheer uga hadlay.

Xildhibaan Ciiro ayaa qiray in ay jiraan wararka ka soo yeeray Bangiga adduunka markii shirku uu ka soconayay Magaalada stanbuul ee Carriga Turkiga.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Lacagahaas uu sheegayo Ban-ka adduunka in ay jiraan isla markaana Sanadadii 2009kii iyo 2010kii xiligaas ay sax tahay in Lacagtaas la Lunsaday isla markaana si gaar ah loogu Takri falay.

Daahir Ciiro ayaa Farta ku fiiqay in ay si weyn ula socdaan in Lacagahaasi ay ku maqan tahay Wasiirkii Maaliyadda ee Xiligaas kaasoo uu sheegey inuu ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaan Ciiro ayaa intaa ku daray in Waqtigii uu Wasiirka ka ahaa wasaaradda Maaliyadda Shariif Xasan inuu diIday inuu Barlamanka hor yimaado si loola xisaabtamo taasina ay caddeyneyso in Tuhunku Xaggiisa si weyn ugu jiro.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay inaan la isaga hari doonin Lacagtaas isla markaana maalin maalmaha ka mid ah uu jiri doono Xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo Shariif Xasan.

Dhawaan ayay ahayd war qoraal ah oo uu soo saaray Bangiga adduunka uu ku sheegay in Lacago ay bixiyeen dalalka Deeqda bixiya looguna tala galay Dawladda Federaalka Soomaaliya in la lunsaday Lacagtaas oo la sheegay in ay gaareysey Boqol iyo Soddon Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya uu soo dhaweeyay warka ka soo yeeray bangiga adduunka isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin in Lacagtaas la ogaado halka rasmi ahaan ay ku dambaysey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.