Home » Faallo »

War-Saxafadeed: Taageero Shirka Istambuul iyo ka soo qaybgalka Maamuladda Soomaaliyeed | Qurbajooga PDF

Ref: PDF/011134  |  Date: June 1st,  2012
www.puntlanddiaspora.org

mediarelations@puntlanddiaspora.org

Golaha Qurbajoogta Puntland (PDF) Wuxuu soo dhawaynayaa taageerada dhaxalgalka ee ay Dowlada iyo Shacabka Turkigu u fidiyeen lana garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, waana talaabo geesinimo leh  oo geli doonta taariikhda Soomaaliyeed.

Sidoo kale ayaa Goluhu soo dhaweynayaa Shirka Caalamiga ah  lagu qabtay Istambuul , oo lagu gorfaynayay sidii loo taageeri lahaa hanaan Socodka Dowladeed, Amniga iyo dib u heshiisiinta ay wado Dowlada TFG iyadoo kaashanaysa Maamulada kale ee dalka ka dhisan. Sidoo kale, Haddaba, wuxuu Golluhu soo dhawaynayaa, taageerayana go’aamadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay shirkaas isaga ah, isagoo ka rajaynayna beesha caalamaku inay ka run sheegto balan qaadyadeeda.

Sidoo kale wuxuu Goluhu taageerayaa dadaalka ay dowladda Turkigu, ee aan walaalaha nahay, ka wado dalka, isagoo ku faraxsan inay noqoto dalka hogaanka u qabta dadaalada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Waxaan ku faraxsannahay in dowladda Turkigu garowsatay inay jireen khaladaad la xiriira sidii loo abuubulay bilowgii shirka iyadoo ajendaha iyo ula jeedada shirka aayan caddayn, ka dibna, la timid balanqaad ah in shirku noqon doono mid lagu taageero heshiisyadii Garowe 1, 2 , Galkacayo agreement, iyo isfahamkii Addis.

Waxaan hambalyo u diraynaa Maamullada dalka gaar ahaan Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka tanaasuleen qaadacaadii shirka, ka dib markii maamulladaas iyo dawladda Turkigu isfahmeen oo mugdigii shirka gakalay laga saaray.

Wuxuu Goluhu mahad gaar ah u dirayaa Ra’iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo runtii muujiyay geesinimo iyo xilkasnimo kadib markuu dadaal u galay sidii uu mugdiga shirka galay uga saari lahaa iskuna fahamsiin lahaa, isuguna soo dhawayn lahaa aragtida maamullada dalka ee qaadacay shirka iyo dowlada Turkiga ee shirka qabatay.

Haddaba, anagoo ku faraxsan isfahamkaas iyo isku soo dhawaanshahaas, waxaan haddana cadaynaynaa in qurbajoogta shirka tagtay ahaayeen xisbiyo siyaasadeed iyo taageerayaashooda,  kuwaas oo huwaday shaarka ururada bulshada, iyagoo watay hadaf guracan oo ka duulaya mucaaradnimo iyo taageero muqaawamo ku salaysan, sidaa awgeed, aysan ka turjumi Karin Qurbajoogta Soomaaliyeed ee nabadda jecel, taageersan hanaanka dowladnimo, amniga iyo dib u heshiisiinta eedalka ka socda.

Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraynaa inay taageeraan dagaalada dalka looga sifaynayo Al-Shabaab, taageeraan nabadda Muqdisho iyo Wadashaqaynta Maamullada Dalka.   Waxaan Soomaali meelay joogtaba ugu yeeraynaa Nabad, Wada-noolaansho iyo in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan, taas oo dhowrta xuquuqda muwaadiniinta kuna salaysan sharci iyo kala danbayn.

 

Guddiga Saxaafada iyo Xiriirka Bulshada

Gollaha Qurbajoogta Puntland

Puntland Diaspora Forum

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.