Home » Warar »

Banaanbax Lagu Taageerayo Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Istanbuul oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

Dibad baxan oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa uu ka dhacay Degmadaas.

Dadkan Dibadbaxa dhigayay oo watay Boorar iyo caleemo qoyan ayaa waxa ay socod ku soo kala bixiyeen wadooyinka dhex mara Degmada Xamar Weyne iee Magaalada Muqdisho.

Dadkan dibadbaxayay ayaa ugu dambayntii ku soo Uruuray Fagaare ku yaala Degmadaas iyadoo ugu horeena uu halkaa ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Degmada Xamar Weyne Cabdulqaadir Suufi oo ka war bixiyay qaabkii ay bananbaxaas u soo abaabuleen.

Guddoomiye ku Xigeenka Suufi ayaa sheegay in dibadbaxan ujeedka ay ka leeyihiin inuu yahay sidii taageero loogu muujin lahaa dhamaanba qodobadii ka soo baxay Shirkii arrimaha Siyaasadda looga hadlay ee dhawaanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Istanbul sidaa darted haddii ay yihiin Dadkii Reer xamar Weynana ay si aad ah u soo dhaweynayaan dhamaanba qodobadii shirkaas lagu gaaray.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabdullaahi Sahal Gar Dhuub oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa intaa ku daray in taageeradooda maanta ay halkaa ku soo ban dhigayaan in aysan ku koobneen oo keliya Shirka Istanbuul

Banaanbaxaan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu taageerayo Shirkii Istanbuul oo ay ka qayb galeen Odoyaasha Dhaqanka kaasoo looga hadlayay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xiliga kala guurka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.