Home » Warar »

Odayashii Dhaqanka ee ka qayb galay Shirkii Istanbuul oo ku soo laabtay Muqdisho

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay in Muqdisho ay ku soo laabteen Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Istanbuul kaga soo qayb galay shirka.

Hoos ka akhri warsaxaafadedka:

Halkan ka daawo sawirada soo dhaweynta

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho, June, 03, 2012———- Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha & Waliba Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warsadaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka ugu soo gabagaboobay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa si heer saro ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Iyadoona ay ka soo qeybgaleen soo dhaweynta qaar ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya, Ururada Bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobalka Banaadir.

Soo dhaweynta Odoyaasha kadib waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kula hadlay Warbaahinta Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan oo kamid ahaa Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in si weyn loogu soo dhaweyay dalka Turkiga islamarkaana uu tilmaamay in Odoyaasha ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaa heshiisyadii ka soo baxay shirkii turkiga kaa oo looga arrinsaday sidii loo hormarin lahaa dalka.

“Dowladda Turkiga aad ayay noo soo dhaweeyeen,Shirkii aan ka qeybgalneyna wuxuu ahaa mid si guul ah ku soo dhamaaday, Haddii aanahay Odoyaashii Dhaqanka Soomaaliyeed waxaan balan qaadeynaa inaan hormuud u noqon doono hormarinta dalkeena oo aan mar walbo isugu xiranahay sidii aan u hormarin laheyn dalka”.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa gudaha garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde kula hadlay Saxaafadda wuxuuna sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin soo laabashada Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho, Wuxuuna intaa ku daray in Odoyaasha ay guda geli doonaan soo xulista Ergadii ansixin laheyd Dastuurka dalka. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa Odoyaasha kula hadlaya goobtii ay shirka uga soconeysay oo ay degenaayeen Isagoona u sheegay in Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay laamaha amaana ula socodsiiyaan si loo ilaaliyo amaankooda cida soo booqaneyso iyo goorta ay wax booqanayaan si loo ilaaliyo amaankooda.

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu Odoyaasha Dhaqanka ku dhiiri geliya iney sii kordhiyaan dadaalada ay hadda wadaan islamarkaana tilmaamay in wixii bari ka dambeeyo ay soo diyaariyaan Ergadii ansixin laheyd dastuurka soona xuli laheyd baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

 

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.