Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Warbixin ka siiyey Shirkii Stanbul Madaxweynaha Tanzania.

iyo Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Cambaareyna u soo Jeedisey Maamulka Soomaaliland — 

Warbixin Tanzaniya: Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii Istanbul ayaa iminka soo gaaray Magaalada Daara salaam ee Dalka Tanzaniya.

Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa markii ay halkaa gaareen waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dawladda Tanzania Jakai Kekwetea.

Labada Madaxweyne ayaa wada yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin iyagoona ka wada hadlay Xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa dhiggiisa Tanzania uga war bixiyay xaaladihii u dambeyay ee Soomaaliya iyo waliba shirkii Istanbuul dhawaan ugu soo gaba gaboobay Kooxaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shariif Shiikh Axmed ayaa u sheegay Madaxweyne Jakai Kekwete in kulankii Istanbuul ay ka soo baxeen Natiijooyin wax ku Ool ah isla markaana ay rajaynayaan in Dabaqayaada sanadkan Xukuumad aan ku meel gaar ahayn laga dhiso Soomaaliya.

Madaxweyne Jakai Kekwete oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegey inuu si weyn ugu faraxsan yahay wax qabadka Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya isagoona sheegey inuu soo dhaweynayo wax qabadkeeda

Madaxweynaha Tanzaniya ayaa sidoo kale ka hadlay Xiriirka qododa dheer ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dal isagoona sheegey in Xiriirkaasu ahaa mid muddo dheer soo jiray.

Xukuumadda Daara Salaam ayaa hore u sheegtay inaysan Ciidamo u soo direen Dalka Soomaaliya iyadoo taas bedelkeedana ballan qaaday inay bixinayso tababaro dhinaca Ciidanka ah gaar ahaana Ciidamada Boliiska.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Cambaareyna u soo Jeedisey Maamulka Soomaaliland

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamaanka ee ka soo jeeda Degmada Laas Qorey oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Laas Qore ee Gobolka Sanaag.

Xildhibaanadan ayaa kulankaas Cambaareyn ugu soo jeediyay Maamulka la Magac baxay Soomaaliland kaasoo ay sheegeen inuu ka soo hor jeedo Horumarka Degaanada Sool iyo Sanaag.

XIldhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in kulankooda ujeedada ka danbaysa ay tahay in ay cambaareynayaan Maamulka Soomaaliland.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay in maamulkaasu aanu dooneyn horumar ay gaaraan degaanada Sanaag iyo Sool iyadoona Tusaale u soo qaadatay is hor taaggii Maamulka Soomaaliland u isku dayay inu ku sameeyo Maraakiib doonaysey inay dayac tiraan Dekadda Laas Qorey oo ka mid ah meelaha u bur burku sida aadka ah u saameeyay.

Maalinimadii shalay ayaa Ciidamo Taabacsan maamulka Somaliland iyo Ganacsatadii Maraakiibtaas hoggaaminaysey ay isku dhaceen taasoo keentay in dhaawac u ka soo gaaro Ciidamadii Maamulka Somaali land.

Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla ayaa sheegtay in ay ka soo hor jeedaan cids kasta oo dooneysa in ay is hor taagto Horumarada la doonayo in laga dhaqan geliyo Degaanada Sool iyo Sanaag.

Shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaalada Laas qorey waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka la magic baxay Soomaaliland kaasoo sheegay inaysan ka soo hor jeedin in dib u dhis dalka lagu sameeyo balse ay diidan yihiin in qof walba u iska maamusho Dalka iyadoo aan lagu soo war gelin Maamulka halkaa ka jira.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.