Home » Faallo »

Xisbiga SSUP oo soo dhaweeyay go’aanadii shirarka istanbuul iyo Addis-Ababa

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP Mudane Yaasiin Maaxi Mo’alim oo ah musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii beesha caalamka ee shirkii Istanbul II isagoo ku amaanay dowladda walaalaha ah ee Turkiga in Dowr-lama ilaabaan ah ka istaagatay arinta la xariirta sidii Soomaaliya looga samata bixin lahaa xiliga KMG

Musharax Yaasiin Maaxi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska oo ku yaala Magaalada Katrineholm ee Sweden ayaa tibaaxay in wax aad loo wada sugaayay ay aheeyd in beesha caalamka ay mowqif mid ah ka istaagto arinta kala guurka ah gaar ahaan iney ay qabsoonto doorasho xor ah oo lagu kala baxo kuna eg xilga KMG.

Mar ay wariyayaashu weydiiyeen Mudane Maaxi sida xisbiga uu hogaanka u yahay u arko Dastuurka qabyo qoraalka ayuuu sheegay in Soomaaliya ay waqtigaan u baahantahay cadaalad,sinaan iyo horumar iyadoo talaabadaasina lagu gaari karo buu yiri Dastuur iyo qeynuun hase ahaatee Musharax Maaxi ayaa ka digay in leeyska indha tiro qeyladhaanta shacabka isagoo ugu baaqay DKMG iyo beesha calamkuba iney tixgilin siiyaan shacabka rayidka ah ee iyagu rabaan iney talo ku yeeshaan aay- katalinta mustaqbalkooda madaama xiliga kala guurka loo baahanyahay in looga gudbo hanaan siyaasadeed oo xalal ah

’’Shirka istanbul II waa talaabo hormmar leh iyo sadaal u fiican shacbiga Soomaaliyeed, sidoo kale shirkii saxiixayaasha ee Addis-Abbaba ee lagu qodobeyay hanaanka Road-Map-ka runtii waxaad u maleeysaa iney rajo wangaasan iyo yididiilo ay muujinayaan balse waxaan ka digeeynaa in sida ay wax ku socdaan lacarqaladeeyo oo ay timaado wax isdaba marin iyo wax walbo ay u qabsoomi waayaan sidii loogu tala galay’’ sidaasi ayy ku cel-celiyey codkiisa Musharax Yaasiin Maaxi

Ugu Danbeeyn ayaa waxaa uu Mr Maaxi u aqriyay war saxaafadeed ay ku xusanyihiin qodobo baaq ah ka soo baxay shirka bilaha ee xubnaha fulinta xisbiga iyadoo qodobada oo ay ugu muhiimsanaayeen Baaq ku wajahan madaxda DKMG kuwaasi oo xubnaha xisbiga SSUP ugu baqeen iney diyaar u noqdaan in lagula tartamo hogaanka siyaasada, iyo in ay ogaladaan natiijo kasto oo ka timaada xiliga gala guurka aayna qaataan haddii doorashooyinka looga adkaado iyo haddi ay iyagu adkaadaan

’’Madaxweyne Sheekh shariif iyo saaxiibadiis waxaanu leenahay u diyaar garoooba inaad guuleeysataan ama guuldareesataan oo aad u hogaansataan natiijo kasto ileen umadda isbadal ayey u baahantahay maanta adinkana umadda waa idiin aragtay waxaad qabateen ’ ayuu ku soo gabagabeeyay Musharax Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya Mudane Yaasiin Maaxi Mo’alim

Isha warka
SSUP Media Departement Swedish Media
info@ssup.se
www.ssup.se

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xisbiga SSUP oo soo dhaweeyay go’aanadii shirarka istanbuul iyo Addis-Ababa "

  1. Cabdi says:

    waan ka xumahay in adiga oo ah nin aan wax badan ogeeyn aad hadda is weydiiso yaa is sharixi karo , qof kasto oo u dhashay somali awoodeeda leh xaq ayuu u leeyahay inuu isu soo sharaxo inuu ku hogaamiyo shacabkiisa hogaan hormarleh, teeda kale Maahi ma taqaanid ee raadi waxuu Maaxi galo ama uu gudo kadib ka hadal waxii aad war intaas ka hesho

  2. Waa wax laga naxo in maaxi oo ah wiil yar oo mudo dheer welfare ku noolaa la yiraah do waa musharax madaxweyne !!! malaha miyaa nidaam iyo meel loo soo maro mushaxrinimada misa cid kasta waa iskaga dhawaaqi kartaa regardless of there background ?