Home » Faallo »

31 May Maalinta Joojinta Cabista-Sigaarka ee Caalamka

Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2012 waa maalinta loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka lagu wacyigeliyo khatarta uu leeyahay.

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaas oo dhan waxay keenayaan khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.

Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan haweenka.

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 6 milyan oo qof, in ka badan 5 milyan waa dadka caba sigaarka iyo kuwii horey u cabi jiray, halka Lix boqol Kun ay yihiin dadka si dadban ku caba sigaarka (second-hand smoke).

Cabista sigaarka waxaa la socda 12 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah maaddada (Tar, Arsenic , benzene , formaldehyde, carbon monoxide iyo ammonia) waxaa kalow ku jira maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka  jir ahaan iyo maskax ahaan.

Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.

Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is yaraan karto.

CABISTA SIGAARKA IYO SAAMEYNTA CAAFIMAADKA UU KU LEEYAHAY

Cabista sigaarka wuxuu sababaa 25 cudur waxaa ka mid ah kuwa  ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka.

Wuxuu kaloo caawiyaa  cudurka gastritis wuxuuna badiyaa  laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo dahiyaa bogsashadda boog calooleydka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale  haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku  jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.

Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay  20 sanno dhinaca dhimashada daga daga ah.

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arteriosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha ,Maqalka dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro & dad waaweyn, rag & haweenba leh, waxayna ku keeni kartaa mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.

BAAQ

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo; iyo weliba waxyeellada caafimaadka aan kor ku soo xusnay uu keenayo.

 

Mahadsanidin

Prof. Osman M. Dufle


VIDEO – CDC: Tips from Former Smokers – Terrie’s Ad

WARNING: Waa dhibaatada sigaar cabida ee jooji sigaar haddii aad cabtid….. Video waa mid naxdin badan… waa qof sigaarka cabi jirtey oo sidaas noqotay, waxaa video sameeyey maraykanka oo sigaarka dadkiisa uga digaya…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.